Shalay oo aheyd maalinimo Talaado ah taariikhduna ku asteesneed 04/Ferbruary/2014 waxaa soi rasmi ah loosoo afjaray waregii koowaad ee horyaalka heerka 1-aad Dalkeena Soomaaliya (Nationlink Championship) waxaana guul kusoo xiray kooxda hogaamineysa horyaalka ee Banaadir Sports Club oo 4-1 ku garaacday naadiga hoose ee Savaana. Naadiga Banaadir ayaana hogaanka kala wareegay difaacdayaasha horyaalka Elman F.C. oo tan iyo maalinimadii isniinta aheyd ku raaxeysaneysay hogaanka horyaalka iyadoo laheyd 16-dhibcood balse Banaadir ayaa haatan leh 17-dhibcood hogaankana u heysa horyaalka qeybtiisa hore.
WARBIXIN KOOBAN OO LA XIRIIRTA HORYAALKA:
Horyaalka Soomaaliya xili ciyaareedkaan waxaa daaha laga rogay 08/November/2013 waxaana kulankii ugu horeeyay nasiib u yeeshay iney ku ciyaaraan garoonka lagu goglay cowska kooxaha Gaadiidka iyo Heegan taasoo natiijada ay noqotay mid ay Heegan ku adkaato 3-2. Si Kastaba kooxaha heerka koowaad ayaa markoodii ugu horeysay ku ciyaaraya garoon lagu goglay cowska macmaclka ah ee garoomada caalamka qaarkood waxaana ay koox walba soo bandhigtay dadaal dheeri ah sidoo kalana xidigaha ayaa soo bandhigay ciyaar aad ay ula dhaceen taageerayaasha labada dhinac. Horyaalkaan wuxuu noqday midkii ay kasoo qeyb galeen taageerihii ugu badnaa ebid. Xusuunow in hal kulan oo kamid ah horyaalka la baajiyay madama booqashadii madaxweyne Xasan Sheikh ee xiligaas ay sababtay in waqtiga bilaabashada ciyaarta ay daahdo wuxuuna kulankaas dhexmari lahaa kooxaha Jeenyo iyo Elman oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka Soomaaliya. Kulan saaxiibtinimo oo xiligaas la ciyaarayna 1-0 waxa ku adkaatay kooxda Elman. Dhamaan kulamadii kale ayaa si caadi ah loo ciyaaray waxaana horyaalka la ciyaaray 28-kulan madama koox walba ay ciyaarta 7-Kulan.
RIKOORADA MACQULKA AH:
Kooxda aan wali guuldaro la kulmin waa BANAADIR Sports Club
Kooxda aan wali guusha gaarin waa Savaana oo dhamaan 7-dii kulan guuldaro la kulantay
Kooxda goolasha ugu badan dhalisay waa Banaadir Sports Club waxeyna dhalisay 18-gool.
Kooxda goolasha ugu yar lagdhaliyay waa JEENYO oo laga dhaliyay 6-gool oo qura.
Kooxda goolasha ugu badan laga dhaliyay waa Horseed oo laga dhaliyay 18-gool.
Kulamadii ugu goolasha badnaa iyadoo lakala badiyay wuxuu dhexmaray: Jeenyo iyo Horseed, Dekedda iyo Banaadir SC, Heegan iyo Savaana oo kusoo wada dhamaaday 4-2 isku darkana waa (6-gool).
Kulankii ugu goolasha badnaa iyadoo aan lakala badin wuxuu dhexmaray Elman iyo Horseed oo kusoo dhamaatay 3-3, isku darkana waa (6-gool).
Kooxihii ku badiyay goolasha ugu badan iyadoon wax gool ah laga dhalin:
Heegan 3 – 0 Horseed, Jeenyo 3 – 0 Dekedda, Dekedda 3 – 0 Horseed, Elman 3- 0 Gaadiidka.
Bidix: (Marcel Samsung Otungi) Weeraryahanka Reer Kenya ee kooxda Banaadir Oo Daawanaya Kulan uu ganaax ku maqnaa
DHANKA GOOLDHALINTA:
Gooldhalinta xili ciyaareedkaan waa ka duwan tahay kuwii hore waxaana dadaal sameynaya weeraryahano badan kuwaas oo dagaal adag u galaya iney ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta horyaalka waxaana haatan ugu horeeya labada weeraryahan ee u kala ciyaara kooxaha Horseed iyo Banaadir Sports Club, Sanyuura iyo Marcel Samsung inkastoo xidigaan Banaadir uu yahay wiil Keenyaati ah. Si kastaba xidigo kale ayaa kusoo xiga dhanka goolasha oo ay ka mid yihiin: C/llaahi Yare, Deeq Aaryo, Jabriil Xasan Fariid ay kusoo xigaan labadaas xidig ee hogaanka u heysa gooldhalinta horyaalka Nationlink Championship. Sidoo kale wiilashaan ayaa fursad balaaran u heysta iney sii kordhiyaan goolashooda madama wareeg labaad uu haray tartanka.
XASUUSIN DHAMAAN KULAMADII LA CIYAARAY WAREEGA 1-AAD
Waxaan jecelnahay inaan idin xasuusino dhamaan kulamadii la ciyaaray si aad u ogaato bal guulaha iyo guuldarooyinka ay koxdaada keensatay iyo waliba barbardhaca, inagoo si cad ugu sharaxnay shaxda hoose.
