Kooxda Arsenal waxay isku diyaarineysaa inay xooga saarto inta uu suuqa Yurub furan yahay sidii ay kula soo saxiixan laheed weeraryahanka xulka Italy iyo naadiga AC Milan Mario Balotelli oo la sadaalinaayo inuusan Serie A-da baaqi kusii ahaan doonin, wararka ayaa intaas ku daraayo in Arsenal ay xidigan haatan ku dooneyso £25 million, hadaba waxaan idiin heynaa 10-Arimaado Oo Arsenal Ku Qasbaayo Inay Mario Balotelli Lasoo Saxiixato, fadlan hoos kaga bogo:
1) Si Wanaagsan Ayuu Luqada Ingiriiska U Kasaa
2) Waa Xidig awood badan sidoo kalena dhalintiisa wanaagsan tahay.
3) Waa laacib daacad ah oo qalbigiisa nadiif yahay.
4) Super Mario waa xidig madadaaliyo taageerayaasha iyo xitaa cayaartooyda garoonka ku jiraan.
5) Balotelli waa shaqsi isku kalsoon.
6) Kalsooni dheeraad ah ayuu isku qabaa marka loo eego xidigaha Arsenal ku sugan.
7) Waa ma ganbade waxaana laga qoray inuu hada ka hor yiri “Kaliya waxaa jiro hal xidig oo iga awood badan waa Messi, balse inta kale aniga ayay iga hooseeyaan!!”
8) Baabuur makaaga baahno! Super Mario meeshii uu joogo iyo gadiidkii laga heli karo ayuu soo raacaa xitaa Mooto ha noqoto isaga ayaa is dabaro oo tababarka soo xaadiro!
9) Waa xidig ay daafacyada ka cabsadaan sidoo kalena soo bandhigo farsamo cajiib badan mararka qaar.
10) Waa xidig soo jiidasho badan, dabcan hadii uu Arsenal imaado waa hubaal in qaar ka mid ah xidigaha aduunka ay Emirates usoo dhaqaaqi doonaan, xitaa waa macquul inuu madaxweyne Barack Obama ku qanciyo inuu Arsenal taageero u noqdo!!
Abdinasir
June 18, 2014 at 11:21 AM
Warbixinadan okale waa kuwo nugu sooconayo waan idin kaga mhad celinaynaa
Ali
June 20, 2014 at 3:51 PM
Waxaasa ciyaryahan ka ah mario balo kuso dhuwow arsenal