Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha » League 1 http://hiilkubad.com Sat, 05 Jul 2014 04:24:06 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=3.9.1 Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka? http://hiilkubad.com/muxuu-tababare-didier-deschamps-ka-yiri-guuldaradii-france-kala-kulmeen-xulka-jarmalka/ http://hiilkubad.com/muxuu-tababare-didier-deschamps-ka-yiri-guuldaradii-france-kala-kulmeen-xulka-jarmalka/#comments Fri, 04 Jul 2014 18:59:17 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28257
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka?], All Right Reserved. 2014.
]]>
deschamps-benzema490ai

Macalin Didier Deschamps iyo wiilaha boorsooyinkooda ayay ka qaadan doonaan dalka Brazil kadib markii wareegii 8-aa kulankii ay la cayaareen xulka Jarmalka 1-0 lagu suul daaray macalinkan qabiirka ah ayaa ka hadlay guuldaradan wuxuuna yiri “runtii dadaal badan ayaan sameenay 90-daqiiqo balse waxaa nagula dilay waaya aragnimo sidaa darteed Jarmalka waaya aragnimada ay u leeyihiin heerkan oo kale ayay adeegsadeen halka anaga aan midaas sameyn weynay!”

Didier Deschamps ayaa hadalkiisa sii watay wuxuun yiri “kama shaleynayo guuldarada nagu dhacday waayo xidigaheyga dadaal ayay sameeyeen sidoo kalena fursado aan cayaarta ku bar bareen karnay ayaan helnay laakin nasiib daro wareega 8-aad waan gudbi weenay inkastoo aan rabnay inaan horey usii socono” Macalin Didier Deschamps markii ugu horeesa ayuu guuldaro tartanka koobka aduunka ah la kulmay waayo asigoo cayaaryahan ah sanadii 1998 7-kulan ee uu France kabtan u ahaa markii ay koobka qaadayeen lagama badanin sidoo kalena 4-kulan ee koobka aduunka 2014 ugu horeesay wax guuldaro ah ma arkin asigoo macalin ah balse ugu dambeyntii xidigaha xulka Jarmalka ayaa iskoorkiisa ka jebiyeen inkastoo Didier Deschamps uu kalsooni weyn ka abuurtay shacab weynaha reer France tan iyo markii koobka aduunka uu dalka Brazil ka bilaawday.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Muxuu Tababare Didier Deschamps Ka Yiri Guuldaradii France Kala Kulmeen Xulka Jarmalka?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/muxuu-tababare-didier-deschamps-ka-yiri-guuldaradii-france-kala-kulmeen-xulka-jarmalka/feed/ 0
Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/#comments Fri, 04 Jul 2014 05:40:54 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28076
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
France-vs-Germany-2014-World-Cup-Quarterfinals

Kulanka: 2014 FIFA World Cup, Quarter Final

Taariikhda/Saacada: July 4, 2014 • 7:00 PM Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Jornalista Mário Filho (Maracanã), Rio de Janeiro

Garsooraha kulankan: Nestor Pitana waa 41-jir u dhashay dalka Argentina

Waxaa la hubaa in xul reer Yurub ah uu Semi-finalaha koobka aduunka u gubdi doono balse kulanka caawo dhex mari doono xulalka France Vs Germany waa mid miisaan culus leh waayo labadan xul taariikh ahaan xifaaltan soo jireen ah ayaa ka dhaxeeyo sidaa darteed cayaartan xamaasad ahaan mid aad u sareyso ayay noqon doontaa, inkastoo xulalka reer Yurub koobka aduunka 2014 uu ku noqday mid mixdan ah madaama fashil iyo cimilada oo kulul aawgeed ayay xulal badan koobka isaga hareen hadana France iyo Germany waxay doonayaan inay noqdaan xulkii ugu horeeyay ee reer Yurub ah kaasi oo qaarada Koonfur Ameerika ku qaado koobka aduunka!

Germany vs France Live Streaming

Marwalbo France Vs Germany markii ay iska hor imaadaan waxaa lasoo xasuustaa dhacdadii foosha xumeed waayo 1982 koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Spain waxaa Semi-finalaha tartankan isku soo beegmeen Franceiyo Germany kulankan 3-3 ayuu kusoo idlaaday kadib markii 30-daqiiqo oo dheeri ah lagu daray laakiin goolhayihii xulka Jarmalka Harold Schumacher ayaa si ula kac ah haraanti ugu dhuftay laacibkii hore ee xul France Patrick Battiston wuxuuna falkan sababat in Battiston uu miir daboolo garoonkana laga qaado weliba 2-ilkoob ayaa ka dhaceen  sidoo kalena 3-ka mid ah lafaha feerihiisa ayaa jabeen waxaa intaas usii dheer in lafta dhabarka uu tarar kasoo gaaray!

