Kubad sameeyaha xulka Jarmalka Toni Kroos oo tirsanaayo maal maha uu Bayern Munich lasii joogi doono ayaa markale meesha ka saaray inuu kooxda Man United ku biiri doono wuxuuna xidigan sheegay in qorshihiisa aysan ku jirin inuu ka cayaaro garoonka Old Trafford balse xidigan tayada wanaagan ayaa soo dhaweeyay hadal heynta ku aadan inay Real Madrid dooneyso saxiixiisa, wargeska El Confidencial ayaa sheegay in Kroos uu kooxdiisa Bayern Munich ka codsaday inay dalabka Real Madrid si wanaag ku dheehan uga jawaabaan wuxuuna xidigan aaminansan yahay in qaab cayaareedkiisa uu ku haboon yahay ka hoos cayaarida macalin Carlo Ancelotti.
24-jirkan qandaraaska uu Bayern kula joogo wuxuu ku egyahay sanada 2015 sidaa darteed kooxda reer Jarmal ma dooneyso inuu sanadka dambe Kroos uga tago si xor ah sidaa darteed waxaa macquul ah maamulka Bayern inay dalabka Madrid ka jawaabaan waxaana lagu qiimeeyay Kroos haatan 20-milyan oo pound, sidoo kale wargeska Marca ayaa qoray in Kroos uu booska Sami Khedira gali doono madaama xidigan maamulka Madrid ku fikirayaan inay xagaagan iibiyaan waxaa intaas sii dheer in Real Madrid ay gabi ahaanba damacii Paul Pogba meesha ka saartay sidaa darteed wargeska Marca ayaa isagana sheegay in kooxdan ka dhisan caasimada Spain ay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay Kroos kula soo saxiixan laheed.
c kariim Qalinle
June 7, 2014 at 9:14 AM
Krose waa anfici lahaa real lkn booska kadira waxaa kala baxay modric xavi iyo modric @hadii aanan qaldaneen booskii ozil ama isco ee ah 10ka ayuu kroos ciyaari doonaa hala hala Madrid