Home » Maxaa Cusub » Argentina Oo Usoo Gudubtay Finalka Koobka Aduunka Markeedii Shanaad 120-daqiiqo & Rigoore Kadib

Argentina Oo Usoo Gudubtay Finalka Koobka Aduunka Markeedii Shanaad 120-daqiiqo & Rigoore Kadib


article-2682498-1F85B60900000578-46_964x386

Argentina ayaa rigoorayaal kaga soo baxday Holland iyadoo soo gaartay Finalkii Shanaad taarikhda Koobka Aduunka Goolhaye Romero ayaana noqday halyeeyga Argentina u sahlay iney gaarto Finalka Koobka Aduunka.

Ciyaar ka xamaasad badan tii dhexmartay Brazil iyo Germany ayaa ka dhacday Sao Paulo iyadoo labada xul ay ciyaareen kubad isku dheeli tiran inkastoo qeybaha ugu horeeya ciyaarta ay cel-celis tahay xulka Latin America ka socda ee Argentina.

Kabtan Lionel Messi ayaa bilowgii ciyaarta helay laad xor ah oo aan goosha ka fogeyn kubad qurux badan oo uu dhaafiyay safkii Holland goolhaye Cillessen ayaa si qurux badan u qabsaday.

Mar kale Argentina ayaa heshay fursad ay gool ku dhalin kartay markii Koorno uu soo qaaday Lavezzi uu madaxeeyay daafaca Benfica Garay balse Vlaar ayaa cadaadis saaray mana noqon gool.

Arjen Robben oo ah xidiga ugu dhaq-dhaqaaqa badan Holland ayaa 7-jeer kaliya taabtay qeybta hore ee ciyaarta kubada waxaana yar socodka xidiga Bayern Munich.

Sidoo kale Lavezzi ayaa cadaadis saaray dhanka midig inkastoo Holland qeybta hore ee ciyaarta aysan helin fursad gool loo fishay marka laga reebo Sneijder oo sadex jeer laadad qatar ah ku weeraray goolka Argentina inkastoo goolhaye Romero uu kasoo diday laba jeer halka kii ugu dambeeyay RVP laga dhigay garab dhaaf.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 0-0, 15-daqiiqo kadib qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay, Van Gaal ayaana iska badalay INDI oo kaarka digniinta la siiyay Janmaat ayaana badalay.

Qeybtii dambe ayaana sidii qeybtii hore noqotay oo labada xul waxey ciyaareen kubad qabow oo aan aheyn waali iyadoo Lavezzi uu kubad ku caawiyay Higuain balse kubad goosha u furneed oo isku qaabeeyay waxaa kaga soo hormaray Janmaat oo madax ku saaray kubada.

Ron Vlaar oo ka tirsan kooxda Aston Villa ayaa ah cududa ugu weyn ee reer Holland kaas oo fahmay qaab cilmiyeedka Lionel Messi iyo weerarka Argentina dhowr kubad ayuuna ka saaray.

Gonzalo Higuain ayaa helay fursad uu gool ugu badali karay Argentina markii uu kubad ka helay Enzo Perez inkastoo kubada uu geeska uga dhufta shabaqa hadana garsooraha ayaa garab dhaaf ka dhigay.

Tababare Alejandro Sabella ayaa qaata go’aan dhimasho iyo nolol ah markii uu dhameystay badalkii wuxuuna garoonka soo galiyay si isla mid ah Aguero iyo Palacio oo weerarka ka ciyaara isagoo ciyaarta ka saaray Higuain oo weerar ah iyo Perez.

Messi ayaa xerada ganaaxa ku quudiyay Aguero dhamaadkii ciyaarta balse xidiga Manchester City kubadii uu goolka la beegsaday dhexda ayaa loo galay waana laga saaray.

Arjen Robben ayaa furad u helay inuu dilo rajada Argentina ee Koobka Aduunka daqiiqadii dhimashada balse Javier Mascherano ayaa noqday geesiga Argentina kaas oo ka badbaadiyay kubad gool noqon laheyd.

90-kii daqiiqo ciyaarta ayaa soo idlaatay waxeyna natiijadu noqotay 0-0 waana waji ka duwan lugtii hore Semi Finalka Koobka Aduunka ee dhexmaray Brazil iyo Germany.

Sida sharciga qabo waxaa lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah, Louis Van Gaal ayaa go’aansaday badalkiisii ugu dambeyay Kabtanka xulka Robin Van Persie ayaa laga soo saaray garoonka Huntelaar ayaana la keenay.

Arjen Robben oo la wareegay xilka kabtanimo ee xulka Holland ayaa xariiftamay isagoo darbad xoogan la beegsady goolka balse goolhaye Romero ayaa ku dhagay.

Qeybtii hore waqtiga dheeriga ahaa ayaa lasoo afjaray iyadoo wali aan wax gool ah la iska dhalin.

Rodrigo Palacio ayaa qasaariyay fursadii ugu qaalisaneed Argentina ciyaarta markii uu ka fool ka fool u wajahay goolhayaha Holland balse madax aan loo dhameyn oo uu riday goolhayaha ayaa tartiib u qabsaday.

Mar kale Messi ayaa dhanka midig kasoo galay ciyaarta isagoo kasoo xariiftamay Vlaar balse laad uu soo qaaday Maxi Rodriguez ayaa isku dayay inuu dhaliyo balse ma noqon.

Dirk Kuyt ayaa aaqirkii sameeyay isku day naxdin leh balse Demichelis ayaa ka saaray waxaana 120-daqiiqo ciyaarta ay kusoo dhamaatay 0-0.

Rigoorayaal ayaana loo dareeray iyadoo Argentina ayaa soo gaartay Finalka Koobka Aduunka 4-2 ayeyna kusoo baxeen, Xulka Argentina ayaana soo gaaray Finalkii Shanaad taariikhda koobka Aduunka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close