Home » Maxaa Cusub » Sawiro: Luis Suarez Oo Dib Ugu Laabtay Bahalnimadiisii Kadib Markii Uu Qaniinay Daafac Ka Tirsan Italy

Sawiro: Luis Suarez Oo Dib Ugu Laabtay Bahalnimadiisii Kadib Markii Uu Qaniinay Daafac Ka Tirsan Italy


article-2667441-1F17273300000578-852_964x386

Luis Suarez ayaa qaniinyo ku qabtay daafaca Italy Giorgio Chiellini intii lagu guda jiray kulankii adkaa ee dhex maray xulalka Italy iyo Uruguay oo ugu dambeyntii 1-0 Guusha ku raacday Uruguay taasoo la micno ah in Xulka Azuri gebi ahaanba laga tirtiray koobka adduunka.

Champing at the bit: Luis Suarez appears to bite Giorgio Chiellini during Group D showdown

Daqiiqadii 12 ee cayaarta oo 0-0 aheyd ayaa waxaa la arkayey Chiellini oo xerada ganaaxa cadaadis badan ku saarayey Suarez isagoo ka ilaalinayey inuu shabaqa taabto, taasoo ka careysiisay Suarez Halka Chiellini-na uu muujiyey cadaawada uu u qabo weeraryahankaan Ingiriiska ka reebay koobka adduunka.

Chiellini ayaa la arkayey isagoo garsooraha kulankaan dhowr jeer tusinaayo qaniinyada loo geystay inkastoo garsooraha uusan wax jawaab ah ka bixin arrintaas.

Bite marks: Chiellini shows his wounds to the ref after a clash with Suarez

Lama Ogo sida ay FIFA u arki doonto falkaan uu sameeyey Suarez, iyadoo la xasuusto inuu horey sidaan oo kale u qaniinay daafaca ay xifaaltamaan ee Chelsea Branislav Ivanovic iyadoo markaas oo uu FA-ga England kala  kulmay Ganaax adag

No action: Chiellini appeals to referee Marco Rodriguez after the incident

Agony: Chiellini lays on the turf clutching his shoulder

Pain game: Suarez holds his mouth

Akhriste falkaan sidee u aragtaa fikirkaaga waa muhiim

 

 


Close