Metro ayaa si hordhac ah u shaacisay lineupka Chelsea ee xili ciyaareedka soo aadan inkastoo ay tahay saadaal laga sii hordhacay hadana safka hore e Blues waxaa ka maqan xidigo kooxda xili ciyaareedkaan soo caawiyay kuwaas oo qaarkood ay isaga hayaameen kooxda.
Safka hore ee Blues waxaan kasoo muuqan doonin goolhaye Peter Cech, Fernando Torres, Demba Ba, Oscar, Ramires & Mikel waxaase liiska ay Metro kusoo dartay kabtankii hore Gunners Cesc Fabregas iyo weeraryahanka asal Brazlka ah ee qaatay dhalashada dalka Spain Diego Costa.
Sidoo kale goolhayaha da’da yar ee xulka Belgiumka Thibaut Courtois ayaa goolka ugu jira kooxda Blues kaas oo Cech ka badalaya mudo kadib.
Shaxdaan Ma tahay mida ugu qatarsan ee ay kooxda guulo ku gaari karto? Qofka aad isleedahay wuu ka maqan yahay ku dar ama qofka aad ka reebi laheyd.
Fikirkaaga waa noo muhiim
XUDEYFa SYL
June 6, 2014 at 2:26 PM
Hhhh iga qoro inta u morinho jogo chlsea cup qaadi meyso sido kle dabciga diego cost and morinho way adagtahy sida ay ku heshiyan @ weli waxn inka sugaaba wa heshiska reds ee ay la gashy alberto morena vivaaa cptn fantstc stvn Gerrad
axmed xanan
June 6, 2014 at 9:25 PM
chelsea way qadayasaa koobka waliba wacdaro ayae ka badalaysaa
M.m.x
June 7, 2014 at 8:26 AM
Waad Mahadsan Tihiin Hiilkubad Aniga Ahaan Waxaan Qaba Chelsea Sandkan Waxa Ay Noqon Doontaa Boqorada Yurub