Fadlan Daawo Video-ka Muujinaayo Falkii Waalida Ahaa Ee Uu Schumacher Kula kacay Battiston:

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low waxaa saaran cadaadis xoogan madaama xidigahiisa aysan cayaar wanaagsan soo bandhigin kulankii Algeria la cayaareen wareegii 16-aad sidaa darteed saxaafada dalka Jarmalka ayaa soo jeediyeen in Mesut Ozil iyo Mario Gotze kulanka France la fariisiyo madaama aysan kubad wanaagsan soo bandhigin kulankii ugu dambeeyay waxaana la filaa in cayaartan lagu soo bilaabo Andea Schurrle. aqbaarta wanaagsan ee uu macalin Low niyada ku dhisanaayo ayaa ah in daafaciisa tayada wanaagsan Matts Hummels uu kulan diyaar u yahay kadib markii uu hargabkii haayay kasoo kabtay sidoo kale Lukas Podolski ayaa isna dhaawacii dhanka muruqa kasoo kabtay.

France vs. Germany Betting Odds, World Cup Prediction and Match Preview

Dhanka xulka France macalin Didier Deschamps isaga wax cadaadis ah ma saarno madaama uu ku guuleestay inuu dhiso xul awood badan waxaana dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Mamadou Sakho oo dhaawacii muruqa kasoo kabtay balse lama hubo in lagu soo bilaabi doono madaama Laurent Koscielny uu cayaar wanaagsan soo bandhigay kulankii Algeria.

Dhacdo La Xariirto kulankan xiisaha badan:

  • Xulka Jarmalka waxay caawo cayaari doonaan markii 9-aad oo xariir ah wareega 8-aad ee koobka aduunka kulan ah!
  • Xulka France 10-kulan oo ay ku cayaareen ciida dalka Brazil kaliya hal kulan ayaa laga badiyay waxay guuleesteen 6-kulan sidoo kalena 3-kulan bar bar dhac ayay gudaha Brazil ku galeen taariikh ahaan!
  • Xulka Jarmalka waxay soo gaareen semi-finalaha koobka aduunka 3-tartan ee ugu dambeesay sida darteed hadii ay caawo semi-finalaha u gubdaan waxay dhigi doonaan iskoor cusub waayo taariikhda ma jiro xul 4-tartan oo xariir ah nu dhumaadka koobka aduunka soo gaaray.
  • 5-koob aduun ee xulka France kasoo gudbneen wareega 1-aad waxay ugu yaraan gaarayeen semi-finalaha tartankan (1958, 1982, 1986, 1998 iyo 2006).
  • Thomas Müller wuxuu xulka Jarmalka u dhaliyay tartankan 4-gool sidoo kalena 2-gool ayuu dhiibay taasi ayaa ka dhigan 66.7% goolasha ay Jarmalka dhaliyee tartankan inuu Muller ku lug lahaa.
  • Karim Benzema wuxuu sameeyay inta uu tartankan socday 12-kubadood goosha ku laaday waana laacibka xulka France ugu fursad helista badan.
  • André Schürrle 5-kulan ee ugu dambeesay ee uu xulkiisa Jarmalka u cayaaray wuxuu dhaliyay 5-gool!
  • Dhamaan 10-gool oo ay xulka France tartankan dhaliyeen waxaa la yaab ah inay dhamaantooda xariiqda 18-aad gudaheeda ku dhaliyeen ma jiro gool ay banaanka kasoo laadeen!
  • Xulka Jarmalka 15-kulan ee ugu dambeesay kulamada heerka caalami ah lagama badinin waxana guuleesteen 10-ka mid ah halka 5-kulana ay bar bar dhac galeen.

Taariikh Ahaan Kulamadii Ay Labadan Xul Horey U Wada Cayaareen:

Kulankii ugu dambeeyay oo ay labadan xul wada cayaareen wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo wuxuuna ka dhacay magaalada Paris 6-Febraayo 2013 waxaana 2-1 ku badiyeen xulka Jarmalka  waxaa goolka ku hormareen xulka France oo uu u dhaliyay Mathieu Valbuena balse Jarmalka guusha waxaa gacanta u galiyeen xidigaha kala ah Thomas Muller iyo Sami Khedira.

Taariikh ahaan labadan xul way wada cayaareen 25-kulan oo isugu jiraan cayaar saaxiibtinimo iyo kulamo heer caalami ah waxayna kulankoodii ugu horeeyay wada cayaareen 1931, xulka France ayaa guul badan waxayna guuleesteen 11-kulan halka Germany ay iyaga badiyeen 8-kulan sidoo kalena 6-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen, France 41-gool ayay Jarmalka ka dhaliyeen halka Jarmalka ay iyagana 42-gool dhaliyeen.

Marka laga hadlaayo koobka aduunka waxay labadan xul ku kulmeen 3-jeer ,xulka Jarmalka labo ka mid ah ayay guuleesteen halka France ay hal kulan dhankooda badiyeen:

1958 kaalinta 3-aad koobka aduunka: France 6-3 Germany

1982 semi finalaha koobka aduunka: Germany 3-3 France waxaa 8-7 rigoorayaal ku badiyeen Jarmalk

1986 semi finalaha koobka aduunka Germany 2-0 France.

