Home » Horyaalada » Bundesliga » Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Yurub Iyo Dhaq Dhaqaaqa Ay Wadaan Kooxaha Aduunka Ugu Caansan:

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Yurub Iyo Dhaq Dhaqaaqa Ay Wadaan Kooxaha Aduunka Ugu Caansan:


Transfer target

Madaama dunida oo idil ay ka dhur sugeyso bilaabashada koobka aduunka oo ku beegan maalinta Khasmiista ah hadana kooxaha Yurub ugu caansan waxay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay soo xero galiyaan qaar ka mid ah xidigaha ay niyada ku hayaan ama ay la xariirayeen todobaadyadii ugu dambeeyay sidaa darteed waxaan idiin heynaa warbixino ku saabsan dhaq dhaqaaqa ugu dambeeyo ee haatan suuqa Yurub ka jiro fadlan hoos kaga bogo:

  • Kooxaha Juventus, Napoli iyo Inter Milan ayaa dhamaantooda Tottenham xariiro kala duwan la sameeyeen waxayna ka doonayaan Erik Lamela oo Premiership-ka ku jah wareeray xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday.
  • Real Madrid oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Mario Mandzukic oo sheegay inuusan Bayern baaqi kusii ahaan doonin.
  • Man United ayaa sheegtay inay Wayne Rooney qayb ka dhigi doonto qorshaha ay ku dooneyso Edinson Cavani inay garoonka Old Trafford ku keento!
  • Chelsea oo sheegtay in Fernando Torres uu baaqi kusii ahaan doono London sidoo kalena xagaagan la iibin doonin.
  • Tababare Antonio Conte ayaa si toos ah taleefon kula xariiray xidiga Barcelona Alexis Sanchez madaama uu dooneyso inuu Juve keeno xidigan.
  • Kooxda Real Madrid ayaa sheegtay inay kala dooran doonto saxiixa Verratti/Ramires midkood maal maha nagu soo fool leh.
  • Kooxda Everton ayaa ku guuleesan rabto saxiixa Cristian Tello inkastoo mudo dheer xidigan Liverpool isha la raaceesay.
  • Kubad sameeyaha naadiga Valencia Ever Banega ayaa doortay inuu ku biiro kooxda Marseile wuxuuna iska diiday dalabyo ay usoo direen Tottenham iyo Sunderland.
  • Xidiga dhalinta Suso ayaa kooxdiisa Liverpool ka dalbaday in doorkiisa la cadeeyo madaama uu heesto fursad uu kooxda FC Porto kaga mid noqon karo.
  • Kooxda Liverpool ayaa weli jawaab ka sugeyso naadiga Sevilla sidii ay kula saxiixan laheed Alberto Moreno madaama wada hadaladii u socday labada dhinac uu hakad ku yimid.
  • Wargeska The Guardian oo sheegay in Man United ay ahmiyada kowaad siin doonto soo xero galinta Alexis Sanchez kadib markii Thomas Muller uu heshiis cusub Bayern u saxiixay.
  • Naadiga Crystal Palace ayaa sheegtay inay ku dhow dahay soo xero galinta xidigaha kala ah Lescott, Crouch iyo Jack Cork.
  • Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in Carlos Vela uu dib ugu soo laaban rabo garoonka Emirates.
  • Wargeska The Metro ayaa sheegay in Arsenal ay dadaal ugu jirto soo xero galinta daafaca naadiga Cardiff City Steven Caulker.
  • Kooxda Real Madrid ayaa sheegtay inay Alvaro Morata ka iibin doonto naadigii la timaado 30-milyan oo pound!
  • Inter Milan ayaa ku rajo weyn inay Stevan Jovetic kasoo qaadato kooxda Man City waxayna ku dooneysaa qaab amaah ah ama in qiimo jaban looga iibiyo.
  • Daafaca kooxda Roma Mehdi Benatia ayaa u sheegay kooxdiisa inuu doonayo ku biiritaanka Chelsea ama uu Serie A-da baaqi kusii ahaan doono.
  • Kooxda Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday qiimaha ay ku dooneyso Santi Cazorla waxayna ku rabtaa €22 million.
  • Real Madrid ayaa xagaagan bartilmaameed ka dhigan doonto daafaca dhalinta yar ee kooxda AC Milan Mattia De Sciglio
  • Xidiga kooxda FC Porto Fernando aya fasaxiisa soo gaabiyay si uu heshiiska uu Man City ku aadayo u dhameestiro.

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Yurub Iyo Dhaq Dhaqaaqa Ay Wadaan Kooxaha Aduunka Ugu Caansan:

  1. c kariim Qalinle Reply

    June 11, 2014 at 3:42 PM

    Hiilkubad,mahadsanidiin in badan waa dadaasheen lkn iska saxa steveven caulker kama tirsana hull city ee waxa uu ka tirsanyahay hada Cardiff city ee u laabatay heerka labaad markiisii hore waxaa iska lahheed totanham waxaawna amaah ahaan u ciyaari jiray swansia city

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close