Home » Horyaalada » Bundesliga » Wax Walbo Oo Aaad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid 4-Xul Ee Isugu Soo Haray Koobka Aduunka

Wax Walbo Oo Aaad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid 4-Xul Ee Isugu Soo Haray Koobka Aduunka


Semi-final profile

Brazil, Germany, Argentina iyo Holland ayaa kasoo hareen 32-xul ee isugu imaadeen dalka Brazil sanadkan 2014, waxaana xusid mudan in 4-xul siweyn looga tixgaliyo marka ay timaado tartamada caalamiga ah sidaa darteed xulalkii ehelka u ahaa kubada cagta ayaa soo gaareen bar dhamaadka FIFA World Cup 2014, hadaba waxaan idiin heynaa macluumaad dhameestiran oo ku aadan 4-xul, fadlan hoos kaga bogo:

Brazil v Germany (Talaado, 8 July)

Brazil iyo Germany taariikh ahaan markii labaad ayay koobka aduunka ku kulmi doonaan, kaliya sanadii 2002 ayay Finalaha koobka aduunka u kulmeen waxaana markaas 2-0 guusha ku raacday xulka Brazil, halyee Ronaldo ayaana galabkaas Brazil koobka markii 5-aad gacanta u galiyay kulanka ka dhacay magaalada Yokohama ee dalka Japan, macalin Luiz Felipe Scolari oo haatan Brazil wato ayaa markaas tababare u ahaa balse tababare Joachim Low ayaa diyaar u ah in xulkiisa Jarmalka markii 2-aad aanan lagu taagsanin.

Brazil vs Germany Live Stream

Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Labadan Xul Iyo Inta Jeer Oo Ay Semi-Final Soo Gaareen:

  Brazil Germany
Inta jeer Semi Final Kasoo muuqdeen 10 12
Inta Jeer Semi-Final guuleesteen 7 7
Tirada Koobka Aduuna hanteen 5 3
Qiimeynti FIFA kaalinta ay kaga jiraan 3 2

 Kulamadii Ugu Dambeeyay Oo Ay Labadan Xul Caayaareen:

24 Jul 1999 – Brazil 4-0 Germany- Fifa Confederations Cup Group, Estadio Jalisco, Guadalajara

30 Jun 2002 – Brazil 2-0 Germany- 2002 Fifa World Cup Final, International Stadium, Yokohama

7 Sep 2004 – Germany 1-1 Brazil- International, Berlin

25 Jun 2005 – Germany 2-3 Brazil- Fifa Confederations Cup semi-final, Frankenstadion, Nuremberg

10 Aug 2011 – Germany 3-2 Brazil- International, Mercedes-Benz Arena

David Luiz

Brazil Maxaa U Sahli Karo Inay Kulan Guuleesato?

Madaama ay tartankan martigalinayaan sidoo kalena xul heesto taageerayaal farabadan oo garabkooda taagan sidoo kalena haatan ka xigto labo kulan oo qura inay guuleestaan hanashada koobka aduunka waxaa la oran karaa fursadii ugu wanaagsaneed oo ay riyadii ka bur burtay 1950 ku rumeen karto ayay maanta heesataa! Hadii dhinacaas laga fiiriyo Brazil inay kulan guuleesan doonto ayaa loo badinaa madaama hankooda uu aad u sareeyo.

Germany Maxaa U Sahli Karo Inay Kulan Guuleesato?

Jawaabta fudud ayaa ah ma jiro xul 4-Semi-final oo xiriir ah soo gaaray tartankan sidaa darteed Jarmalka waxay doonayaan inay ka gudbaan nus dhumaadka koobka aduunka madaama labadii tartan ee ugu dambeesay heerkan ay ku hareen wax ka yar hanashada tartankan reer Jarmal fashil ayay u arkaan, sidoo kale xidigaha waaya araga ah sida Lahm iyo Schweinesteiger waxay u baahan yihiin hanashada koobka aduunka madaama labadan xidig ay koob walbo oo heer caalami ah qaadeen, arinka kale ee Jarmalka u sahli karo inay guuleestaan kulankan ayaa ah in xulkan uu heesto xidigo aad u wanaagsan kuwaas oo hadii ay badal kusoo galaan cayaarta wax ka badali karaan.

Sadaasha Kulankan Laga Bixiyay:

Madaama kulankan uu yahay mid aad u adag hadana aanan laga hor dhici karin, waxaa u sahlanaatay quburada ku xeel dheer sadaalinta tartankan inay hal dhinac guusha siiyaan, dhanka xulka Brazil maqnaanshaha Neymar iyo Thiago Silva ayaa ka dhigan in xulkan labadii xidig ay ku duulayeen tabi doonaan. Geeska kale Jarmalka dafiicnimadii ka muuqatay way iska saxeen madaama Mertesacker kursiga keydka la galiyay sidoo kalena Lahm garabka midig ee daafaca dib loogu celiyay sidaa darteed waxaa kulankan la sadaaliyay in 2-1 ay guusha ku raaci doonto xulka Jarmalka!