Line Up-ka macquulka ay oo ay labadan xul caawo kusoo gali doonaan:

France: Lloris, Evra, Sakho, Varane, Debuchy, Matuidi, Cabaye, Pogba, Valbuena, Griezmann, Benzema

Germany: Neuer, Howedes, Mertesacker, Hummels, Boateng, Lahm, Kroos, Schweinesteiger, Ozil, Muller, Schurrle.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/falanqeynta-kulanka-dhimashada-france-germany-wareega-8-aad-ee-koobka-aduunka/feed/ 0
As Monaco Oo Heshiis Kordhin Ku Abaalmarisay Ricardo Carvalho iyo Eric Abidal http://hiilkubad.com/monaco-oo-heshiis-kordhin-ku-abaalmarisay-ricardo-carvalho-iyo-eric-abidal/ http://hiilkubad.com/monaco-oo-heshiis-kordhin-ku-abaalmarisay-ricardo-carvalho-iyo-eric-abidal/#comments Thu, 03 Jul 2014 12:43:31 +0000 http://hiilkubad.com/?p=28113
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [As Monaco Oo Heshiis Kordhin Ku Abaalmarisay Ricardo Carvalho iyo Eric Abidal], All Right Reserved. 2014.
]]>
article-0-1AF884E6000005DC-297_634x446

Kooxda As Monaco ee dalka faransiiska ayaa heshiis kordhin ku abaalmarisay halyeeyadeeda dhanka daafaca ee Ricardo Carvalho iyo Erick Abidal iyadoo kusii heyneysa horyaalka faransiiska ilaa 2015-ka.

Labadaan halyeey ayaa kaalin libaax leh ka qaatay hormarka kooxda Monaco oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka faransiiska xili ciyaareedki dhamaaday.

Eric Abidal ayaa saftay 26-kulan xili ciyaareedkii dhamaaday iyadoo 34-jirkaan reer France uu qeyb weyn ka qaatay hardanka kooxda ay ku jirtay xili ciyaareedkii idlaaday.

Labadaan daafaca ayaa sanadii lasoo dhaafay kusoo wada biiray Monaco iyagoo ka kala yimid Real Madrid iyo Barcelona.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [As Monaco Oo Heshiis Kordhin Ku Abaalmarisay Ricardo Carvalho iyo Eric Abidal], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/monaco-oo-heshiis-kordhin-ku-abaalmarisay-ricardo-carvalho-iyo-eric-abidal/feed/ 0
Paul Pogba Oo Ka Caawiyay Xulka France Inay Si Dhib Badan Nigeria Kaga Badiyaan Una Gudbaan Wareega 8-aad  http://hiilkubad.com/paul-pogba-oo-ka-caawiyay-xulka-france-inay-si-dhib-badan-nigeria-kaga-badiyaan-una-gudbaan-wareega-8-aad/ http://hiilkubad.com/paul-pogba-oo-ka-caawiyay-xulka-france-inay-si-dhib-badan-nigeria-kaga-badiyaan-una-gudbaan-wareega-8-aad/#comments Mon, 30 Jun 2014 18:00:07 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27764
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Oo Ka Caawiyay Xulka France Inay Si Dhib Badan Nigeria Kaga Badiyaan Una Gudbaan Wareega 8-aad ], All Right Reserved. 2014.
]]>
France

Wiilasha macalin Didier Deschamps ayaa wareega 8-aad u gudbeen kadib markii ay 2-0 ku suuldaareen xulka Nigeria,  balse sidii la filaayay ma dhicin madaama ay kubad adag kala kulmeen xulka Nigeria, inkasto France cayaartan 2-0 ku badiyeen hadana Nigeria dadaal dheeraad ah ayay muujiyeen waxaana xulkan niyada ka jebiyay goolhayahooda Enyeama oo qalad ku lahaa goolkii Paul Pogba uu kulan ku daah furay inkastoo goolhaye Enyeama loo aqoonsaday geesiga garoonka madaama uu kubado badan xidigaha France ka bad baadiyay, hadaba wixii 90-daqiiqo garoonka ka dhacay oo kooban hoos kaga bogo:

Emmanuel Eminike has a goal disallowed

Cayaar xiiso badan waxay ku dhex martay garoonka Estádio Nacional de Brasília, xulka France iyo Nigeria, libaaxyada Afrika ayaa soo bandhigeen kubad aad u wanaagsan qaybtii hore waxayna Nigeria muujiyeen kalsoonida ay isku qabaan weliba qaybtii hore xulka Nigeria ayaa kubad heesasho badnaayeen, waxaa xusid mudan in daqiiqadii 19-aad xulka Nigeria gool laga diiday kadib markii uu shabaqa France kubada ku hubsaday Emenike balse kubadaas ayaa ahayd Off-Side.

Vincent Enyeama saves

 Sidoo kale Nigeria waxaa ka naxsaday Paul Pogba oo qarka u fuulay inuu gool qurxoon dhaliyo daqiiqadii 23-aad kadib markii uu laad toosan la helay lugta waxaana loo fishay gool balse goolayaha xulka Nigeria Enyeama ayaa difaacay waxaana lagu tilmaami karaa kubadii ugu halis saneed ee tartankan la bad baadiyo wuxuuna Enyeama muujiyey inuu yahay goolhaye aad u tayo wanaagsan.

gaba gabadii qaybtii hore waxay labad xul heleen fursad qaali ah weliba weeraryahanka xulka Nigeria Emenike ayaa kubad laad xoogan goosha France ku riday balse goolhaye Hugo Lloris ayaa bad baadiyay geeska kale daafaca garabka midig ee xulka France Matheau Debuchy ayaa isna iska qasaariyay kubad gool loo filan karay kadib markii uu laadka goosha ku aadin waayay waxaana qaybtii hore lagu kala nasay 0-0 awood ahaana labadan xul wey isku dheeli tirnaayeen.

