Wuxuu yeeshay mansab sare madama macalin looga dhigay koox ka mid ah boqortooyada yurub ee xiliga casriga ah inkastoo mudooyinkii dambe ay hoos u dhacday hadana waxaa soo maray waqti aysan iloobi karin yurub balse masuuliyadda dhan waxa dusha looga tuuri doonaa Pep Guardiola.
Kasoo Tag Hadii Pep Guardiola uu ahaa halyeey soo maray Barcelona isla markaana uu wado qaali ah marsiiyay kooxdiisa maxaa diidaya in Luis Enrique uu wado kale oo dahabi ah u suuraliyo kooxda Barcelona.
HADABA WAA KUMA LUIS ENRIQUE?
Hadii aad fiirsashada iyo la socodka ciyaaraha bilawday wixii ka dambeeyay 2004, isla markaana qibradaada ay la egtahay 10-sano, waxba kama taqaanid shaqsiga uu yahay Luis Enrique, Lagase yaabee iney jiraan dad bilaabay xili ka horeysa balse aan warba u heyn qofka uu yahay Luis Enrique.
Ha Ii Maleynin Shaqsi taagnaa Dhamaan waqtigiisii Kubada Cagta, Lagase yaabee inaan ka mid ahay dadka aan waxba ka aqoon!!!
Xusuus iyo Bilawba ha u noqotee Hiilkubad ayaa idiin qeexeysa shaqsiyadda Luis Enrique:
Magaciisa oo buuxa waa: (Luis Enrique Martínez García) wuxuu dhashay 8-dii May 1970, waxaana loo yaqaan Luis Enrique, waa xidig hore oo xulka Spain kaas oo ka fariistay kubadda cagta, sidoo kalana soo maray kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Sporting Giojon balse haatan waa tababaraha kooxda Barcelona.
Luis Enrique wuxuu ku dhashay magaalada Gijon ee dalka Spain.
Dhirirkiisa: 1.80 (5ft, 11 in)
Waayihiisa Da’yarta:
1981 – 1984: Wuxuu ka tirsanaa kooxda Sporting Gijon
1984 – 1988: Wuxuu amaah ugu maqnaa La Brana
Waayihiisa Sare:
1988 – 1989: Wuxuu kasoo muuqday Kooxda Sporting Gijon B.
1989 – 1990: Wuxuu kasoo muuqday Kooxda waaweyn ee Spoting Gijon
1991 – 1996: Wuxuu ka tirsanaa Kooxda Real Madrid, (Wuxuu u ciyaaray: 157-kulan (15-gool) ayuuna u dhaliyay)
1996 – 2004: Wuxuu ka tirsanaa Kooxda Barcelona, (Wuxuu u ciyaaray: 207-kulan (73-gool) ayuuna u dhaliyay)
2004 Ayuu isaga fariistay kubada cagta gabi ahaan
Dhanka Qaranka:
1990 – 1991: Spain 21-jiradaو Wuxuu u ciyaaray: 5-kulanز
1991 – 1992: Spain 23-jirada, Wuxuu u ciyaaray: 14-kulan (3-gool) ayuuna u dhaliyay
1992 – 2002: Xulka Waaweyn ee Spain, Wuxuu u ciyaaray: 62-kulan (12-gool) ayuuna u dhaliyay
Waqtigiisii Macalinimada:
2008 – 2011: Bacelona B.
2011 – 2012: Roma
2013 – 2014 Celta Vigo
2014 – Barcelona
Luis Enrique wuxuu kaalin libaax leh kasoo qaatay intii uu kubada cagta ku jiray inuu ku guuleysto koobab badan:
Real Madrid:
Horyaalka: 1995-1996
Copa Del Rey: 1992 – 1993
Super Copa De Spana: 1993
Barcelona:
Horyaal: 1997 – 1998 & 1998 – 1999
Copa Del Rey: 1996 – 1997 & 1997 – 1998
Super Copa: 1996
Uefa Cup Winners Cup: 1996 – 1997
Uefa Super Cup: 1997
Luis Enrique Martinez Garcia wuxuu guud ahaan saftay: 558 isago dhaliyay 144-gool, waana xidig ku caan baxay khadka dhexe isagoo kabtan kasoo noqday Bulgarana.
Hadii aad wax intaan ka badan tahay kaga baahan tahay inaad ka ogaato shaqsiyadda Luis Enrique.
Fadlan Booqo, Page-kiisa wikipedia uu ku leeyahay:
Luis Enrique Martinez Garcia – Wikipedia
DAAWO XIRFADO LAGA SOO ARUURIYAY WAQTIGIISII BARCELONA:
xuseen alii
May 20, 2014 at 11:53 AM
libaax iga dheh Luis Enrique waxa uuna sifudud ula qabsandoonaa naadigiisa maadaama uu horay ugu soo ciyaaray kooxad barca
hambalyo Luis Enrique barcelona
Farxaan-Balwo
May 20, 2014 at 12:04 PM
waad ku mahadsan tihiin sida aad noogu soo gudbinaysaan wararka xiisaha leh
hadaan ka hadlo fikirkayga waxaan is leeyahay wax badan ayuu ku soo kordhin karaa luis