Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » Serie A http://hiilkubad.com Wed, 25 Jun 2014 15:40:24 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Clarence Seedorf Oo Si Lama Filaan Ah Loola Xiriirinayo Shaqada Tababaranimo Ee Inter Milan http://hiilkubad.com/clarence-seedorf-oo-si-lama-filaan-ah-loola-xiriirinayo-shaqada-tababaranimo-ee-inter-milan/ http://hiilkubad.com/clarence-seedorf-oo-si-lama-filaan-ah-loola-xiriirinayo-shaqada-tababaranimo-ee-inter-milan/#comments Wed, 25 Jun 2014 15:07:17 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26984
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Clarence Seedorf Oo Si Lama Filaan Ah Loola Xiriirinayo Shaqada Tababaranimo Ee Inter Milan], All Right Reserved. 2014.
]]>
Seedorf

Waxaa Jira warbixino layaab leh oo kasoo baxaya dalka talyaaniga kuwaas oo ay saakay qoreen wargeysyada gudaha dalka talyaaniga kasoo baxa waxeyna la xiriirtaa sheekadaas Seedorf oo laga yaabo inuu shaqo ka helo kooxda Inter Milan.

Macalinkaan reer Dutch ayaa shaqada kooxda Ac Milan ka badalay Massimiliano Allegri bishii January ee sanadaan balse, albaabka ayaa la tusay afar bilood kadib markii uu kooxda u hogaamiyay iney ku dhameysato kaalinta 8-aad, sidoo kalana ay awoodi weyso iney kasoo muuqato dhamaan tartamada yurub xiliga soo aadan.

Seedorf ayaa kooxda Milan laga ceyriyay iyadoo Pippo Inzaghi uu noqday shaqsiga ka badala shaqadaas, balse Corriere della Sera ayaa cadeysay in kubad sameeyihii hore xulka Holland iyo Kooxda Milan uusan ku faraxin qaabka loola dhaqmay isla markaana wuxuu diyaar u yahay inuu dhageysto dalabka Inter Milan.

Wargeysyada warbixinta qoray ayaa aaminsan in milkiilaha Inter Erick Thohir uu doonayo inuu ka taqaluso tababare Walter Mazzari kaas oo bilow xun ku bilaabay xili ciyaareedkii dhamaaday goor hore waxaana laga yaabaa in laga ceyriyo Inter.

Ganacsadahaan reer Indonesia ayaa keenay fursad uu kula hadlo Seedorf kaas oo doonaya inuu ka hor keeno kooxdiisii Milan inkastoo Seedorf qudhiisa uu Inter xili kasoo muuqday.

Qaar ka mid ah maamulka kooxda ayaa xiriir wanaagsan la leh Seedorf sida: Javier Zanetti iyo Pietro Ausilio kuwaas oo kooxda kusoo jiidi kara Clerence Seedorf.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Clarence Seedorf Oo Si Lama Filaan Ah Loola Xiriirinayo Shaqada Tababaranimo Ee Inter Milan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/clarence-seedorf-oo-si-lama-filaan-ah-loola-xiriirinayo-shaqada-tababaranimo-ee-inter-milan/feed/ 0
10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/ http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/#comments Wed, 25 Jun 2014 08:23:12 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26921
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
The-Ten-Most-Expensive-World-Cup-2014-Teams

Koobka Aduunka haatan dalka Brazil ayuu si habsami ku dheehan uga socdaa waxaana dhamaad ku dhow kulamada Guruubyada sidaa darteed waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay warbixin ka hadleyso 10-ka xul ee ugu qiimaha badan tartankan iyo xul walbo xidigahiisa ugu qiimaha badan waxaana kaalinta kowaad galay xulka Brazil oo lagu qiimeeyay $718 Million sidoo kalena hogaamiyahooda Neymar ayaa ugu qiimo badan xulka Brazil waxaana lagu qiimeeyay ($88 Million), waxaa xusid mudanin 10-ka xul ee ugu qiimaha badan xulalka koobka aduunka ka qayb qaadanayaan 8-ka mid ah ay qaarada Yurub ka socdaan halka labadana kalena ay Koonfur Ameerika matalayaan. hadaba hoos kaga bogo xogtaan xiisaha badan:

