Home » Europe » Champions League » SAADAAL: Kooxdee Noqon Doonta Boqorada Yurub, Real Madrid Mise Atletico Madrid

SAADAAL: Kooxdee Noqon Doonta Boqorada Yurub, Real Madrid Mise Atletico Madrid


FINAL WAAYE

[LISBON - PORTUGAL] 24-ka May waxaa iska hor imaan doona kooxo ku xifaaltami jiray horyaalka La Liga isla markaana ay ka dhaxeso cadaawad darisnimo waana marka ay is wajahaan Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Lisbon ayaa nasiib u yeelatay iney martigaliso kulan kulminaya riyooyin badan:

[Real Madrid oo ku riyooneysa koobkeedii 10-aad ee LA DECIMA tartankaan Champions League & Atletico Madrid oo markii ugu horeysay ku riyoneysa iney u dabaal dagto boqrotooyada Yurub].

Real Madrid ayaa wado cad soo marsiisay kooxaha: Schalke 04, Borrusia Dortmund, Bayern Munich oo dhamaantood kasoo wada jeeda dalka Jarmalka.

Atletico Madrid iyana dhankeeda waxey soo qaarijisay: Milan,  Barcelona, Chelsea.

Safar dheer ayey soo mareen balse hal riyo uun baa ku rumoobi doonta Stadia Da Luiz oo ay leedahay Benfica marka ay Habeenka Axada soo galeyso isugu yimaadaan Labada Kooxood.

Hadaba Codbixinta Hoose ka dhiibo codkaaga kooxdee ku guuleystan karta Champions League?

Sidoo kale Fikirkaaga Waa Muhiim qeybta Comments-ka noogu soo gudbi.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

10 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: SAADAAL: Kooxdee Noqon Doonta Boqorada Yurub, Real Madrid Mise Atletico Madrid

  1. Young-MOHA Reply

    May 23, 2014 at 4:30 PM

    Viva CR7, los blancos ayaa iska leh waxba yaan la is daalin asxaabey

  2. Farxaan Blues Reply

    May 23, 2014 at 4:32 PM

    atletico madrid ayaan siinayaa aniga viva blues and jose

  3. Mahad Yare Reply

    May 23, 2014 at 4:35 PM

    VIva Atletico Madrid, ooyaye Ronaldo halaga qaado, costa ayaa qaadaayo

  4. Mustaf Ozil Reply

    May 23, 2014 at 4:37 PM

    Viva Ozil and ex Madrid, ronaldo ayaa qaadaayo champions league wliba hat-triik ayuu dhalinaa

  5. Cali Kaar Reply

    May 23, 2014 at 4:39 PM

    aniga fikir ahaanteyda Real Madrid ayaa qaadeysa madama ay wadato macalin carlo ancelotti viva madridista

  6. Maxamed Amiin KEKEY Reply

    May 23, 2014 at 4:45 PM

    indha hadaan la is qabaneyn Atletico Madrid ayaa iska eh hadeyba Milan, Chelsea & Barcelona soo garaacday hala siiyo aan qabaa viva REDS YNWA

  7. Farxaan C/llaahi Reply

    May 23, 2014 at 4:50 PM

    Real Madrid ayaan siin lahaa koobkeedii 10-aad madama ay 10-sano arkin koobkaan viva el-barca

  8. Jamiil Indhacade Reply

    May 23, 2014 at 6:46 PM

    way iska cadahay cidii qaadi laheed CL Waa realmadrid La decema waaye sheekada Viva BBC

  9. XUDEYFa SYL Reply

    May 23, 2014 at 7:29 PM

    A/madrd ayan is leyahy wilasha diego simone in ay kor u qaadi donan

  10. sugaal wiilwaal Reply

    May 23, 2014 at 8:21 PM

    hala madrid kobkeedi 10aad ayey qadesa iyadana u sadaliyay <3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close