Home » Europe » Champions League » Hooyada Dhashay CR7: Wiilkeyga Waxaa Loogu Yeeri Jiray ‘Ooyaaye’ Xiligii Caruurnimadiisa

Hooyada Dhashay CR7: Wiilkeyga Waxaa Loogu Yeeri Jiray ‘Ooyaaye’ Xiligii Caruurnimadiisa


Revealed: Cristiano Ronaldo's first nickname

Hooyada Dhashay Xidiga aduunka ugu qaalisan Cristiano Ronaldon  Dolores Aveiro ayaa cadeysay in weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo Xulka Portugal loogu yeeri jiray markuu yaraa “Oyaaye”

Goor hore ayey cadeysay hooyada dhashay 28-jirkaan heerka caalami ee xulka Porgual in loogu yeeri jiray “Abelhinha’ oo ah magac Portugal ah taso ay jirto in xidigaan uu sameyn jiray dareen ku saabsan xaalada uu taagan yahay.

“Cristiano waxaa loogu yeeri jiray “Wiilka Ooyinta / Ooyaaye” Markii uu yaraa” ayey ku warantay Dolares  Aveiro xili ay la hadleysay  Clarin. sida lagu qoray Goal.com

“Dhulka ayuu isku tuuri jiray mar walba oo loo baasi waayo kubada, sidoo kalana ay goal qasariyaan xidigaha ay isku kooxda yihiin, isagoo sidoo kale aan si wanaagsan u ciyaari jirin” ayey tiri mar kale.

C. Ronaldo ayaa haatan Real Madrid u saftay 10-kulan xili ciyaareedkaan wuxuuna u saxiixay 12-goal dhamaan tartamada oo dhan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Hooyada Dhashay CR7: Wiilkeyga Waxaa Loogu Yeeri Jiray ‘Ooyaaye’ Xiligii Caruurnimadiisa

  1. Cilmi Reply

    October 18, 2013 at 5:05 PM

    Waa laacib wanaagsan guuldarada ayuu neceb yahay waa geesi tol waayey

  2. Waashitoon Reply

    October 18, 2013 at 5:07 PM

    Hooyada run ayey sheegeysaa bal xasuusta dib u baar markii portugal tartan Yurub laga reebay wuu ooyey taasina wuu ku saxan yahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close