Luis Suarez ayaa qaniinyo ku qabtay daafaca Italy Giorgio Chiellini intii lagu guda jiray kulankii adkaa ee dhex maray xulalka Italy iyo Uruguay oo ugu dambeyntii 1-0 Guusha ku raacday Uruguay taasoo la micno ah in Xulka Azuri gebi ahaanba laga tirtiray koobka adduunka.
Daqiiqadii 12 ee cayaarta oo 0-0 aheyd ayaa waxaa la arkayey Chiellini oo xerada ganaaxa cadaadis badan ku saarayey Suarez isagoo ka ilaalinayey inuu shabaqa taabto, taasoo ka careysiisay Suarez Halka Chiellini-na uu muujiyey cadaawada uu u qabo weeraryahankaan Ingiriiska ka reebay koobka adduunka.
Chiellini ayaa la arkayey isagoo garsooraha kulankaan dhowr jeer tusinaayo qaniinyada loo geystay inkastoo garsooraha uusan wax jawaab ah ka bixin arrintaas.
Lama Ogo sida ay FIFA u arki doonto falkaan uu sameeyey Suarez, iyadoo la xasuusto inuu horey sidaan oo kale u qaniinay daafaca ay xifaaltamaan ee Chelsea Branislav Ivanovic iyadoo markaas oo uu FA-ga England kala kulmay Ganaax adag
Akhriste falkaan sidee u aragtaa fikirkaaga waa muhiim
kkkkkkkkkkkkkk….walee waa yaaaaab ilkaha in laga guro ayuu istaahilaa vampire ku
kkkkkk war ninkan waa dad cun wax udhawanayah majiroh
dad qaniinow waa uu soo dhigte walaahi ninkan qof uu dhaafaayo malahan waxan u maleeyaa in uu qabo raabiyo barina waxaaku soo xigto dadka in uu toos u cuno waxaa ila tahay in reerkiisa laga ilaaliyo ilmahisa iyo naagtiisa maxaa yeele waaa uu cuni karaa ama dhib ayuu gaarsiinkaraa ninkan halugu xero xerada xayawaanada ma u qalmo in uu dadka ku dhaxjiro ama uu banooni cayaaro