Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Kubada Cagta Ee Saaka Oo Khamiis Ah

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Kubada Cagta Ee Saaka Oo Khamiis Ah


Wargeysyada Ingiriiska

Maanta Waa Khamiis waxaan eegeyna Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda, Xanta Wargeysyada Ingiriiska ay ka qoreen kubada cagta maanta inagoo kaga dan leh in aqriste walba uu wax ka ogaado ciyaartoyda ay dooneyso kooxda uu taageero.

Shabakadda Hiilkubad ayaa idiin soo turjuntay, balse masuul kama noqoneyso xaqiiqda dhabnimada wararkaan, wargeysyada ku hor qoran ayaa leh xuquuqda warkaan.

Manchester City oo talaabo u qaaday saxiixa Daafaca Roma Mehdi Benatia.

Sida ay qortay: The Sun

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger oo rajeynaya inuu 6 Malyan kula soo saxiixdo goolhayaha Cardiff City David Marshall

Sida ay qortay: The Sun

Weeraryahankii Cardiff City Graig Bellemy oo noqday tababaraha kooxda reer Switzerland Servette F.C.

Sida ay qortay: The Sun

Kooxda Swansea City oo miisameysa heshiis ay kula wareegto goolhayaha Arsenal Lukasz Fabianski 

Sida ay qortay: Daily Express

Liverpool oo u dhaqaaqeysa saxiixa 26-jirka reer Spain Pedro Rodgriguez

Sida ay qortay: Daily Mirror

Newcastle United oo mushaar 100,000 Kun Isbuucii u balan qaaday weeraryahanka Lyon Befetimbi Gomis

Sida ay qortay: Daily Mirror

Daafaca Manchester City Jealon Lescott oo ogolaaday inuu dhimo 50% Mushaarkiisa si uu u joogo Horyaalka Premier League, balse waxaa wali u furan inuu aadi karo dalka Turkiga oo laga xiieynayo.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Liverpool oo sare u qaaday lacagaha ay kula soo saxiixaneyso Adam Lallana iyadoo rajeyneysa iney heshiis la gaarto ka hor koobka Aduunka 25 Malyan Ayeyna ku dooneysaa.

Sida ay qortay: Daily Star

Weeraryahanka reer Bosnia Edin Dzeko kaas oo galaya sanadkiisii ugu dambeeyay ee hehsiiska uu kula jiro Manchester City ayaa dalab ka helay Kooxda reer Spain ee Valencia oo ku dooneysa 20 Malyan.

Sida ay qortay: Daily Star

Manchester City Oo Wadahdal la gali doonta Xidiga ay haatan xaaladiisa salka laheyn ee Yaya Toure kadib koobka Aduunka.

Sida ay qortay: Daily Star

Mousssa Sissoko oo doonaya inuu isaga tago Newcastle United isago kooxda ku sugan 18-bilood kaliya.

Sida ay qortay: Daily Star

Sida uu shaaciyay wakiilkiisa xidiga khadka dhexe Tottenham Sandro oo doonaya inuu u guuro horyaalka talyaaniga.

Sida ay qortay: Daily Express

Swansea City oo u digeysa kooxaha Liverpool iyo Arsenal iyadoo kaga digeysa iney faraha lasoo galaan arimaha Michu.

Sida ay qortay: Daily Express

Arsenal oo talaabo hormar leh u qaaday badalka Bacary Sagna kaas oo ka tirsan kooxda Toulous Serge Aurier waana 22-jir.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Kubada Cagta Ee Saaka Oo Khamiis Ah

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 22, 2014 at 11:44 AM

    Pedro waxa uu noqon doonaa saxiixa xili ciyaareedkan ee epl-ka hadiiba sax aay noqotaa viva Liverpool

  2. waaaaaw bedro rodriguez common man welcome 2 anfield anaaba og inaad raaxaysan doonto YNWA <3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close