Markii la isku soo laabtay qaybtii labaad xulka Nigeria ayaa lasoo baxeen awood dheeraad ahna waxayna France bilaabeen inay daafaca gadaale xoojistaan balse wiilasha reer Nigeria ayaa gabi ahaanba cayaarta la wareegeen waxayna abuureen fursado badan weliba Odemwingie ayaa reer France ka naxsaday kadib markii uu goosha meel fog kasoo toogtay balse goolhayaha France Lloris ayaa halista bad baadiyay.

Victor Moses clears off line

Xulka France ayaa hurdada ka kaceen daqiiqadii 70-aad waxaana fursad qaali ah helay Karem Benzema oo dadaal weyn sameeyay inkastoo uu xidigan kubada dhaafsiiyay goolhaye Enyeama hadana Victor Moses ayaa diiday inuu goolka dhasho wuxuuna kubada banaanka soo dhigay ayadoon dhaafin xariiqda goosha. Xidigaha xulka France aya duulaandkoodii sii wadeen waxayna ku sigteen Nigeria in gool laga dhaliy balse nasiib wanaag way ka bad baadeen waayo kubad laad xoogan ah ee ka baxday luga Yoahan Cabaye ayaa qoriga goosha Nigeria ku dhacday waxaana lagu tilmaami karaa inuu Cabaye nasiibka ka hiiliyay.

Paul Pogba celebrates scoring for France

Waxaan la oran karaa goolhayaha Nigeria geesiga garoonka isaga ayaa ahaa madaama uu marlabaad kubad gool loo fishay uu ka celiyay Karem Benzema oo madaxa la helay karoos balse goolhaye Enyeama ayaa ka celiyay daqiiqadii 78-aad, isla kubadaas ayay France koorno ku heleen xulka France waxayna u badaleen gool madaama Paul Pogba uu madaxa la helay kubadii lasoo tuuray daqiiqadii 80-aad balse qalad waxaa ku lahaa goolhaye Enyeama oo xariiqdiisa kasoo baxay sidoo kalena kubada ka leexiyay daafaca Nigeria.

Inkastoo Nigeria ay dadaal sameeyeen hadana waxaa niyad ku riday sidoo kalena cayaarta soo gaba gabeeyay Antoine Griezmann oo cayaarta 2-0 ka dhigay intii lagu guda jiray 5-daqiiqo ee dheeriga ah ee lagu daray, balse markii dambe goolka waxaa la xaqiijiyay inuu iska dhaliyay daafaca xulka Nigeria Joseph Yobo. nasiib xumo Nigeria 2-0 ayaa lagu suul daaray waxayna xulka Afrika matalaayay isaga hareen gabi ahaanba koobka aduunka halka France ay wareega 8-aad u gudbneen.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paul Pogba Oo Ka Caawiyay Xulka France Inay Si Dhib Badan Nigeria Kaga Badiyaan Una Gudbaan Wareega 8-aad ], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/paul-pogba-oo-ka-caawiyay-xulka-france-inay-si-dhib-badan-nigeria-kaga-badiyaan-una-gudbaan-wareega-8-aad/feed/ 0
Sadaasha Laga Bixiyay Kulamada Wareega 16-aad Ee Koobka Aduunka http://hiilkubad.com/sadaasha-laga-bixiyay-kulamada-wareega-16-aad-ee-koobka-aduunka/ http://hiilkubad.com/sadaasha-laga-bixiyay-kulamada-wareega-16-aad-ee-koobka-aduunka/#comments Fri, 27 Jun 2014 17:37:21 +0000 http://hiilkubad.com/?p=27362
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sadaasha Laga Bixiyay Kulamada Wareega 16-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
World Cup Prediction

Madaama haatan lasoo gaaray kulamo kala baxa ah dabcan xulkii laga badiyo gurigiisa ayuu aadi doonaa waxaana isugu soo hareen 16-xul, waxaana xusid mudan in 8-ka mid ah xulalkan ay qaaradaha Waqooyiga iyo Koonfur Ameerika ka socdaan halka Yurub ay ku leeyihiin 6-dal sidoo kalena qaarada Afrika 2-xul ayaa matalayaan waxayna u muuqataan in sanadkan xulalka reer Laatiin Ameerika ay koobka aduubka ku awood roonaan rabaabn hadaba sadaal xiiso badan ayaa laga bixiyay xulalka wareega 8-aad u gudbi donaan fadlan hoos kaga bogo sadaashaan:

Brazil 2-2 Chile waxaa rigoorayaal kusoo bixi doonaan xulka Brazil.