Mesi and RVP

Argentina v Netherlands (Arbaco, 9 July)

Labadan xul taariikh ahaan xifaaltan soo jireen ah ayaa ka dhaxeeyo tartankan waayo 40-sano ayay markii ugu horeesay tartankii Jarmalka Galbeed lagu qabtay 1974 ku kulmeen waxaana markaas 4-0 guusha ku qaadatay xulka Holland waxayna kaa shaneesay halyee John Cruyff, balse sanadii 1978 ayay mar labaad fooda is dareen waxayna u kulmeen Finalaha koobka aduunka Argentina ayaa 3-2 koobka ku calfatay madaama ay koobka martigalinayeen. Sidoo kale 1998 ayay wareega 8-aad ee tartankan ku kulmeen waxaana habeen loo yaqaan habeenkii Dennis Bergkamp madaama uu Argentina ka dhaliyay mid ka mid ah goolashii ugu qurxanaa ee ebid tartankan laga dhaliyo cayaartan 2-1 Holland ayay guusha ku raacday, labadan xul sanadii 2006 ayay sidoo kale dalka Jarmalka ku kulmeen tartankii lagu qabtay laakiin kulankaan waa mid la iska iloobay madaama ay 0-0 ku kala baxeen qaybta guruubyada.

Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Labadan Xul Iyo Inta Jeer Oo Ay Semi-Final Soo Gaareen:

  Holland Argentina
Inta jeer Semi Final Kasoo muuqdeen 4 4
Inta Jeer Semi-Final guuleesteen 3 4
Tirada Koobka Aduunka hanteen 0 2
Qiimeynti FIFA kaalinta ay kaga jiraan 15 5

Kulamadii Ugu Dambeeyay Oo Ay Labadan Xul Caayaareen:

4 Jul 1998 – Argentina 1-2 Netherlands- International, Olympic Amsterdam

31 Mar 1999 – Netherlands 1-1 Argentina- International, Arena Amsterdam

12 Feb 2003 – Netherlands 1-0 Argentina- International, Arena Amsterdam

21 Jun 2006 – Netherlands 0-0 Argentina- 2006 FIFA World Cup Finals Group C, Commerzbank Arena, Frankfurt

World Cup 2014 Predictions: Schedule, TV Info and Picks for Semifinal Showdowns

Argentina Maxaa U Sahli Karo Inay Kulan Guuleesato?

Lionel Messi sida uu kooban ugu baahan yahay cayaaryahan ugu baahan ma jiro, laacibkan heerkii ugu sareeyay ayuu kubada cagta ka gaaray wuxuuna doonayaa masraxa aduunka inuu mansabkiisa ku faafiyo, sidaa darteed Argentina inay qaadaan waa macquul madaama Messi uu indhaha kala qaaday kaliya 180-daqiiqo ayuu u baahan yahay si uu koobka aduunka u hanto, miisaanka Messi uu leeyahay ayaa u sahli karto inay Argentina kulankan adag guuleestaan.

Holland Maxaa U Sahli Karo Inay Kulan Guuleesato?

Taktikada macalin Luis Van Gaal iyo farsamada Robben ayaa sababi karaan in xulkan ay Finalaha koobka u gudbaan, macalin Van Gaal wuxuu tartankan ku muujiyay inuu yahay qabiir aan loo gali karin gaar ahaan kulamadii Holland ay la cayaareen xulalka Spain, Mexico iyo Costa Rica sidaa darteed macalinkan markii la isku dhagan yahay wuu yaqaaan sida la isku furdaamiyo! Sidoo kale Robben isagana wuxuu kusoo baxay xidig kulan walbo go’aamin karo inkastoo istuur tuurkiisa muran badan dhaliyay hadna 90-daqiiqo xidigan ma ahan mid laga nasan karo labadaas arin ayaa Holland u sahli karto inay kulankan adag guuleestaan.

Sadaasha Kulankan Laga Bixiyay:

Laguma dag dagi karo kulankan madaama labadan xul hamigooda aad u sareeyo balse labadooduba dul duleelo muujinaayo dafiicnimadooda ayaa haatan dadka oo dhan wada arkaan, dhanka Argentina maqnaashaha Angel Di Maria dhibaato weyn ayay ku keeni doontaa sidoo kalena xulkan marka laga reebo Messi ma jiro xidig kale oo ay gool ka sugayaan inkastoo Higuan kulankii ugu dambeeyay gool dhaliyay hadana xidigan marnaba qaab cayaareedkiisii wanaagsanaa dib uma soo ceshanin.

Dhanka xulka Holland waxaa dhibaato ku ah in Robin Van Persie naxuusay markii kulamada kala baxa lasoo gaaray xulkan way u baahan RVP-gii Spain kala diray balse haatan hoos u dhac ayaa heesto sidoo kalena maqnaanshaha Nigel de Jong oo khadka dhexe ku wanaagsan isagana waa boos maran oo aan la qarin karin. Markii arimahaas la isku geeyo waxaa kuu muuqaneyso in kulankan si sahal ah lagu kala badin doonin waxayna u baahnaan doonaan 120-daqiiqo si labadan xul loo kala saaro waxaana ugu dambeyntii 3-2 ku badin doonto Holland sida la sadaaliyay!


Close