Xul Qiimo Cayaaryahanka Ugu Qiimaha Badan
Brazil $718 Million Neymar Jr ($88 Million)
Spain $674 Million Andrea Inesta ($75 Million)
Argentina $654 Million Lionel Messi ($165 Million)
Germany $622 Million Mario Gotze ($61 Million)
France $555 Million Paul Pogba ($61 Million)
England $493 Million Wayne Rooney ($61 Million)
Belgium $468 Million Eden Hazard ($61 Million)
Italy $449 Million Mario Balotelli ($61 Million)
Portugal $400 Million Cristiano Ronaldo ($136 Million)
Russia $262 Million Akinfeev ($27 Million)

F.G: xulalka England, Spain iyo Italy gabi ahaanba tartankan way isaga hareen balse ma jiro xul ka qiimo badan kuwa haatan isugu soo haray tartankan marka laga reebo 10-kan xul ee sare ku qoran.

Brazil : Team Value ($718 Million) – MVP (Neymar JR) :

most expensive teams in the world

Spain : Team Value ($666 Million) – MVP (Inesta)

most powerful teams in the world

Argentina : Team Value ($654 Million) – MVP (Leo Messi) :

how expensive are the argentina players



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/feed/ 0
Wax Ka Ogaaw Saxiixyada Sida Rasmiga Ah Ay U Sameeyeen Kooxaha Seria A-da Talyaaniga Xagaagan: http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-saxiixyada-sida-rasmiga-ah-ay-sameeyeen-kooxaha-seria-a-da-talyaaniga-xagaagan/ http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-saxiixyada-sida-rasmiga-ah-ay-sameeyeen-kooxaha-seria-a-da-talyaaniga-xagaagan/#comments Wed, 25 Jun 2014 06:13:25 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26914
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw Saxiixyada Sida Rasmiga Ah Ay U Sameeyeen Kooxaha Seria A-da Talyaaniga Xagaagan:], All Right Reserved. 2014.
]]>
Menez Milan

Horyaalka wuxuu ka mid yahay horyaalada loogu jecel yahay caalamka waxaana ka xamaashaan qaar ka mid ah xidigaha aduunka ugu caansan sidoo kalena horyaalkan waxaa laga cayaaraa kubad adag sida darteed xili cayaareedkan 2014/15 kooxaha horyaalkan ku tartami doonaan halgan ugu jiraan saxiixa xidigo tayo wanaagsan waayo dhamaan kooxahan waxay rabaan inay soo afjaraan awooda ay Juventus ku heesato Serie A-da madaama 3-sano ee ugu dambeesay horyaalka ku guuleesatay hadaba hoos kaga bogo ilaa haatan qaar ka mid ah kooxaha horyaalka alyaaniga iyo xidigaha ay lasoo saxiixdeen:

Cayaaryahan Ka yimid Ku biiray Qiimaha
Cristian Molinaro Stuttgart Torino Free
Jeremy Menez PSG AC Milan Free
Alex PSG AC Milan Free
Giorgi Chanturia CFR Cluj Verona €1m
Ciprian Tatarusanu Steaua Buchurest Fiorentina Free
Seydou Keita Valencia AS Roma Free
Albert Riera Galatasaray Udinese Free
Pontus Jonsson Malmo Torino Free
Nabil Jaadi Anderlecht Uidnese Qiimo aan la shaacinin
Josef Martinez Young Boys Torino Qiimo aan la shaacinin



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wax Ka Ogaaw Saxiixyada Sida Rasmiga Ah Ay U Sameeyeen Kooxaha Seria A-da Talyaaniga Xagaagan:], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wax-ka-ogaaw-saxiixyada-sida-rasmiga-ah-ay-sameeyeen-kooxaha-seria-a-da-talyaaniga-xagaagan/feed/ 1
Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)! http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/ http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/#comments Tue, 24 Jun 2014 08:03:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26840
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
FIFA-World-Cup-vs-Champions-League

