inkastoo maalmo ka hor uu Thomas Muller saxaafada aduunka u sheegay in cayaaryahan ka mid ah kooxda Bayerb Munich uu ku guuleesan doono abaal marinta FIFA Ballon d’Or sanadkan ayaa markale ku celiyay in Franck Ribery uu mudan yahay abaal marintan qiimaha badan madaama xidiga reer France uu dadaal dheeraad ah sameeyayxili cayaareedkii hore 2013/14 wuxuuna Muller yiri “xaqiiqdii Franck wuu ka wanaagsan yahay C. Ronaldo iyo L. Messi marka la fiiriyo wixii uu Bayern u qabty 12-bilood ee aan kasoo gudubnay wuxuuna mudan yahay in dadaalkiisa lagu abaal mariyo mana jiro xidig ka mudan Ballon d’Or”
Thomas Muller ayaa sidoo kal qirtay in Ribery uusan ahayn gool dhaliye shabaqa saaxiib la ah sida Ronaldo iyo Messi oo kale balse wuxuu ka dhawaajiyay in kubad sameeyaha reer France uu gool abuuris badan yahay labadaas xidig sidoo kalena uu yahay cayaaryahan shaqo badan kaasi oo udub dhexaad u ahaa guulaha ay Bayern gaartay xili cayaareedkii hore, dhanka kale Muller ayaa saxaafada u sheegay in Bayern Munich oo haatan hogaamiyo macalin Pep Guarduila uu hadafkeeda yahay inay difaacato sedexdii koob oo ay xili cayaareedkii hore ku guuleesatay kuwaas oo kala ahaayeen Bundesliga, Champions League iyo German Cup.
Waxaa Aqrisay: (555)