Kulan Xiiso Leh ayaa haatan ka socda garoonka Banaadir Stadium, Waana kulankii afaraad ee labada kooxood taasoo ka dhigan in kooxda Elman ay leedahay 6-dhibcood halka Kooxda Savaana aysan laheyn wax dhibic ah.
Liibaan Yuusuf Xirsi oo numberka 12-aad u wata Savaana ayaa ka dhalyay goolka kaliya ee hogaanka u dhiibay kooxda Savaana waana goolkii ugu dhaqsaha badnaa tan iyo bilowga horyaalka wuxuuna dhaliyay daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta.
Qeybtii Labaad ee ciyaarta ayaa lasoo galay waxaana kooxda Elman ay keensatay goolkii barbardhaca markii kubad uu darbeeyay Joon daqiiqadii 50-aad ay waxyar uun dhaaftay diilinta goolka markaas oo garsooraha uu u calaameeyay gool.
Savaana ayaa ka murantay balse garsooraha iyo labadiisa calan haye ayaa ku adkeystay in kubadu tahay gool.
Ciyaariyahanka numberka 10-aad ee kooxda Joon ayaa daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta gool qurux badan lugta bidix ku dhaliyay inkastoo ay aheyd darbo qabow hadana goolhayaha kooxda Savaana ayaa awoodi waayay inuu qabto.
Ciyaarta Waxaa Hogaanka la wareegtay Elman oo oo raja wanaagsan ka leh iney soo istaagto kaalinta labaad ee horyaalka waa natiijo u wanaagsan kooxda Elman hadii ay sidaas ku dhamaato ciyaarta.