Tartanka koobka aduunka 2014 wuxuu haatan u muuqdaa mid guul kusoo idlaan rabo sidoo kalena taariikh ahaan tartankii ugu wanaagsanaa ee ebid la qabto ayuu noqon rabaa marka dhinacyo badan laga fiiriyo, waxaa la sheegay in sanadii 2010 tartankii la qabtay ay daawadeen 3.6 billion haatana waxaana la sadaalinaa in tiro intaas ka badan ay caalamka ka daawan doonaan sidaa darteed waxaa marlabaad dib usoo noolaatay doodii ku aadaneed tartankii wanaagsan koobka aduunka iyo koobka horyaalada Yurub hadaba doodaas hoos kaga bogo qaabka loo falanqeeyay:

World Cup Vs Champions League: Inta badan dadka ku xeel dheer naqdinta cayaaraha iyo falanqeynta dhacdooyinka kubada cagta waxay ku doodaan in Champion-ka iyo koobka aduunka uu xiiso badan yahay Champion-ka  madaama tartankan ay sanad walb kasoo muuqdaan xidigaha aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena mudo 7 ilaa 8-bilood ayuu socdaa laakiin koob aduunka 4-sano mar ayaa a qabtaa waxaana mararka qaar dhacdo in xidigaha aduunka ugu caansan qaar ka mid ah aysan soo xaadirin, hadii labo nuqdo lagu soo koobo, marka laga hadlo tayo iyo kubad adag Champion-ka ayaa wanaagsan halka marka laga hadlo xiisaha dadka aduunka ku nool iyo dareen ahaan koobka aduunka ayaa wanaagsan.

Maxay Ka Dhaheen Cayaartooyda Iyo Macalimiita Midka Wanaagsan Labadan Tartan:

Jose Mourinho oo la hadlaayay yahoo sports wuxuu yiri “In badan Champions League ayaa wanaagsan madaama xidigaha aduunka ugu qiimaha badan ay tartankan si joogto ah uga soo muuqdaan sidoo kalena tayo ahaan Champion-ka ayaa sareeyo laakiin koobka aduunka waa dhacdo caalamka u qaas ah sidoo kalena dareen dheeri ah xambaarsan waxaan oran karaa waa dhacdada sports ee aduunka ugu xiisaha badan”

Sir Alex Ferguson “Champions League ma jiro tartan lala bar dhigo tayo ahaan iyo xiiso ahaan sidoo kalena laacibiinta ugu wanaagsan caalamka ayaa marwalbo si joogto ah kaga soo muuqdaan”

Sedex Arimood Oo Uu Champions League Kaga Wanaagsan Yahay World Cup-ka:

1)Waa tartan aan la sadaalin kari: taariikh ahaan koobka aduunka 8-wadan oo kaliya ayaa ku guuleesteen inta badana xulalka awooda badan sida Brazil, Italy, Germany ama Argentina ayaa tartankan meel wanaagsan kasoo gaaraan ama qaadaan, laakiin Champion-ka sidaas ma ahan waayo kooxo aan la fileyn ayaa mararka qaar qaadaan bal xasuuso Marseille (1993), Borussia Dortmund (1997), FC Porto (2003) iyo Liverpool (2005) sidoo kalena Champion-ka waa tartan sanad walbo naadi cusub meel wanaagsan ay ka gaarto kana yaabiso caalamka.

2)Waa tartankan xili dheer soconaay: Koobka aduunka xulkii 7-kulan badiyo ayaa iska leh sidaa darteed waa tartan hal bil oo qura socdo halka Champions League uu yahay tartan soconaayo 8-bilood iyo wixii ka badan waxayna u baahan taha kooxda koobkan qaadi karto inay cayaarto 13-kulan sidaa darteed farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, sidoo kalena kooxaha aduunka ugu caansan lacago badan ayay ku bixiyaa tusaale ahaan Real Madrid ay markeedii 10-aad u qaado koobkan waxay qarash gareesay inka badan $1billion, bal fiiro sida uu tartankan u adag yahay Man United oo 13-jeer Premiership-ka hanatay 20-sano ee ugu dambeesay kaliya labo jeer ayay qaaday 20-sano ee ugu dambeeyay tartankan!

3)Champions League Xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaa kasoo muuqdaan: Tusaale waxaa kuugu filan xidigaha caalamka laga yaqaa sida Gareth Bale, Ibrahimovic iyo Lewandowski koobka aduunka kama qayb qaadanayaan laakiin Champion-ka sanad walbo xidiagaha ugu wanaagsan lagama waayo sida Ronaldo, Messi, Ribery, Rooney iyo kuwo kale.

