Hooyada Dhashay Xidiga aduunka ugu qaalisan Cristiano Ronaldon Dolores Aveiro ayaa cadeysay in weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo Xulka Portugal loogu yeeri jiray markuu yaraa “Oyaaye”
Goor hore ayey cadeysay hooyada dhashay 28-jirkaan heerka caalami ee xulka Porgual in loogu yeeri jiray “Abelhinha’ oo ah magac Portugal ah taso ay jirto in xidigaan uu sameyn jiray dareen ku saabsan xaalada uu taagan yahay.
“Cristiano waxaa loogu yeeri jiray “Wiilka Ooyinta / Ooyaaye” Markii uu yaraa” ayey ku warantay Dolares Aveiro xili ay la hadleysay Clarin. sida lagu qoray Goal.com
“Dhulka ayuu isku tuuri jiray mar walba oo loo baasi waayo kubada, sidoo kalana ay goal qasariyaan xidigaha ay isku kooxda yihiin, isagoo sidoo kale aan si wanaagsan u ciyaari jirin” ayey tiri mar kale.
C. Ronaldo ayaa haatan Real Madrid u saftay 10-kulan xili ciyaareedkaan wuxuuna u saxiixay 12-goal dhamaan tartamada oo dhan.
Cilmi
October 18, 2013 at 5:05 PM
Waa laacib wanaagsan guuldarada ayuu neceb yahay waa geesi tol waayey
Waashitoon
October 18, 2013 at 5:07 PM
Hooyada run ayey sheegeysaa bal xasuusta dib u baar markii portugal tartan Yurub laga reebay wuu ooyey taasina wuu ku saxan yahay