Home » Maxaa Cusub » Uruguay Oo Guul Loo Rafaaday Ka Gaartay Ingiriiska Xili Luis Suarez Uu Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay

Uruguay Oo Guul Loo Rafaaday Ka Gaartay Ingiriiska Xili Luis Suarez Uu Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay


UruguayIngiriiska ayaa ku Dhaw Inuu ka dago Tareenka Koobka Aduunka waliba iyagoo  dhaliyay kaliya laba gool Suarez ayaana cadaawad ka abuurtay Jamaahiirta Ingiriiska.

Naxdintii ay ka qabeen Ingiriiska Luis Suarez ayaa rumowday markii uu u dhaweeyay qarkana u saaray ka haritaanka koobka Aduunka.

Luis Suarez ayaa labada qeyb kala dhaliyay laba gool oo hogaanka u dhiibay xulka uu hogaamiyao Oscar Tabarez inkastoo Cavani uu isna qeyb ka ahaa duulaankii ay Uruguay ku macsalameeyeen Ingiriiska

Wayne Rooney ayaa ka baxay abaartii goolasha ee koobka Aduunka markii uu goolka barbardhaca u dhaliyay Ingiriiska ka hor inta uusan Suarez mar kale hogaanka u dhiibin Uruguay.

Daniel Sturridge ayaa weerar kusoo qaaday xulka Uruguay balse Kabtan Diego Godin ayaa gacanta ku taabtay kubad uu is lahaa u xaluuli Rooney, balse garsooraha ayaa England ku abaalmariyay Laad Xor ah oo qatar ahaa Godin ayaana jaale la gudoonsiiyay, Wayne Rooney ayaa u istaagay balse uma noqon inkastoo goolhaye Muslera uusan is nuuxin hadana kubada ayaa martay meel goolka u dhaw daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta.

Uruguay ayaa markeeda qaadatay iyadoo halis galisay goolka Ingiriiska kubad gees laga soo laaday ayey daafaca ingiriiska si qaab daran isaga bixiyeen balse Rodriguez ayaa helay fursad uu hogaanka ugu dhiibo Uruguay inkastoo darbadii uu riday ay goolka meel halis ah ka martay daqiiqadii 16-aad.

Xulka Uruguay ayaa sameeyay xatooyo markii koorno loo dhigay ay si qarsoodi ah ugu baaseen Edisnon Cavani kaas oo kubad ku dirqiyay goolka England balse goosha ayey sara martay daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta.

Steven Gerrard ayaa laad xor ah kasoo qaaday dhanka bidix waana fursadii ugu qaalisaneed ee ingiriiska markii Rooney uu madaxeeyay kubad goolhayaha uu maqnaa balse birta ayaa ka beenisay daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta.

Luis Suarez ayaa hogaanka u dhiibay xulka Uruguay isagoo madax cajib leh ka dhaliyay goolhaye Joe Hart wuxuuna caawinaad cajiib ah ka helay Edinson Cavani daqiiqadi 39-aad ee ciyaarta.

Luis Suarez oo hogaanka u dhiibay xulka Uruguay

England ayaa sameysay weerar celis dag-dag ah markii Wayne Rooney uu sameeyay caawinaad qurux badan Sturridge ayaana darbo ku riday goolka Uruguay balse goolhaye Muslera ayaa ka diiday daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta.

Ingiriiska ayaa sameynaya cadaadis xoog leh ka hor dhamaadka qeybta hore iyagoo helay dhowr koorno oo isku xigta inkastoo daafaca Uruguay ay ka dhiidhiyeen in shabaqooda lasoo taabto qeybta hore ee ciyaara.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa soo idlaatay iyadoo Uruguay ay gool ku horkaceyso ciyaarta ka dhaceysa dalka Brazil, qeybta labaad ee ciyaarta ayaa lagu soo laabtay iyadoo labada xulba ay sameeyeen wadatashiyo wax gal ah.

Uruguay ayaa bilowga qeybta labaad ee ciyaarta cadaadis saartay goolka Ingiriiska iyadoo dhowr jeer lo dhawaaday in lasoo taabto shabaqa Ingiriiska, Gerrard iyo Hart ayaana laba kubad oo gool loo fishay iska soo saaray.

Luis Suarez ayaa helay fursad uu hogaanka ugu dheereyn karay Uruguay daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta inkastoo sidii uu damacsanaa aysan dhicin.

Mar kale Edinson Cavani ayaa kubad kala hortagay goolhaye Joe Hart inkastoo aysan gool noqon hadana waxey aheyd fursad ugu qaalisaneed ee soo martay Uruguay balse uma noqon inuu hogaanka u dheereeyo xulkiisa.

Wayne Rooney ayaa sameeyay fursad qaali ah isagoo isku dayay inuu barbaro u keeno England isla markaana dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay koobka Aduunka markii uu kubad ka helay Baines balse darbadii uu tuuray isagoo 12-talaabo u jira goolka waxaa ka diiday goolhaye Muslera.

Ingiriiska ayaa badal kusoo galiyay wiilasha orodka badan Adam Lallana iyo Ross Barkley kuwaas oo cadaadiska ku kordhiyay xulka Uruguay.

Wayne Rooney ayaa ka baxay abaartii gool la’aan ee ka heysatay koobka Aduunka isagoo soo afjaray 10-kulan oo uusan gooldhalin koobkiisii sadexaad ee Aduun isagoo kubad igu taabo aheyd ka helay Glen Johnson daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta taaso barbardhac ka dhigtay ciyaarta.

Ingiriiska ayaa xamaasa ka qaaday barbardhaca Rooney iyadoo Sturridge uu sameeyay kubad qatar ah balse goolhaye Muslera ayaa ka inkiray daqiqadii 77-aad ee ciyaarta.

Mugdi iyo Niyad Jab ayaa ka dhacay Sao Paolo markii Suarez uu hogaanka u dhiibay Uruguay iyadoo ay 5-daqiiqo ka hartay dhamaadka ciyaarta markii uu shabaqa dhexdhigay goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Suarez ayaa ciyaarta dhaawac uga baxay isagoo xulkiisa ka caawiyay iney hogaanka qabato ciyaarta oo dhamaad ah madama uu ahaa dhaliyaha labada gool ee Uruguay.

Ugu dambeyntiina Rajadii England ee Koobka Aduunka ayaa ceel dheer ku dhacday waxeyna qarka usaaran yihin iney ku biiraan Cameroon, Spain iyo Australia oo kaga horeeyeen wada haritaanka.

Ciyaarta ayaana kusoo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacda xulka Uruguay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Uruguay Oo Guul Loo Rafaaday Ka Gaartay Ingiriiska Xili Luis Suarez Uu Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay

  1. Casalaam Reply

    June 20, 2014 at 5:31 AM

    Rooney ceebtii iska maydh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close