Sedex Arimood Oo Uu World Cup Kaga Wanaagsan Yahay Champions League:

1) Waa koob taariikh dheer: ma sahlano tartanka waayo 1930 ayuu soo bilaawmay waana tartan xul walbo jecel yahay inuu kasoo muuqdo halka Champion-ka uu usaga soo bilaawmay 1955.

2) Koob xidig walbo jecel yahay inuu gacanta ku dhigo: dhamaan laacibiinta aduunka waxay ku riyoodaan inay mar un koobka aduunka kasoo muuqdaan kaba sii wanaagsan hadii ay gacanta ku dhigaan waayo fursada koobkan looga soo muuqan karo waa mid qaali ah sababtoo ah 4-sano hal mar ayaa la qabtaa. Tusaale: Lionel Messi oo 4-jeer ku guuleestay Ballon d’Or wuxuu sheegay inuu 4-bilad ku badalan lahaa hal mar oo uu koobka aduunka qaado!!

3) Waa tartan dalxiiska ku wanaagsan: inta badan xiliga xagaaga ayaa koobka aduunka la cayaaraa waxayna jecel yihiin taageerayaasha inay dalxiis ahaan koobkanu daawadaan madaama lagu aadiyay bilaha June iyo July oo ah xiliga inta badan bulshada aduunka fasax ku jirto laakiin Champion-ka waa tartan sanadka oo dhan intiisa badan la cayaaro sidaa darteed dalxiis ahaan looma daawan karo.

Ugu Dambeyntii: hadaba aqriste maxay kula tahay labadan tartan keebaa qiimo badan fadlan fikirkaaga ka dhiibo si aan ugu dambeyntii ugu dhiirano labadan koob midkii wanaagsan aan fara ku muuqi karno balse kaligeen go’aan ma qaadan karno sidaa darteed fikirkiina ayaan u baahanahay!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/feed/ 2
Wararki Ugu Dambeeyey Suuqa Kala IIbsiga, Wargeysyada Iyo Xidigaha La Hadal Hayo Maanta http://hiilkubad.com/wararki-ugu-dambeeyey-suuqa-kala-iibsiga-wargeysyada-iyo-xidigaha-la-hadal-hayo-maanta/ http://hiilkubad.com/wararki-ugu-dambeeyey-suuqa-kala-iibsiga-wargeysyada-iyo-xidigaha-la-hadal-hayo-maanta/#comments Tue, 24 Jun 2014 06:15:16 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26833
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wararki Ugu Dambeeyey Suuqa Kala IIbsiga, Wargeysyada Iyo Xidigaha La Hadal Hayo Maanta], All Right Reserved. 2014.
]]>
Wargeys1

Suuqa kala iibsiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey aad u shidnaa iyadoo marba la hayo xidigo inay ka tagi doonaan kooxohooda  Halka kuwa kale ay kooxo cusub tagayaan, haddaba waxaan akhristayaasheena sharafta leh idiin soo gudbineynaa xidigaha maanta la hadal hayo iyo wararkii ugu dambeyeey ee wargeysyada ay saakay daabaceen.

  • Samuel Eto’o oo dalab ka helay kooxda AC Milan xidigan koox la’aanta ah dalabka Milan maka faa’iideesan doonaa?
  • Man United oo heshiiska shaqsiga ah la gaartay Luke Shaw waxayna todobaad walbo siin doontaa £100,000 sidoo kalena dabyaaqada todobaadkan ay heshiiskiisa soo afjari doontaa.
  • Arsenal oo sheegtay inay dalab rasmi ah u diiri doonto daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic.
  • Arsenal oo wada xaajood la furtay wakiilka xidiga xulka Colombia iyo naadiga Fiorentina Juan Guillermo Cuadrado.
  • Romelu Lukaku oo qiimahiisa hoos u dhac ku yimid kadib markii uu koobka aduunka ku fashilmay waxayna haatan sheegtay Chelsea inay £20 million dalab ah aqbali doonto!
  • Xidigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Chelsea Raul Meireles ayaa dib ugu soo laaban doono Premiership-ka waxaana qiimo jaban oo lagu sheegay  £3 million kusoo iibsan rabto West Ham.
  • Liverpool oo ku guul dareestay isku daygii ugu horeeyay oo ay ku dooneesay inay kula soo saxiixato Radamel Falcao madaama xidigan uu Real Madrid oo kaliya doonayo.
  • Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa la sheegay inay is dhaafsan rabaan xidigaha kala ah Sanchez iyo Llorente.
  • Angel di Maria oo ay u badan tahay inuu qayb ka noqdo heshiiska ay Real Madrid ku dooneyso inay Arturo Vidal kula soo saxiixato.
  • Inter Milan ayaa isku diyaarineyso inay €15m kula soo saxiixato Nani

