Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Wargeysyada Ingiriiska

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Wargeysyada Ingiriiska


Wargeys

Maanta waa Talaado waxaan idin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo xanta ay qoreen wargeysysada kasoo baxa dalka Ingiriiska, wararka waxaan kasoo minguurinay wargeysyada aan ku sharaxi doono qeybta hoose, hiilkubad kaliya waxey leedahay masuuliyada qoraalka, mana lahan xuquuqda wararkaan.

Daily Mirror

Daily Mirror: Wararkii ay maanta ka qortay suuqa kala iibsiga waxa aka mid ah:

  • Tottenham oo heshiis sadex sano ah la saxiixan doonta Mauricio Pochettino iyadoo shaacin doonta 48-da saac ee soo aadan.
  • Tababaraha Chelsea Jose Mourinho oo diyaar u ah inuu lasoo saxiixdo daafaca 21-jirka ah ee Real Madrid Raphael Varane si uu badal ugu noqdo David Luiz.
  • PSG oo dooneysa goolhaye Hugo Lloris iyadoo ka dhiganeysa saxiixeeda labaad madama ay lasoo saxixiatay David Luiz.
  • Daafaca reer Wales Ashley Williams kaas oo 29-jir ah  ayaa ka tagaya kooxda Swansea City kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisa, Arsenal ayaana xiiseyneysa.
  • QPR oo dooneysa iney lasoo saxiixato 21-jirka West Ham ka tirsan ee Ravael Morrison.


The Sun

The Sun: Wararkii ay maanta ka qortay suuqa kala iibsiga waxa aka mid ah:

  • Tababaraha cusub ee Manchester United Louis Van Gaal oo aan dooneyn in Fabregas uu kusoo biiro Old Trafford.
  • Tababaraha Hull City oo doonaya inuu 5 Million si rasmi ah ugula wareego Livermore oo ka tirsan Tottenham
  • Tom Ince oo qaab amaah ah ugu ciyaara Blackpool isla markaana ay milkiyadiisa leedahay Crystal Palace ayaa ku dhaw inuu biiro kooxda Inter Milan xili isaga iyo aabihiis ay tageen magaalada Milan.

Daily Star

Daily Star: Wararkii ay maanta ka qortay suuqa kala iibsiga waxa aka mid ah:

  • Frank Lampard oo shuruud ku xiray heshiiska uu ugu biirayo QPR waana hadii ay labo sano oo heshiis ah siinayaan.
  • Liverpool oo u dhaqaaqday soo xerogalinta xidiga khadka dhexe Crystal Palace [Yannick Bolasie] waa 25-jir madow ah kaas oo 12-bilood ay uga hartay qandaraaskiisa.

Daily Mail

Daily Mail: Wararkii ay maanta ka qortay suuqa kala iibsiga waxa aka mid ah:

  • Weeraryahanka Liverpool Luis Suarez oo u sheegay xidigaha ay isku kooxda yihiin inuu doonayo sii joogitaanka Liverpool isla markaana uu doonayo inuu Liverpool la qaado horyaalka xiliga soo aadan.
  • Juventus oo Arsenal kula biirtay tartanka ay ugu jirto saxixia xidiga rer France ee Real Sociedad Antoine Griezmann.
  • Flop-kii Manchester United Bebe oo doonaya inuu sii joogo Sporting Braga.

Daily Express

Daily Express: Wararkii ay maanta ka qortay suuqa kala iibsiga waxa aka mid ah:

  • Tababare Louis Van Gaal oo doonaya inuu 30 Malyan kusoo xareeyo Jordy Clasie iyo Bruno Martins Indi oo labaduba ah xidigo reer Holland ah.
  • Manchester City oo Barcelona kula tartami doonta saxiixa goolhayaha Malaga Willy Caballero.
  • West Ham oo dhinac ka dooneysa Gareth Barry
  • Shaun Wright-Phillips oo ka tagay kooxda soo dalacday ee QPR

 

Daily Telegraph

Daily Telegraph: Wararkii ay maanta ka qortay suuqa kala iibsiga waxa aka mid ah:

  • Arsenal oo Spurs kula biirtay tartanka loogu jiro goolhayaha Cardiff City David Marshall.
  • Tababare Louis Van Gaal oo go’aan ka gaari doona mustaqbalka xidiga reer Brazil Anderson kaas oo qaab amaah ah ugu soo ciyaaray Fiorentina.

 

The Guardian

The Guardian: Wararkii ay maanta ka qortay suuqa kala iibsiga waxa aka mid ah:

  • Rio Ferdinand oo doonaya inuu ku biiri QPR madama uu isaga tagay goor hore Manchester United

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

4 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Wargeysyada Ingiriiska

  1. ooyaaye macalin Reply

    May 27, 2014 at 1:11 PM

    waa dadaasheen laakin iska saxa qoraalka tottenham oo ka hadlaya boortaha hadaad ka wadaa psg hadaadan ka wadina psg hugo loris hada ayuu tottenham joogaa david luiz psg aa gadatay sidaas ula socda

    • Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO" Reply

      May 27, 2014 at 1:22 PM

      Thanks akhriste, waa hafid, Lloris wuxuu ka tirsan yahay Spurs, waxanse kala jeednay, PSG halkaas waana saxnay

  2. XUDEYFa SYL Reply

    May 27, 2014 at 1:58 PM

    Thnks bahda hiil kubad@ waxn inka sugaana waa adam lalana o ku biry kooxda livrpol inkasto ay weli ku dhwaqn labda naadi hdna warar saaky so baxy waxy shegayen in lgu heshiyey qimaha xidgas isagona la filaayo in u tijabo cfmd ku baro halka y tabrka ku qadanayan xdgha qaranka engalnd vivaa famly of YNWA

  3. c kariim Qalinle Reply

    May 27, 2014 at 2:25 PM

    Aad iyo aad ayaan uso dhawaynayaa xidiga oradka badan ee plasi @hiilkubad. Tom ince kama tirsana Blackpool’s ee crestel palace ayuu katirsanyahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close