Kubada Cagta Aduunka ayaa weysay shaqsi qaali ku ah, Inkastoo sidoo kale Africa ay weysay aabihi ugu qiimaha badnaa kadib markii Nelson Mandella oo ahaa Madaxweynihii hore ee Dalka South Africa uu geeriyooday shalay oo Khamiis aheyd isagoo jira da’da 95-sano jirka.
Nelson Mandella ayaa xaadir ahaa in Africa lagu qabto koobkii aduunka ee ugu horeeyay waliba lagu qabto ciida South Africa wuxuuna ahaa shaqsi qaali ku ah kubada cagta Africa iyo Aduunka.
Mendela ayaa la filayay inuu kasoo muuqdo isku aadka Koobka Aduunka ee maanta lagu sameyn doono Brazil balse uma aysan suuragalin Mandela.
Kooxaha, Ciyaartoyda & Xiriirada ugu caalamisan dunida ayaa ka hadlay geerida Mandela:
Dhamaan Oraadyadaan waxaa laga soo aruuriyay shabakdda xiriirka bulshada ee Twitter-ka.
Yaya Toure:
Wali Ma Aaminsani In Mandela Uu Geeriyooday
Steven Pienaar:
Aan Sii wadno Dhaxalkiisa, hamigiisii & Ujeedadii Uu Lahaa
Pele:
Waad Ku Mahadsan tahay Halyeeynimadada, waxaadna noo tahay Tusaale, Mar walbana waad nala joogi doontaa.
Cristiano Ronaldo:
Waxaa U Xushmeynayay Si Qeyru Caadi ah, wuxuuna ahaa qofkii ugu wanaagsanaa dhanka beni’adanimada ee waqtigeena soo mara.
Joseph S Blatter:
2010- Koobkii aduunka wadnaheyga kama bixin, waxaana dhacay wax qeyru caadi ah, mana dhacdeen hadii Nelson Mandela uusan aduunka joogi laheyn.
Gerard Pique:
Nelson Mandela Wuxuu ahaa Shaqsi Layaab leh, Wuxuu ahaa Hogaamiye Dhiirigalineed, Wuxuu Nooga tagay dhaxal taasoo aduunka ku wareegsanan doona afar qarni.
Emanuel Adebayor:
Nelson Mandela: Ma Hayo eray aan ku qeexo wanaagiisa oo aduunkaan yaala, Ma Fiicneyn Inaan arko Adigoo maqan, dhiiri galin ahaan, waxaad tahay geesiga kaliya aan taageersanahay
Vincent Kompany:
Waligey Waan Jeclaan doonaa, Waxadna aheyd Geesi kaligiis ah.
Sebastien Bassong:
Waxey noo tahay waqti farxadeed inaan kula kulanay, nafsadaada Nabadgalyo ha ahaato
Asamoah Gyan:
Mid ka mid ah shaqsiyaadkii ugu weynaa Aduunka & Qaaradeena Africa.
André Ayew:
Dhiirigaliye Dhab ah, Soo Maray dunida mar qura, Dhaxalkiisa ayaana lagu noolaan doonaa ebid.
Micheal Carrick:
Waxaan Maqlay war xun oo ku saabsan Nelson Mandela [Geeridiisa], Wuxuuna ahaa shaqsi dhab ah oo dhiiragaliya shaqsiyaadka kubada cagta.
Waxaa Aqrisay: (662)
omar osman
December 14, 2013 at 2:20 PM
arsinaa 1-4
mancity
CR7
December 19, 2013 at 9:31 PM
ASC INTAA KABACDI WAAD KU MAHADSANTAHAY ABDIRASHIID MOHAMED NOR WAANA KA XUMAHAY GEERIDA NELSON MANDELLA. INTAA KABACDI ANIGU WAA MARKII IIGU HOREEYSAY EE AAN SOO GALO HIILKUBAD.COM WAANA SHABAKAD FAANTAASTIKK AH.
RUNAHAANTIINA WAA WAR FIICAN SAAS KU WADA HA KUFIKIRINA IDINKA LEE WAX ISKA QORAYA.WAA LAIDINLA WADA SOCDAA VIVA CHELSEA AND REAL MADRID