Kooxda Gunners ee ka dhisan waqooyiga Magaalada London ayaa heysata fursad weyn oo ay kaga baxdo abaarta koob la’aan ee heysta mudad 9-ka sano ah madama ay joogto Finalka FA Cupka.
Gunners ayaa sabtida soo aadan oo ay taariikhdu tahay 17-ka May la ciyaari doonta Hull City kulan ka dhici doona garoonka caalamig ah ee Wembley Stadium.
Iney ciyaarto kulan Final ah waxaa ugu dambeysay 2009 markii ay lumisay Finalkii waxaana 2-1 kaga qaaday kooxda Birmingham, balse xiligaas qalad ayaga ka yimid ayaa looga qaaday koobka.
Si Walababa Ma is leedahay arsenal wey ka bixi karta abaarta koob la’aan ee heysata kooxda mudada dheer, madama ay xidigo badan dhaawac uga soo kaceen.
Codkaaga Ka Dhiibo Codeynta Hoose:
c kariim Qalinle
May 15, 2014 at 10:08 AM
Haa ayaan siin lahaa in aay ka baxdo abaarta koob la aanta hadii aan codkaayga ka dhiibto viva Liverpool+ sanadka dambo ayaan rajaynayaa in aan ka baxno abaarta baclays premier legau inaga heesato
Ibraahim
May 15, 2014 at 1:17 PM
Haa arsenal way ka baxeysa abaarta daba dheeratey sanadkan
abuukar
May 15, 2014 at 4:47 PM
haa waaayo mudo bdn ayaan sugeynay kob sa fcn wiliba waan ku dur durinenaa hul city