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Wararki Ugu Dambeeyey Suuqa Kala IIbsiga, Wargeysyada Iyo Xidigaha La Hadal Hayo Maanta], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/wararki-ugu-dambeeyey-suuqa-kala-iibsiga-wargeysyada-iyo-xidigaha-la-hadal-hayo-maanta/feed/ 1
Deg Deg: Juventus Oo Heshiis La Gaartay Xidigii Ay Isku Heysteen Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub http://hiilkubad.com/deg-deg-juventus-oo-heshiis-shakhsiyadeed-la-gaartay-xidigii-ay-isku-heysteen-kooxaha-arsenal-bayern-munich-manchester-united-iyo-roma/ http://hiilkubad.com/deg-deg-juventus-oo-heshiis-shakhsiyadeed-la-gaartay-xidigii-ay-isku-heysteen-kooxaha-arsenal-bayern-munich-manchester-united-iyo-roma/#comments Mon, 23 Jun 2014 08:01:53 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26517
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Deg Deg: Juventus Oo Heshiis La Gaartay Xidigii Ay Isku Heysteen Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub], All Right Reserved. 2014.
]]>
??????????????????????????????????????????????????????????????????????

Kingsley Coman oo ah xidig ka tirsan Naadig PSG oo ay maalmihii ugu dambeeyey isku heysteen kooxaha ugu awooda badan qaaaradda Yurub ayaa wuxuu saacado ka hor heshiis shakhsiyadeed la gaaray kooxda Reer Talyaani Ee Juventus isagoo qalinka ugu duugay heshiis gaaraya ilaa Afar Sano.

Xidigaan ayaa waxaa dagaal culus  ugu jiray kooxaha Arsenal, Bayern Munich, Manchester United iyo Roma laakiin ugu dambeyntii waxaa ka afduubatay Kooxda Juventus.

Su’aal kama taago In Coman Kingsley uu yahay Xidig dhalinyaro ah oo awood badan kana cayaaro qadka Dhexe wuxuuna soo bandhigay qaab cayaareed ay u riyaaqeen kooxaha waaweyn ee Yurub Ka dhisan.

Kooxaha Premier League England Arsenal, United ayaa rajeenayayey inay xidigaan ka faa’ideystaan kuna qaataan heshiis xor ah, laakiin Tuttasports ayaa qoray in kooxda Juventus ay xidigaan la gaartay heshiis shakhsiyadeed isla markaasna ay dhamaatay arrintiisa.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Deg Deg: Juventus Oo Heshiis La Gaartay Xidigii Ay Isku Heysteen Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/deg-deg-juventus-oo-heshiis-shakhsiyadeed-la-gaartay-xidigii-ay-isku-heysteen-kooxaha-arsenal-bayern-munich-manchester-united-iyo-roma/feed/ 0
Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia http://hiilkubad.com/bayern-munich-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-daafaca-roma-mehdi-benatia/ http://hiilkubad.com/bayern-munich-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-daafaca-roma-mehdi-benatia/#comments Sun, 22 Jun 2014 13:14:36 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26440
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia], All Right Reserved. 2014.
]]>
Mehdi-Benatia

Mehdi Benatia oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday loo aqoonsaday daafaca ugu wanaagsan Serie A-da una suura galiyay inay Roma kaalinta labaad ka gasho horyaalkan ayaa haatan kusii jeedo Bundesligaha Jarmalka kadib markii dalab wanaagsan uu ka helay kooxda Bayern Munich, daafacan tayada wanaagsan bilihii ugu dambeeyay waxaa saxiixiisa isku heesteen kooxaha Chelsea, Man United, Man City iyo Barcelona balse kooxdiisa Roma ayaa ka madax adeegeesay inay iska fasaxdo xidigan kasoo jeedo Waqooyiga Afrika balse haatan Roma dalabka Bayern ma diidi karto madaama ay xidigan ku dooneyso £26.3m.