ISBUCA 1-AAD |
ISBUCA 2-AAD |
Heegan 3 – 2 Gaadiidka | Dekedda 1 – 2 Heegan |
Horseed 0 – 3 Dekedda | Gadiidka 1 – 0 Savana |
Jeenyo 2 – 0 Savana | Horseed 2 – 2 Banaadir 2-2 |
Elman 1- 3 Banaadir | Jeenyo 0 – 2 Elman |
ISBUCA 3-AAD |
ISBUCA 4-AAD |
Heegan 4 – 2 Savana | Banaadir 1 – 0 Heegan |
Dekedda 2 – 4 Banaadir | Savana 1 – 2 Elman |
Gaadiidka 0 – 3 Elman | Dekedda 0 – 3 Jeenyo |
Horseed 2 – 4 Jeenyo | Gaadiidka 2 – 2 Horseed |
ISBUCA 5-AAD |
ISBUCA 6-AAD |
Heegan 1 – 2 Elman | Jeenyo 0 – 1 Heegan |
Banaadir 1 – 1 Jeenyo | Elman 3 – 3 Horseed |
Savana 1 – 3 Horseed | Banaadir 3 – 2 Gaadiidka |
Dekedda 1 – 1 Gaadiidka | Savana 0 – 1 Dekedda |
ISBUUCA 7-AAD |
HOGAAMIYAYAASHA HORYAALKA BANAADIR SPORTS CLUB |
Jeenyo 2 – 0 Gaadiidka | |
Heegan 3 – 0 Horseed | |
Elman 2 – 0 Dekedda | |
Banaadir 4 – 1 Savana |
KALA HOREYNTA HORYAALKA:
No | Koox | Kul | Bad | L/B | Bar | G/A | G/L | Dhib |
1. |
Banadir S.C | 7 | 5 | 0 | 2 | 18 | 8 | 17 |
2. |
Elman FC | 7 | 5 | 1 | 1 | 15 | 8 | 16 |
3. |
Heegan FC | 7 | 5 | 2 | 0 | 14 | 8 | 15 |
4. |
Jeenyo United | 7 | 4 | 2 | 1 | 12 | 6 | 13 |
5. |
Dekedda | 7 | 2 | 4 | 1 | 8 | 12 | 7 |
6. |
Horseed | 7 | 1 | 3 | 3 | 12 | 18 | 6 |
7. |
Gaadiidka | 7 | 1 | 4 | 2 | 8 | 14 | 5 |
8. |
Savana | 7 | 0 | 7 | 0 | 5 | 17 | 0 |
Xili Ciyaareedkaan waxaa xiiso gooni ah leh Jamaahiirta kooxaha kuwaas oo mar walba isku dayaya iney gacan siiyaan kooxahooda kuna taageeraan qaab ciyaareedka, kooxaha ugu taageeraha badan ayaa lagu sheegay iney yihiin kooxaha LL.PP Jeenyo iyo Banaadir Sports Club kuwaas oo kaalmaha hore kaga jira horyaalka.
XIDIGAHA AJAANIBTA AH:
Waa Markii ugu horeysay oo ay horyaalka soomaaliya ka ciyaarto Ajaanib aan u dhalan Soomaaliya waxaana ku sugan muqdisho 8-xidig oo ajnabi ah kuwaas oo kasoo jeeda qaarada weynta Africa, waxaana 7-kamid ah ay u dhasheen dalka aan dariska nahay ee Kenya halka mid ka mid ahna uu u dhashay dalka Nigeria. Ciyaartoydaas waxey u kala ciyaaraan laba koox oo kala ah Gaadiidka iyo Banaadir Sports Club. Sida uu qorayo xeerka tartamada ee xiriirka soomaaliyeed koox walba waxey xaq u leedahay iney keensato tiro afar ah hadii ay doonayaan xidigo ajaanib ah waxaana talaabadii ugu horeysay qaaday Banaadir inkastoo sidoo kale Gaadiidka ay iyana keeneen: Marcelo Samsun, Mustafa Maxwell, Horizon iyo Thomas (Dhamaan Banaadir Sports Club) Lehman, Okocha, Medofry Gogo, Vicent Moguna (Gaadiidka).
GABOGABO:
Horyaalka Xili Ciyaareedkaan wuu xiiso badan yahay waxaana sida la ogyahay difacaneysa kooxda Elman oo labadii sano ee lasoo dhaafay qaadatay inkastoo sanadkaan uu ka duwan yahay sanadidii hore madama kooxaha dhan ay hami ka leeyihiin hanashada horyaalka. Marka laga reebo Savaana oo guuldareystay dhamaan kulamadii ay ciyaarta ayaan rajo ka laheen tartankaan, waxeyna ku talgali doontaa sidii ay kaga badbaadi laheed u laabashada heerka labaad oo ay haatan kasoo dalacday.
SAWIRADA DHAMAAN KOOXAHA HEERKA 1-AAD:
Hogaamiyayaasha Horyaalka Banaadir Sports Club
Kooxda Kaalinta Labaad ee Elman (Ahna Difaacdayasha Horyaalka)
Kooxda Kaalinta Sadexaad ee Heegan
Kooxda Kaalinta Afaraad LL.PP. Jeenyo
Kooxda Dekedda
Kooxda Horseed
Kooxda Gaadiidka
Kooxda Savaana
yaska
February 5, 2014 at 8:55 PM
hiilkubad aad iyo aad ayaa u mahsantihiiin lkn waxa aad ilawdeen
sida gool dhalinta horyaalka loo hogaaminayo thanks hiilkubad