Home » Horyaalada » Bundesliga » Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


Toni Kroos

24-jirka khadka dhexe kaga cayaaro xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Toni Kroos waxaa lagu tilmaamaa xidiga ugu kubad heesashada badan qaarada Yurub sidoo kalena heerkiisii ugu wanaagsanaa ayuu haatan ku jiraa waxaana ku raad joogaan kooxaha Yurub ugu caansan, Toni Kroos miisaan culus ayuu ku leeyahay Bayern iyo xulka Jarmalka balse maanta waxaan si gaar ah waxaan uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah sidaa darteed macluumaadka xidigan ku saabsan fadlan hoos kaga bogo:

Jessica Farber waa gabadha ay saaxiibaha yihiin Toni Kroos labadan lamaane inta badan makala haraan gaar ahaan Kroos xiliyada uu fasaxa ku jiro wuxuu jecel yahay inay goob walbo marka uu joogo ay ku wehliso jaceelkiisa Jessica Farber, waxaa kaloo xusid mudan in Jessica iyo Kroos ay marwalbo goobaha ay bulshada ku kulmaan sida Facebook iyo Twitter-ka ay soo galiyaan sawiro muujiyaano sida ay isugu dhow yihiin.

Kadib markii ay sanado badan saaxiibo ahaayeen waxay go’aansadeen inay nolosha isla qeebsadaan waxaana sanadkii hore labadan lamaane noloshooda kusoo kordhay ubud waxayna haatan aabo iyo hooyo u yihiin wiilka yar ee lagu magacaabo Leon wuxuuna dhashay 14-kii August ee sanadkii hore.

Jessica Farber waa gabar barato dalxiiska iyo soo dhaweynta dadka martida ku ah dalka Jarmalka waxayna marwalbo ku dadaashaa inay waxbarasheeda heer ka gaarto sidoo kalena ay adkeeso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay saaxiibkeed Toni Kroos, dhawaan xidigan tayada wanaagsan wuxuu saxaafada u sheegay in xili cayaareedkii 2012/13 dhamaadkiisa dhaawacii halista ah ee soo gaaray uusan ka kabsan laheen hadii aysan Jessica Farber garabsiin laheen!

Toni Kroos haatan wuxuu ku sugan yahay dalka Brazil sidoo kalena xulkiisa Jarmalka kulankii ugu horeeyay oo ay Portugal la cayaareen 4-0 ayay kaga badiyeen sidoo kalena saaxiibtiis Jessica Farber iyadana dalka Brazil ayay dalxiis u joogtaa waxayna diyaar u tahay inay seygeeda taageerto kuna garab istaagto sidii uu xulkiisa Jarmalka tartankan kula guuleesan lahaa.

Ugu dambeyntii qoyskan waxay qaadan doonaan go’aan noloshooda u muhiim ah biloowinka nagu soo fool leh madaama Kroos uu doonayo inuu Bayern Munich isaga tago waxaana dalabyo kala duwan usoo direen kooxo badan sida Real Madrid, Chelsea iyo Man United sidaa darteed go’aanka uu Kroos qaadan doono wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu kala tashto xaaskiisa Jessica Farber iyo sidoo kalena inuu eego waxa u dan ah qoyskiisa!


4 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Toni Kroos Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

  1. zeki tulux Reply

    June 19, 2014 at 2:28 AM

    asxaabta codsigayaga malaha waxaan u malynyaa waa wax kama soo qaad mesha aad ban ugu xidhan nahy fadlna noo soo gubiya nolosha laacibiinta barcelona

    • Abbas Ali Hassan Reply

      June 19, 2014 at 3:24 AM

      Mudane Akhriste Dulqaado Dhowr Xidig oo ka tirsan Barcelona Waan Soo Qornay Qaar badan oo ka tirsana waan soo wadnaa, si aad u aragto xidigii aan horey uga hadalnay Fadlan ku dhufo Cinwaanka (Nolosha Xidigaha) Mahadsanid

  2. zeki tulux Reply

    June 19, 2014 at 2:32 AM

    we wanna to get ifnormation to bacelona plyers

  3. daa uud yare Reply

    July 19, 2014 at 1:27 PM

    sxb nolosha arsen wenger noo soo gudbiya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close