Macalin Pep Guardiola ayaa taageero weyn u ah Mehdi Benatia wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe 2014/15 lasoo shirtago madaama uu ka dharagsan yahay in kooxdiisa Bayern ay dhanka daafaca ka liidato sidoo kalena ay guuldaro 5-0 isku darkii goolasha kala kulmeen naadiga Real Madrid semifinaalihii koobka horyaalada Yurub sidaa darteed Pep ayaa maamulka Bayern ka codsaday in Mehdi loo keeno si dhibaatada kooxdiisa ka heesato dhanka daafaco loo xaliyo balse Bayern waxay loolan culus kala kulmi doontaa naadiga Chelsea oo iyadana dooneyso in daafacan xulka Morocco ka tirsan uu booska David Luiz u buuxiyo waxayna Chelsea heesataa lacago badan oo ay iibska Luiz ka heshay sidaa darteed waxaa la sadaalinaa in qiimaha Mehdi uu sare usii kici doono lagana yaabo ilaa £35m inuu gaaro!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bayern Munich Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/bayern-munich-oo-kusoo-biirtay-loolanka-loogu-jiro-saxiixa-daafaca-roma-mehdi-benatia/feed/ 0
Manchester United Oo Kordhisay Dalabkii Aykudoonaysay De Jong http://hiilkubad.com/manchester-united-oo-kor-qaaday-dalabkii-aykudoonaysay-de-jong/ http://hiilkubad.com/manchester-united-oo-kor-qaaday-dalabkii-aykudoonaysay-de-jong/#comments Sun, 22 Jun 2014 06:33:48 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26422
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Manchester United Oo Kordhisay Dalabkii Aykudoonaysay De Jong ], All Right Reserved. 2014.
]]>

nigel-de-jong

manchester united ayaa doonaysa sooxerogalinta xidiga khadka dhexe kagacayaara kooxda kadhisay horyaalka italy ee  Ac milan sida wararku ay sheegayaan

Tabaraha cusub ee kooxda lagu naynaaso  shayaadiinta cascas  ( red Devils ) louis van Gaal ayaab ayaa aaminsan in uu daboolikaro baahida khadka dhexe ee haysata kooxdiisa cusub ee united ka

29 jirkaan heerka caalami ayaa waxa lafilayaa in uu usoo dhaqaaqo garoonka old trafford  xagaaga soo aadan .

van Gaal ayaa usheegay gudoomiye kuxigeenka naadiga Ed wooodward in ay ugutalagalaan saxiixa kubad sameeyihii  hore man city Nigel de Jong

De Jong ayaaka soomuuqday  42 intii uu joogay  Milan dhamaan kulamadii xagaagii lasoo dhaafay isagoona dhaliyay , 2 gool oo kaliya .



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [ Manchester United Oo Kordhisay Dalabkii Aykudoonaysay De Jong ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/manchester-united-oo-kor-qaaday-dalabkii-aykudoonaysay-de-jong/feed/ 0
Juan Cuadrado Oo Qaboojiyay Dagaalka Suuqa Ee U Dhaxdeeya Liverpool & Manchester United http://hiilkubad.com/juan-cuadrado-oo-qaboojiyay-dagaalka-suuqa-ee-dhaxdeeya-liverpool-manchester-united/ http://hiilkubad.com/juan-cuadrado-oo-qaboojiyay-dagaalka-suuqa-ee-dhaxdeeya-liverpool-manchester-united/#comments Sat, 21 Jun 2014 20:08:40 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26384
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Juan Cuadrado Oo Qaboojiyay Dagaalka Suuqa Ee U Dhaxdeeya Liverpool & Manchester United ], All Right Reserved. 2014.
]]>
Juan Cuadrado

Kooxaha ka dhisan dalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Liverpool ayaa u muuqda kuwa waayay garabka reer Colombia iyo kooxda Fiorentina Juan Cuadrado kadib markii xidigaan heerka caalami uu ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay joogtiaanka horyaalka talyaaniga.

