Kooxda Barcelona ee ka dhisan Spain ayaa la duldhigay ganaax lacageed oo kaga yimid xiriirka qaarada yurub ee UEFA kaas oo dhan 21,000 kun Pound kadib markii Jamaahiirta kooxda ay calanka Catalonia kusoo bandhigeen Finalka Champions League-ga ee ka dhacay Berlin iyagoo ugu dabaal dagaya Xoriyadda Catalonia.
Jamaahiirta xamaasadeysan ee Barcelona ayaa sii wada dhaqankaan mudada dheer ay wadeen ee u ololeynta xoriyadda Catalonia waxeyna markaan calanka kusoo bandhigeen Berlin finalkii dhacay bishii lasoo dhaafay.
Xiriirka UEFA ayaa qeexay in Barcelona ay ku xad gudubtay xeerka 16-aad ee xiriirka kaas oo mamnuucaya in la adeegsado erayo, walxo iyo wax walba oo gudbin kara fariin aan xambaarsaneen kubada cagta.
Barcelona ayaa garaacday Juventus finalkii kulan kusoo dhamaaday 3-1, Enrique kooxdiisa ayaana dhameystirtay sadexley koobab ah markii labaad taariikhda kooxdaan.