Colombia 2-1 Uruguay

Holland 2-1 Mexico kadib waqtiga dheeriga ah markii lagu daro

Costa Rica 1-0 Greece

France 3-1 Nigeria

Germany 2-0 Algeria

Argentina 2- 0 Switzerland

Belgium 1-0 USA kadib waqtiga dheeriga ah markii lagu daro.

Hadaba aqriste adigana sadaashaada ka dhiibo waa muhiim.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Sadaasha Laga Bixiyay Kulamada Wareega 16-aad Ee Koobka Aduunka], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/sadaasha-laga-bixiyay-kulamada-wareega-16-aad-ee-koobka-aduunka/feed/ 2
10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/ http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/#comments Wed, 25 Jun 2014 08:23:12 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26921
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
The-Ten-Most-Expensive-World-Cup-2014-Teams

Koobka Aduunka haatan dalka Brazil ayuu si habsami ku dheehan uga socdaa waxaana dhamaad ku dhow kulamada Guruubyada sidaa darteed waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay warbixin ka hadleyso 10-ka xul ee ugu qiimaha badan tartankan iyo xul walbo xidigahiisa ugu qiimaha badan waxaana kaalinta kowaad galay xulka Brazil oo lagu qiimeeyay $718 Million sidoo kalena hogaamiyahooda Neymar ayaa ugu qiimo badan xulka Brazil waxaana lagu qiimeeyay ($88 Million), waxaa xusid mudanin 10-ka xul ee ugu qiimaha badan xulalka koobka aduunka ka qayb qaadanayaan 8-ka mid ah ay qaarada Yurub ka socdaan halka labadana kalena ay Koonfur Ameerika matalayaan. hadaba hoos kaga bogo xogtaan xiisaha badan:

Xul Qiimo Cayaaryahanka Ugu Qiimaha Badan
Brazil $718 Million Neymar Jr ($88 Million)
Spain $674 Million Andrea Inesta ($75 Million)
Argentina $654 Million Lionel Messi ($165 Million)
Germany $622 Million Mario Gotze ($61 Million)
France $555 Million Paul Pogba ($61 Million)
England $493 Million Wayne Rooney ($61 Million)
Belgium $468 Million Eden Hazard ($61 Million)
Italy $449 Million Mario Balotelli ($61 Million)
Portugal $400 Million Cristiano Ronaldo ($136 Million)
Russia $262 Million Akinfeev ($27 Million)

F.G: xulalka England, Spain iyo Italy gabi ahaanba tartankan way isaga hareen balse ma jiro xul ka qiimo badan kuwa haatan isugu soo haray tartankan marka laga reebo 10-kan xul ee sare ku qoran.

Brazil : Team Value ($718 Million) – MVP (Neymar JR) :

most expensive teams in the world

Spain : Team Value ($666 Million) – MVP (Inesta)

most powerful teams in the world

Argentina : Team Value ($654 Million) – MVP (Leo Messi) :

how expensive are the argentina players



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [10-Xul Ee Ugu Qiimaha Badan Xulalka Koobka Aduunka Kasoo Muqdeen Sanadkan], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/10-xul-ee-ugu-qiimaha-badan-xulalka-koobka-aduunka-kasoo-muqdeen-sanadkan/feed/ 0
Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)! http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/ http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/#comments Tue, 24 Jun 2014 08:03:37 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26840
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
FIFA-World-Cup-vs-Champions-League

Tartanka koobka aduunka 2014 wuxuu haatan u muuqdaa mid guul kusoo idlaan rabo sidoo kalena taariikh ahaan tartankii ugu wanaagsanaa ee ebid la qabto ayuu noqon rabaa marka dhinacyo badan laga fiiriyo, waxaa la sheegay in sanadii 2010 tartankii la qabtay ay daawadeen 3.6 billion haatana waxaana la sadaalinaa in tiro intaas ka badan ay caalamka ka daawan doonaan sidaa darteed waxaa marlabaad dib usoo noolaatay doodii ku aadaneed tartankii wanaagsan koobka aduunka iyo koobka horyaalada Yurub hadaba doodaas hoos kaga bogo qaabka loo falanqeeyay:

World Cup Vs Champions League: Inta badan dadka ku xeel dheer naqdinta cayaaraha iyo falanqeynta dhacdooyinka kubada cagta waxay ku doodaan in Champion-ka iyo koobka aduunka uu xiiso badan yahay Champion-ka  madaama tartankan ay sanad walb kasoo muuqdaan xidigaha aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena mudo 7 ilaa 8-bilood ayuu socdaa laakiin koob aduunka 4-sano mar ayaa a qabtaa waxaana mararka qaar dhacdo in xidigaha aduunka ugu caansan qaar ka mid ah aysan soo xaadirin, hadii labo nuqdo lagu soo koobo, marka laga hadlo tayo iyo kubad adag Champion-ka ayaa wanaagsan halka marka laga hadlo xiisaha dadka aduunka ku nool iyo dareen ahaan koobka aduunka ayaa wanaagsan.