26-jirkaan ayaa qaab amaah ah ugu biiray Fiorentina isagoo kasoo hayaamay Udinese, isagoo kooxdiisa caawiyay wuxuuna dhaliyay 11-gool, iyo shan caawinaad ah wuxuuna haatan kusii dhawaanayaa inuu si rasmi ah ugu soo wareego kooxda Fiorentina madama ay amaah ku heysatay.

Si Kastaba kooxaha Liverpool, Man United & Barcelona kuwas oo dhamaantood lala xiriirinayay xidigaan reer Colombia ayaa indhahooda meelo kale aadin doona madama Cuadrado uu jecleystay sii joogtiaanka Serie A-da.

Juan Cuadrado ayaa haatan qeyb ka ah wiilasha reer Colombia ee wacdaraha ka dhigaya Koobka Aduunka kuwaas oo xaqiijiyay booskooda koobka Aduunka ee Wareega 16-ka iyagoo kulankii ugu dambeeyay garaacay Ivory Coast.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Juan Cuadrado Oo Qaboojiyay Dagaalka Suuqa Ee U Dhaxdeeya Liverpool & Manchester United ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/juan-cuadrado-oo-qaboojiyay-dagaalka-suuqa-ee-dhaxdeeya-liverpool-manchester-united/feed/ 0
Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/ http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/#comments Sat, 21 Jun 2014 09:01:45 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26310
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
Bollywood Stars and World Cup

Qaar ka  mid ah jilaayaasha Bollwood-ka ugu caansan ayaa qarsan waayeen xiisaha ay u qaban tartanka koobka aduunka ee haatan dalka Brazil ka socdo, inkastoo qaarkood ay dalka Brazil ku sugan yihiin si ay tartankan u daawadaan hadana intooda badan waxay sheegeen inay magaalada Mumbai kala socon doonaan tartankan xiisaha badan, hadaba waxaan idiin heynaa jilaayaasha Facebook iyo Twitter-ka kusoo bandhigeen xulalka ay taageeri doonaan inta uu tartankan socdo:

SRK Football

Super Star SRK: wuxuu sheegay inuu dhamaan kulamada koobka aduunka daawan doono balse ma sheegin xulka uu taageersan yahay tolow yaad u maleyn doontaa?

Arshad-Warsi

Arshad Warsi: jilaagan wuxuu sheegay inuu taageersan yahay xulka Holland sidoo kalena uu macalin Luis Van Gaal si gaar ah u jecel yahay.

Bipasha

Bipasha Basu: atirishadan Bollywood-ka caanka ka ah ayaa sheegtay inay taageersan tahay xulka Argentina.

Tiger

Tiger Shroff: Wiilka uu dhalay Jackie Shroff isagana wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Argentina koobka la jecel yahay sidoo kalena shaqsi ahaaan uu taageero Lionel Messi.

Aditya-Roy-Kapoor

Aditya Roy Kapur: Jilaagan dhalinta yar wuxuu taageersan yahay xulka Jarmalka.

Prachi-Desai

Prachi Desai: atirishadan waxay sheegtay inay koobka la rabto xulalka Argentina ama Brazil midkood.

Kabir

Kabir Bedi: ruug cadaagan wuxuu sheegay asal ahaan dalka uu kasoo jeedo inuu taageersan yahay waana reer Talyaani ayuu la jiraa.

Ram Kapoor: jilaagan wuxu taageersan yahay xulka Brazil.

John at world cup

John Abraham: isaga waa qabiir kubada cagta ka falanqeeyo wuxuuna haatan ku sugan yahay dalka Brazil weliba sawirka waxaad kaga dheehan kartaa asigoo la joogo xidigo caana ah sida Peter Crouch iyo Mikel Silvestre wuxuuna sheegay inuu koobka la doonayo xulalka Argentina iyo Brazil midkood.

Sidarth

Sidharth Malhotra: Jilaagan dhalinta yar waxaa la sheegay inuu dalka Brazil u duulay wuxuuna taageersan yahay xulka Brazil.

rohansippy

Rohan Sippy: film sameeyahan wuxuu sheegay inuu xulka England taageersan yahay balse nasiib daro xulkiisa waa hareen!!

Esha Gopta

Esha Gupta: Atirishadan waxay sheegtay inay xulka Brazil taageersan tahay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/feed/ 0