Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa gaaray heshiis ku aadan saxiixa Luiz Suarez xalay oo jimco aheyd sida uu hadda soo qoray Website-ka caanka ah ee Dailymail.
Catalan TV ayaa kusoo waramaayo in labada koox ee Barcelona iyo Liverpool ay ku heshiiyeen £63million, wuxuuna qalinka ugu duugi Doonaa Shano Sano oo heshiis ah marka labada koox ay dhameystiraan heshiiska xidigaan.
Luiz Suarez ayaa noqonaya xidigga afaraad ee ugu Mushaarka badan Kooxda Barcelona marka laga Reebo Lionel Messi, Neymar iyo Andres Iniesta.
Liverpool ayaa weli Barcelona wadahadal kula jirto, iyadoo damac ka leh in la siiyo xidigga ay isku heystaan kooxaha ugu waaweyn Alexis Sanchez.
Wixii kusoo kordha kala soco www.hiilkubad.com,
Marba wax malaga sheeegaaa yaaab.com