Maxay Ka Dhaheen Cayaartooyda Iyo Macalimiita Midka Wanaagsan Labadan Tartan:

Jose Mourinho oo la hadlaayay yahoo sports wuxuu yiri “In badan Champions League ayaa wanaagsan madaama xidigaha aduunka ugu qiimaha badan ay tartankan si joogto ah uga soo muuqdaan sidoo kalena tayo ahaan Champion-ka ayaa sareeyo laakiin koobka aduunka waa dhacdo caalamka u qaas ah sidoo kalena dareen dheeri ah xambaarsan waxaan oran karaa waa dhacdada sports ee aduunka ugu xiisaha badan”

Sir Alex Ferguson “Champions League ma jiro tartan lala bar dhigo tayo ahaan iyo xiiso ahaan sidoo kalena laacibiinta ugu wanaagsan caalamka ayaa marwalbo si joogto ah kaga soo muuqdaan”

Sedex Arimood Oo Uu Champions League Kaga Wanaagsan Yahay World Cup-ka:

1)Waa tartan aan la sadaalin kari: taariikh ahaan koobka aduunka 8-wadan oo kaliya ayaa ku guuleesteen inta badana xulalka awooda badan sida Brazil, Italy, Germany ama Argentina ayaa tartankan meel wanaagsan kasoo gaaraan ama qaadaan, laakiin Champion-ka sidaas ma ahan waayo kooxo aan la fileyn ayaa mararka qaar qaadaan bal xasuuso Marseille (1993), Borussia Dortmund (1997), FC Porto (2003) iyo Liverpool (2005) sidoo kalena Champion-ka waa tartan sanad walbo naadi cusub meel wanaagsan ay ka gaarto kana yaabiso caalamka.

2)Waa tartankan xili dheer soconaay: Koobka aduunka xulkii 7-kulan badiyo ayaa iska leh sidaa darteed waa tartan hal bil oo qura socdo halka Champions League uu yahay tartan soconaayo 8-bilood iyo wixii ka badan waxayna u baahan taha kooxda koobkan qaadi karto inay cayaarto 13-kulan sidaa darteed farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, sidoo kalena kooxaha aduunka ugu caansan lacago badan ayay ku bixiyaa tusaale ahaan Real Madrid ay markeedii 10-aad u qaado koobkan waxay qarash gareesay inka badan $1billion, bal fiiro sida uu tartankan u adag yahay Man United oo 13-jeer Premiership-ka hanatay 20-sano ee ugu dambeesay kaliya labo jeer ayay qaaday 20-sano ee ugu dambeeyay tartankan!

3)Champions League Xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaa kasoo muuqdaan: Tusaale waxaa kuugu filan xidigaha caalamka laga yaqaa sida Gareth Bale, Ibrahimovic iyo Lewandowski koobka aduunka kama qayb qaadanayaan laakiin Champion-ka sanad walbo xidiagaha ugu wanaagsan lagama waayo sida Ronaldo, Messi, Ribery, Rooney iyo kuwo kale.

Sedex Arimood Oo Uu World Cup Kaga Wanaagsan Yahay Champions League:

1) Waa koob taariikh dheer: ma sahlano tartanka waayo 1930 ayuu soo bilaawmay waana tartan xul walbo jecel yahay inuu kasoo muuqdo halka Champion-ka uu usaga soo bilaawmay 1955.

2) Koob xidig walbo jecel yahay inuu gacanta ku dhigo: dhamaan laacibiinta aduunka waxay ku riyoodaan inay mar un koobka aduunka kasoo muuqdaan kaba sii wanaagsan hadii ay gacanta ku dhigaan waayo fursada koobkan looga soo muuqan karo waa mid qaali ah sababtoo ah 4-sano hal mar ayaa la qabtaa. Tusaale: Lionel Messi oo 4-jeer ku guuleestay Ballon d’Or wuxuu sheegay inuu 4-bilad ku badalan lahaa hal mar oo uu koobka aduunka qaado!!

3) Waa tartan dalxiiska ku wanaagsan: inta badan xiliga xagaaga ayaa koobka aduunka la cayaaraa waxayna jecel yihiin taageerayaasha inay dalxiis ahaan koobkanu daawadaan madaama lagu aadiyay bilaha June iyo July oo ah xiliga inta badan bulshada aduunka fasax ku jirto laakiin Champion-ka waa tartan sanadka oo dhan intiisa badan la cayaaro sidaa darteed dalxiis ahaan looma daawan karo.

Ugu Dambeyntii: hadaba aqriste maxay kula tahay labadan tartan keebaa qiimo badan fadlan fikirkaaga ka dhiibo si aan ugu dambeyntii ugu dhiirano labadan koob midkii wanaagsan aan fara ku muuqi karno balse kaligeen go’aan ma qaadan karno sidaa darteed fikirkiina ayaan u baahanahay!



