Home » Horyaalada » La liga » Cristiano Ronaldo Iyo Hantida Uu Heesto Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Cristiano Ronaldo Iyo Hantida Uu Heesto Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


CR and sister
markale waa barnaamijkeenii aan kaga hadleenay xidigaha aduunka ugu caansan iyo hantida ay heestay, markana waxaan diirada saari doonaa xidigaga labaad ee aduunka ugu wanaagsan balse ah laacibka ugu shacbiyada balaaran caalamka sidoo kalena ah xirfadlada ugu mushaarka badan Cristiano Ronaldo, hadaba halkan kaga bogo macluumaadka aad uga baahan tahay Cristiano iyo hantida uu leeyahay, mushaarkiisa, gaadiidka iyo guryahada uu heesto:

Ronaldo Twitter FollowersCristiano Ronaldo lacagaha saafiga ah ee uu heesto - $120 million

Daqliga guud ee soo galo xidigan - $44 M

Mushaar/Guno - $23 M

Xayeysiinta lacagaha uu ka helo: $21 M

Shirkadaha ugu caansan ee uu xayeysiinta u sameeyo: Castrol, Nike, Konami

Da’da: 28-sano

Ronaldo wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan taariikh ahaan ee kubada cagta soo mari sidoo kale waa xidig can ah inta badana soo jiito malaayiin taageero ah oo daafaha caalamka ku kala nool, dhawaan ayuu Madrid heshiis cusub u saxiixay kaasi oo ka dhigay cayaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka sidoo kalena daqli farabadan ayaa dhanka xayeysiinta kasoo gali tani ayaa ka dhigtay CR inuu noqday lacag socoto!

Ronaldo total wealth, salary, cars, houses

CRISTIANO RONALDO iyo shirkadaha uu xayeysiinta u sameeyo:

Armani

Nike

Castrol

Konami

Cristiano Ronaldo iyo guryahaha uu leeyahay:

Aqalka uu Madrid ku leeyahay waxaa lagu qiimeeyay: $7.2 million

wuxuu ku yaalaa  bartamada magaalada Madrid sanadii 2009 markii uu Real Madrid si rasmi ah ugu biiray ayuu gurigaan gatay, hadaba hoos kaga baqo quruxda uu leeyahay aqalka uu Cristiano Madrid kaga nool yahay.

Guriga labaad magaalada Manchester ayuu ka gatay qiimo ahaan:$6 million

Xaafada lagu magacaabo Cheshire ayuu magaalada Mancheste kaga yaalaa wuxuuna ku noolaa xiligii uu Man United ka tirsanaa, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa gurigii ugu qaalisnaa ee cayaaryahan Yurub ka cayaaro ku nool yahay wuxuuna ka kooban yahay 5-qol oo weliba mid walbo leh qolkiisa qubeyska gaarka ah, sidoo kale barkad lagu qubeesto iyo meel yar oo aflaanta lagu daawado ayuu leeyahay. muuqaadlkiisa hoos kaga bogo.

Haddii aad Rabtid in laguu soo Gudbiyo Laacib aad jeceshahay hantida uu hesto Fadlan Comment Ahaan u soo Qor waxaana loo tix gelin doonaa Sida Akhristayaasha u kala Koreeyaan


19 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Cristiano Ronaldo Iyo Hantida Uu Heesto Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

  1. zaki lfc Reply

    September 16, 2013 at 9:53 PM

    steven gerarad soo sheega tariiqdisa

    • moh Reply

      September 17, 2013 at 4:45 PM

      waxad so sheekeysaan taariikhda ciyaaryahanka mario boilletelle iyo niloshiisa balwax ka soo shega

  2. faysal Reply

    September 17, 2013 at 9:32 AM

    Waxan raba messi lacbka argtn

  3. ismail Reply

    September 17, 2013 at 9:54 AM

    waxad isheegtaan lacibka caanka ah ee uga ciyara qadka dhexe qaranka somalia (dhagacade) hantidisa

  4. Nuuuuuuuur Reply

    September 17, 2013 at 10:01 AM

    Shaarkeeey ama tafare soo sheega waxad ka heysaan

  5. abdi Reply

    September 17, 2013 at 10:32 AM

    sxb idinkoo aad u mahadsan ozil noloshiisa noosoo gudbiya waad mahad san tihiin

    • yuusuf ali guul Reply

      December 1, 2013 at 12:15 AM

      aniga waxa aan rabaa inaad noosoo gudbisaan ciyaar yahankii cuslaadey ee cabdi bile cabdi waxa u haysto iyo noloshiisa waad mahadsan tihiin

  6. rashdi Reply

    September 17, 2013 at 2:03 PM

    waxan rabaa in la isodayo taariqda rugcada wales iyo kooxxda manchester united Rayn Giggs

  7. cabdirisaaq cabdi xuseen Reply

    September 17, 2013 at 3:08 PM

    Xidiga brussia dortmund.Marco rue

  8. abdi yare Reply

    September 17, 2013 at 3:30 PM

    waa rayi fiican bahda kubada huulkubad mahadsanidiin dhaman
    waxan u bahnaa werar yahanka manchester united weyne rooney

  9. holac Reply

    September 24, 2013 at 12:57 PM

    xidiga man city samiir nasri

  10. Ali Reply

    November 15, 2013 at 8:10 PM

    Fernando Torres

  11. hanad Reply

    November 15, 2013 at 9:32 PM

    waxaaad ii sheegtaa idinka oo mahadsan laacibka franck ribery iyo noloshiisa

  12. xudayfe cismaan Reply

    November 16, 2013 at 2:17 PM

    waxaan doonayaa taariikhda steven gerrard

  13. proff Abdi sugaal Reply

    November 23, 2013 at 10:03 AM

    xavi hernandez iyo hantida uu leeyahay

  14. Zak Moha Reply

    December 31, 2013 at 9:50 AM

    waxaad so saartaan hantida u le yahay Cech Thnkz

  15. Maxamud Xasan Maxamed faqi1234 Reply

    March 13, 2014 at 11:25 AM

    Adinkoo mahadsan hadad soo qaadankartan rug cadaagii soomaliya taarikhdisii oo kooban laacib ahna kabtanki waagas xulka qaranka soomali ismaaciil sinigaal una dheeli jirey badroolka

  16. tottenham hotspur Reply

    June 29, 2014 at 7:22 AM

    luis nani ino so gudbiya mahad sanidiid

  17. mohamed wali Reply

    July 5, 2014 at 10:53 AM

    waxan idin ka codsanayaa marcelo hantidiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close