Home » Maxaa Cusub » Waa Kuma Macalinka Cusub Ee Barcelona Luis Enrique? Hadda Baro Hadii Aadan Horay U Aqoon

Waa Kuma Macalinka Cusub Ee Barcelona Luis Enrique? Hadda Baro Hadii Aadan Horay U Aqoon


ENrique barca

Wuxuu yeeshay mansab sare madama macalin looga dhigay koox ka mid ah  boqortooyada yurub ee xiliga casriga ah inkastoo mudooyinkii dambe ay hoos u dhacday hadana waxaa soo maray waqti aysan iloobi karin yurub balse masuuliyadda dhan waxa dusha looga tuuri doonaa Pep Guardiola.

Kasoo Tag Hadii Pep Guardiola uu ahaa halyeey soo maray Barcelona isla markaana uu wado qaali ah marsiiyay kooxdiisa maxaa diidaya in Luis Enrique uu wado kale oo dahabi ah u suuraliyo kooxda Barcelona.

FC Barcelona

HADABA WAA KUMA LUIS ENRIQUE?

Hadii aad fiirsashada iyo la socodka ciyaaraha bilawday wixii ka dambeeyay 2004, isla markaana qibradaada ay la egtahay 10-sano, waxba kama taqaanid shaqsiga uu yahay Luis Enrique, Lagase yaabee iney jiraan dad bilaabay xili ka horeysa balse aan warba u heyn qofka uu yahay Luis Enrique.

Ha Ii Maleynin Shaqsi taagnaa Dhamaan waqtigiisii Kubada Cagta, Lagase yaabee inaan ka mid ahay dadka aan waxba ka aqoon!!!

Xusuus iyo Bilawba ha u noqotee Hiilkubad ayaa idiin qeexeysa shaqsiyadda Luis Enrique:

Magaciisa oo buuxa waa: (Luis Enrique Martínez García) wuxuu dhashay 8-dii May 1970, waxaana loo yaqaan Luis Enrique, waa xidig hore oo xulka Spain kaas oo ka fariistay kubadda cagta, sidoo kalana soo maray kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Sporting Giojon balse haatan waa tababaraha kooxda Barcelona.

Luis Enrique wuxuu ku dhashay magaalada Gijon ee dalka Spain.

Dhirirkiisa: 1.80 (5ft, 11 in)

Waayihiisa Da’yarta:

1981 – 1984: Wuxuu ka tirsanaa kooxda Sporting Gijon

1984 – 1988: Wuxuu amaah ugu maqnaa La Brana

Waayihiisa Sare:

1988 – 1989: Wuxuu kasoo muuqday Kooxda Sporting Gijon B.

1989 – 1990: Wuxuu kasoo muuqday Kooxda waaweyn ee Spoting Gijon

1991 – 1996: Wuxuu ka tirsanaa Kooxda Real Madrid, (Wuxuu u ciyaaray: 157-kulan (15-gool) ayuuna u dhaliyay)

1996 – 2004: Wuxuu ka tirsanaa Kooxda Barcelona, (Wuxuu u ciyaaray: 207-kulan (73-gool) ayuuna u dhaliyay)

2004 Ayuu isaga fariistay kubada cagta gabi ahaan

Dhanka Qaranka:

1990 – 1991: Spain 21-jiradaو Wuxuu u ciyaaray: 5-kulanز

1991 – 1992: Spain 23-jirada, Wuxuu u ciyaaray: 14-kulan (3-gool) ayuuna u dhaliyay

1992 – 2002: Xulka Waaweyn ee Spain, Wuxuu u ciyaaray: 62-kulan (12-gool) ayuuna u dhaliyay

Waqtigiisii Macalinimada:

2008 – 2011: Bacelona B.

2011 – 2012: Roma

2013 – 2014 Celta Vigo

2014 – Barcelona

Luis Enrique wuxuu kaalin libaax leh kasoo qaatay intii uu kubada cagta ku jiray inuu ku guuleysto koobab badan:

Real Madrid:

Horyaalka: 1995-1996

Copa Del Rey: 1992 – 1993

Super Copa De Spana: 1993

Barcelona:

Horyaal: 1997 – 1998 & 1998 – 1999

Copa Del Rey: 1996 – 1997 & 1997 – 1998

Super Copa: 1996

Uefa Cup Winners Cup: 1996 – 1997

Uefa Super Cup: 1997

Luis Enrique Martinez Garcia wuxuu guud ahaan saftay: 558 isago dhaliyay 144-gool, waana xidig ku caan baxay khadka dhexe isagoo kabtan kasoo noqday Bulgarana.

Hadii aad wax intaan ka badan tahay kaga baahan tahay inaad ka ogaato shaqsiyadda Luis Enrique.

Fadlan Booqo, Page-kiisa wikipedia uu ku leeyahay:

Luis Enrique Martinez Garcia – Wikipedia

DAAWO XIRFADO LAGA SOO ARUURIYAY WAQTIGIISII BARCELONA:

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Waa Kuma Macalinka Cusub Ee Barcelona Luis Enrique? Hadda Baro Hadii Aadan Horay U Aqoon

  1. xuseen alii Reply

    May 20, 2014 at 11:53 AM

    libaax iga dheh Luis Enrique waxa uuna sifudud ula qabsandoonaa naadigiisa maadaama uu horay ugu soo ciyaaray kooxad barca

    hambalyo Luis Enrique barcelona

  2. Farxaan-Balwo Reply

    May 20, 2014 at 12:04 PM

    waad ku mahadsan tihiin sida aad noogu soo gudbinaysaan wararka xiisaha leh

    hadaan ka hadlo fikirkayga waxaan is leeyahay wax badan ayuu ku soo kordhin karaa luis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close