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Champions League Vs World Cup: Tartankee Wanaagsan Dood Marlabaad Soo Laba Kacleesay (+Sawiro)!], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/champions-league-world-cup-tartankee-wanaagsan-dood-marlabaad-soo-laba-kacleesay-sawiro/feed/ 3
Maxaad Kala Socotaa Waxqabka Asamoah Gyan Iyo Hantida Uu Leeyahay? http://hiilkubad.com/maxaad-ka-socotaa-waxqabka-asamoah-gyan-iyo-hantida-uu-leeyahay/ http://hiilkubad.com/maxaad-ka-socotaa-waxqabka-asamoah-gyan-iyo-hantida-uu-leeyahay/#comments Mon, 23 Jun 2014 09:29:52 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26532
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Maxaad Kala Socotaa Waxqabka Asamoah Gyan Iyo Hantida Uu Leeyahay?], All Right Reserved. 2014.
]]>
 Gyan-home

sida aad nooga barateen markasta waxaan idiin soo gudbinaa codsiyada aan naga dalbateen, maalmihii ugu dambeeyey waxaana nagala soo codsaday xidigo badan oo adduunka magac kuleh, laakiin waxaan idin kugu soo qori doonaa sida loo kala horeeyey, maanta waxaa miiska noo saaran Gyan iyo hantida uu leeyahay oo ay naga codsadeen qaar ka mid ah akhristayaasheena:

Hantida guud ee uu leyahay : $20 Million

Mushaarka : 6.72 million GBP (2012)

Waqtiga Uu Dhashay : November 22, 1985

Wadanka / Meesha u Ku Dhashay : Accra, Ghana

Dhaqaalaha Meesha uu Kasoo galo : Football

Da’diisa : 28 Year Old

Kooxda /Qarankiisa: Al Ain FC , Ghana

Asamoah-Gyan-Rolls-Royce

Asamoah Gyan Taariikhdiisa oo Kooban

Asamoah Gyan 2003 wuxuu xirfadiisa shaqo kasoo bilaabay kooxda Liberty Professional, wuxuuna u dhaliyey 10 gool isagoo u saftay 16 kulan, waxayna u noqotay bilow fiican, Isla 2003 wuxuu kusoo biiray kooxda ka dhisan Wadanka Talyaaniga ee Uinese wuxuuna u cayaaray ilaa 2008, intaas oo sano wuxuu u saftay 39 Kulan isagoo shabaqa soo taabtay 11 Jeer.

Waxqabadkiisa Iyo Koobabka Uu Ku Guuleytay: 

  • UAE Pro-League – Laba jeer ayuu ku guuleystay  (Al Ain FC )
  • UAE Super Cup Sanadkii 2012
  • Abaal Marinta ay bixiso BBC-da ee Xidigga Ugu Fiican Africa ayuu ku guuleytay 2010
  • Wuxuu Kaalin Labaad ka galay CAF African Footballer of the Year Sanadkii 2010
  • Laba Jeer ayuu noqday Xidiga ugu fiican Sanadka Wadankiisa Ghana

wuxuu Iftiimay markii uu ku biiray kooxda ka dhisan England ee Sunderland sanadkii 2010, 34 Kulan oo uu  saftay ayuu dhaliyey 11 gool, Xulkiisa Qaranka Ghana wuxuu u saftay  79 kulan, wuxuuna dhaliyey 40 Gool, 2013 ayuu ku biiray Kooxda Al Ain halkaasna wuxuu ku dhaliyey Goolashii ugu badnaa Xirfadiisa ( 59 Gool ayuu Al Ain U Dhaliyey, 47 Kulan oo uu cayaaray.

Waa Gaariga Uu Leeyahay Xidigaan Magaciisana waa (Shelby GT)

Shelby GT Asamoah Gyan

Haddaba Intaas ayaan kusoo idleeneynaa warbixintii ku saabsaneyd xidigaan, waana noogu xigi doono Radamel Falcao oo uu naga dalbaday akhristaha ku xiga.

Haddaba ka faa;ideyso Jaaniskaan, Dalbana Xidigga Aad Rabto, Fadlan Inta aadan Dalban Furo Page-ka (Nolosha Xidigaha) Ka raadi xidigga aad rabto, Haddii ay ka weyso waad dalban kartaa (MAHADSANID)

 



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Maxaad Kala Socotaa Waxqabka Asamoah Gyan Iyo Hantida Uu Leeyahay?], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/maxaad-ka-socotaa-waxqabka-asamoah-gyan-iyo-hantida-uu-leeyahay/feed/ 5
Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/ http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/#comments Sat, 21 Jun 2014 09:01:45 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26310
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
Bollywood Stars and World Cup

Qaar ka  mid ah jilaayaasha Bollwood-ka ugu caansan ayaa qarsan waayeen xiisaha ay u qaban tartanka koobka aduunka ee haatan dalka Brazil ka socdo, inkastoo qaarkood ay dalka Brazil ku sugan yihiin si ay tartankan u daawadaan hadana intooda badan waxay sheegeen inay magaalada Mumbai kala socon doonaan tartankan xiisaha badan, hadaba waxaan idiin heynaa jilaayaasha Facebook iyo Twitter-ka kusoo bandhigeen xulalka ay taageeri doonaan inta uu tartankan socdo:

SRK Football

Super Star SRK: wuxuu sheegay inuu dhamaan kulamada koobka aduunka daawan doono balse ma sheegin xulka uu taageersan yahay tolow yaad u maleyn doontaa?

Arshad-Warsi

Arshad Warsi: jilaagan wuxuu sheegay inuu taageersan yahay xulka Holland sidoo kalena uu macalin Luis Van Gaal si gaar ah u jecel yahay.

