Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo U Weecatay Soo Xero Galinta Daafaca Reer Mexico Miguel Layun

Liverpool Oo U Weecatay Soo Xero Galinta Daafaca Reer Mexico Miguel Layun


Layun

Inkastoo kooxda Liverpool sedex cayaaryahan oo tayo wanaagsan ay lasoo sxiixatay hadana macalin Brenden Rodgers ayaan weli suuqa Yurub ka bixin wuxuuna haatan macalinkan isku xil qaamay sidii uu garoonka Anfield ku keeni lahaa daafaca xulka Mexico Miguel Layun kaasi oo wacdaro ka muujiyay koobka aduunka, daafacan garabka bidix ka cayaaro sidoo kalena ku wanaagsan garabka midig ee daafaca ayaa soo dhaweeyay xiisaha ay kooxda Liverpool u qabto wuxuuna 27-jirkan sheegay inuu soo yareen doono fasaxa uu dalkiisa hooyo ku qaadanaayo hadii ay Liverpool dalab rasmi ah usoo gudbiso.

Miguel Layun sidoo kale kooxda Inter Milan ayaa ku raad joogto saxiixiisa balse xidigan ayaa xiiseynayo ka cayaarista Premiership-ka England, Lyun ayaa lagu qiimeeya 10-milyan oo euro ah waxayna kooxdiisa Club América dhawaan sheegtay inay riyada xidigan ka hor istaagi doonin sidaa darteed Liverpool oo baahi weyn u qabto daafac garabka bidix ku wanaagsan ayaa lagu wadaa inay soo xero galiso Layun oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Lebanon madaama qoyskiisa ay sanadii 1975 u qaxeen dalka Mexico ayadoo ka baxsadeen dalkii sokeeyey ee Lebanon xiligaa ska qarxa, Layun way u sahlantay inuu Premiership-ka England kasoo muuqdo madaama uu heesto baasboor Spanish ah wuxuuna xidigan qaarada Yurub yimid sanadii 2009 asigoo ku biiray naadiga Atlanta balse kuma daahin Serie A-da dalka Talyaaniga hal sano kadib dalkiisa Mexico ayuu dib ugu laabtay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close