Sida ay qireyso Jariiradda Metro Kabtanka Xulka Holland Robin Van Persie ayaa shaki la galinayaa safashadiisa kulanka caawa Semi Finalka Koobka Aduunka oo ay xulkiisa la yeelan doonaan Argentina sababo xanuun dhanka caloosha ah awgeed.
Weeraryahanka kooxda Manchester United kaas oo dhaliyay mid ka mid ah goolasha ugu quruxda badan koobka Aduunka kulankii furitaanka oo ay Spain ku wajaheen Group B ayaan caawa fursad badan u heysanin inuu difaaco Oranje sababo la xiriira waqtiga oo yar iyo xanuunka haya.
Maqnaashaha Van Gaal wuxuu cadaadis badan ka dajinayaa daafaca Argentina, inkastoo xidigaan horay magaciisa loogu qoray sadex gool mudada tartankaan uu socdo.
“Van Persie waa kabtankeena [Hogaamiyaheena] muhiim ayuuna noo yahay mar walba” Ayuu yiri tababare Louis Van Gaal.
“Maamulkeena wuxuu ku jiraa inuu ciyaaro, balse hadii uusan fiicneyn ma ciyaari doono” Ayuu tababare Gaal hadalkiisa sii raaciyay.
Si Kastaba Argentina oo 24-sano kadib soo gaartay Semi Finalka Koobka Aduunka ayaa la balansan caawa Holland oo ah kooxdii kaalinta labaad ka gashay Koobkii Aduunka 2010 lagu qabtay South Africa.
RBV waa la sheegayaa in ciyaar yahan ka vanpersie uu aanu ciyaarahayn sababo caafimaad awgeed waxaa sidaas qortay afhayeenka wasaarada ee wadanka holland