Home » Horyaalada » La liga » Wararka Subaxnimo Oo Goos Goos Ah {Maxaa Ku Cusub Saakay Kubada Cagta}

Wararka Subaxnimo Oo Goos Goos Ah {Maxaa Ku Cusub Saakay Kubada Cagta}


Wargeys1

Saaka oo Isniin ah iyo Xanta Kubada Cagta ayaan idiin soo aruurinay inagoo jecel inaad wax ka ogaataan sida ay kusoo waabariisteen suuqayada yurub.

Had iyo Jeer Xubintaan waan idiin soo gudbinaa bal si aad wax badan ugala socotaan.

  • Arsenal ayaa dib usoo nooleesay rabitaankeedkii ku aadanaa Wilfried Bony waxaana lagu qiimeeyaa xidigan £20m.
  • Andres Iniesta ayaa maskaxdiisa badalay wuxuuna doonayaa inuu Barcelona xagaagan isaga hayaamo.
  • Liverpool ayaa fariin qoraaleed u dirtay Alexis Sanchez iyo wakiilkiisa si sii Anfiel ugu soo guuro.
  • Man City ayaa dalab u dirtay weeraryahanka naadiga Fenerbahce Emmanuel Emenike sidoo kalena Tottenham iyo Everton ayaa xidigan ku raad joogaan.
  • Inter Milan ayaa si rasmi ah u sheegtay inay wada xaajood la furtay xidiga dhalinta yar Tom Ince.
  • Chelsea oo shaki ka muujisay dhaawaca Diego Costa waxaana macquul ah inay Blues isaga leexato xidigan.
  • Luis Suarez ayaa gabadhiisa 4-jirka ah kasoo qoray iskuul ku yaalo magaalada Liverpool tani waxay ka dhigan tahay in xidigan uusan xagaagan Reds ka tagi doonin!
  • Milkiilaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in koodiisa ay fasixi doonto xagaagan Edisnon Cavani.
  • Aaron Ramsey oo lala xariirinaayo naadiga Bayern Munich inkastoo xidigan uu ku faraxsan yahay ka mid ahaan shaha Arsenal.
  • Sergio Aguero ayaa aaminsan in dalka ka dhisan qaarada Koonfur Ameerika uu xagaagan koobka aduunka ku guuleesan doono.
  • Robinho ayaa la sheegay inuu heshiis la gaar rabo naadiga Flamengo kuna laaban doono dalkiisa hooyo xagaagan.
  • Alvaro Arbelao ayaa kusii siqaayo inuu kooxda Napoli ku biiro madaama uu heshiis ka helay.
  • Xidiga Inter Milan F. Gaurin ayaa dalab wanaagsan ka helay naadiga Wolfsburg ee ka dhisan dalka Jarmalka.
  • Roberto Mancini ayaa kusoo biiray macalimiinta u sharaxan jagada kooxda Tottenham.
  • Claudio Marchisio isagana saxaafada dalka England waxay hadal heysaa inuu Tottenham iyo Man United kal dooran doono,
  • Bayern Munich oo Juve la xariirtay una sheegtay in Vidal looga badasho Mandzukic!
  • Liverpool oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Javi Martinez.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Wararka Subaxnimo Oo Goos Goos Ah {Maxaa Ku Cusub Saakay Kubada Cagta}

  1. yusuf .jaayo Reply

    May 19, 2014 at 10:59 AM

    Waa kumahad santihiin wararka aad saka nalasocod siiseen bahda hiil kubad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close