Bipasha

Bipasha Basu: atirishadan Bollywood-ka caanka ka ah ayaa sheegtay inay taageersan tahay xulka Argentina.

Tiger

Tiger Shroff: Wiilka uu dhalay Jackie Shroff isagana wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Argentina koobka la jecel yahay sidoo kalena shaqsi ahaaan uu taageero Lionel Messi.

Aditya-Roy-Kapoor

Aditya Roy Kapur: Jilaagan dhalinta yar wuxuu taageersan yahay xulka Jarmalka.

Prachi-Desai

Prachi Desai: atirishadan waxay sheegtay inay koobka la rabto xulalka Argentina ama Brazil midkood.

Kabir

Kabir Bedi: ruug cadaagan wuxuu sheegay asal ahaan dalka uu kasoo jeedo inuu taageersan yahay waana reer Talyaani ayuu la jiraa.

Ram Kapoor: jilaagan wuxu taageersan yahay xulka Brazil.

John at world cup

John Abraham: isaga waa qabiir kubada cagta ka falanqeeyo wuxuuna haatan ku sugan yahay dalka Brazil weliba sawirka waxaad kaga dheehan kartaa asigoo la joogo xidigo caana ah sida Peter Crouch iyo Mikel Silvestre wuxuuna sheegay inuu koobka la doonayo xulalka Argentina iyo Brazil midkood.

Sidarth

Sidharth Malhotra: Jilaagan dhalinta yar waxaa la sheegay inuu dalka Brazil u duulay wuxuuna taageersan yahay xulka Brazil.

rohansippy

Rohan Sippy: film sameeyahan wuxuu sheegay inuu xulka England taageersan yahay balse nasiib daro xulkiisa waa hareen!!

Esha Gopta

Esha Gupta: Atirishadan waxay sheegtay inay xulka Brazil taageersan tahay.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Bollywood-ka Iyo Xiisaha Ay U Qabaan Tartanka Koobka Aduunka Ee Dalka Brazil Ka Socdo], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/bollywood-ka-iyo-xiisaha-ay-qabaan-tartanka-koobka-aduunka-ee-dalka-brazil-ka-socdo/feed/ 0
Paris Saint Germain Oo Ku Hungowday Doonista Kubad Sameeyaha Chelsea Eden Hazard http://hiilkubad.com/paris-saint-germain-oo-ku-hungowday-doonista-kubad-sameeyaha-chelsea-eden-hazard/ http://hiilkubad.com/paris-saint-germain-oo-ku-hungowday-doonista-kubad-sameeyaha-chelsea-eden-hazard/#comments Thu, 19 Jun 2014 07:23:19 +0000 http://hiilkubad.com/?p=26032
Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paris Saint Germain Oo Ku Hungowday Doonista Kubad Sameeyaha Chelsea Eden Hazard], All Right Reserved. 2014.
]]>
Hazard

Paris Saint Germain ayaa garwaaqsatay in ay ku fashilantay doon doonista Eden Hazard kaas oo ay kooxdiisa Blues ku adkeysatay inuu sii joogo xidiga reer Belgium galbeedka magaalada London.

23-jirkaan ayaa Chelsea kusoo biiray 2012, isagoo kaga soo biiray kooxda faransiiska ka dhisan ee Lille, balse hormarka uu sameeyay ayaa qasbay in PSG ay damacdo dib u celinta xidigaan ee horyaalka Faransiiska.

Si Kastaba tababaraha 48-jirka ah ee leyliya kooxda Paris Saint Germain Laurent Blanc ayaa qiray in Chelsea ay damacsan tahay iney ilaashato Hazard sidaas darteed ay adag tahay inuu kusoo biiro kooxda heysata horyaalka faransiiska.

Tababare Laurent Blanc ayey saxaafada wax ka wedysiisay qorshaha PSG ee xili ciyaareedka nagu soo foolka leh, balse wuxuu si cad ugu sheegay in sheekada Hazard ay ku dhaw dahay iney isaga haraan madama kooxdiisa ay doonesyso iney sii heysato.

“Xidigo qaar ayaa bixi doona, wana arki doonaa, waqti xaadirkaan kuma haboona ka hadalkooda, waxaan lasoo saxiixan doonaa hal ama labo ciyaariyahan, oo leh tayo wanaagsan”

“Hazard wa xidiga noogu sareeya, balse Chelsea ma dooneyso iney iibiso, xidigo fara badan ayaa qorsheynaya iney ka tagan kooxahooda, sidoo kale David Luiz ayaan goor hore lasoo wareegnay taasoo ah wax weyn”

Paris Saint Germain ayaa dooneysa iney sameyso isbadal xili ciyaareedka soo aadan madama ay dooneyso iney hormar ka sameyso koobka horyaalada yurub ee Champions League.



Tags:  


You might be interested in this:  

Copyright © Hiilkubad : Isha Wararka Cayaaraha [Paris Saint Germain Oo Ku Hungowday Doonista Kubad Sameeyaha Chelsea Eden Hazard], All Right Reserved. 2014.
]]>
http://hiilkubad.com/paris-saint-germain-oo-ku-hungowday-doonista-kubad-sameeyaha-chelsea-eden-hazard/feed/ 0