Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Kubada Cagta Saaka Oo Jimco Ah

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Kubada Cagta Saaka Oo Jimco Ah


transfer-rumours

Saakay oo Jimco ah taariikhduna tahay 30-May 2014, waxaan idiin heynaa wararkii Sports ee ugu dambeeyay kuwaas oo ku saabsan suuqa Yurub iyo koobka aduunka diyaar garowga loogu jiro, fadlan hoos kaga bogo:

  • Naadiga Liverpool ayaa sheegtay inay ku guueesatay saxiixa daafaca garabka bidix ee kooxda Sevilla Albero Moreno ayadoo ku qaadan doonto 16-milyan oo pound sidoo kalena Sevilla waxaa amaah lagu siin doonaa Suso oo ay Liverpool milkyadiisa leedahay.
  • Chelsea ayaa sheegtay inay daafaca Roma Mehid Benatia saxiixiisa ku guuleesan rabto waxayna kooxda reer Talyaani ku wareejin doontaa Romalu Lukaku iyo Lacago inkastoo horey loo sheegay inay Man City saxiixiisa daafacan ku guuleesatay.
  • Andres Iniesta oo sheegay in mudahaaradka koobka aduunka looga soo horjeedo uu yahay mid lala yaabo madaama kubada cagta hormar marwalbo horseedo.
  • Goolhaye Casillas oo aan faraxsaneyn wuxuuna doonayaa inuu Real Madrid xagaagan isaga tago.
  • Atletico Madrid oo sheegtay inay 33-milyan oo euro ah kula soo saxiixan doonto weeraryahanka FC Porto Jackson Martinez si uu booska Diego Costa u buuxiyo.
  • Arsenal ayaa sheegtay inay £4.8m kusoo iibsan rabto daafaca naadiga Sporting Lisbon Eric Dier.
  • Daafaca kooxda Roma Leandro Castan ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub wuxuuna caasimada kusii sugnaan doonaa ilaa sanada 2018.
  • Liverpool ayaa dhigeeda Barcelona u dirtay €25m dalab ku aadan A. Sanchez waxayna jawaab ka sugee kooxda reer Spain.
  • Juanfran ayaa isak diiday dalab Arsenal kaga yimid inkastoo Arsenal ay dhigeeda Atletico u gudbisay €11 million.
  • Alvaro Negredo ama Roberto Soldado midkood ayay kooxda Atletico Madrid lasoo saxiixan doontaa.
  • Dortmund ayaa si rasmi ah u sheegtay inay ku guuleesatay soo xero galinta Ciro Immobile waxayna ku qaadan doontaa €19 million waxaana xidigan is la leh kooxaha Juventus iyo Torino.
  • Liverpool ayaa sheegtay inay dhigeeda Chelsea kaga guuleesan rabto saxiixa kubad sameeyaha naadiga Benfica Lazar Markovic.
  • Kooxaha PSG iyo Lazio ayaa is dhaafsan rabaan xidigaha kala ah Pastore-Candreva.
  • Arsenal ayaa ku rajo weyn inay dhigeeda QPR kasoo qaadato xidiga tayada wanaagsan Adel Taarabt.
  • Wargesyada dalka Talyaaniga ayaa qoreen in kooxaha Inter iyo Tottenham ay is dhaafsan doonaan xidigaha kala ah Lamela iyo Guarin.
  • Chelsea oo sheegtay inay xagaagan lasoo saxiixan doonto xidiga naadiga Napoli Jose Callejon asigoo buuxin doono booska Demba Ba.
  • Man United ayaa ku fikreyso inay bixiso lacagaha qandaraaska Koke lagu jebin karo waana €60m!

2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Xanta Kubada Cagta Saaka Oo Jimco Ah

  1. XUDEYFa SYL Reply

    May 30, 2014 at 8:48 AM

    Alberto moseno adam lalana riki lmbert emre can ama labo xdg qad dhxe bur buriye ah haley keno ana aqana next season yrb sida wacdro loga dhigo the old kop is back

  2. c kariim Qalinle Reply

    May 30, 2014 at 9:00 AM

    Alberto moreno welcome ayaan ku leeyahay good news for reds

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close