Kooxda Sunderland aya gaartay guushii ugu horeysay xili ciyaareedkaan markii ay gurigeeda Stadium of Light ku martiqaaday kooxda Newcastle United.
Weeraryahanka Sunderland Steven Fletcher ayaa bilaabay goalka furitaanka markii uu daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta goal kaga naxsaday Newcastle United oo marti aheyd.
Newcastle ayaa heshay goalka barbardhaca markii Debuchy uu dhaliyay qeybta labaad ee ciyaarta daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta
Wiilkii hore Liverpool Fabio Borini ayaa u sahlay goalka Sunderland siiyay guushii ugu horeysay xili ciyaaredkaan markii uu daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta goal shabaqa dhexdhigay.
Natiijadaan ayaa ka dhigtay in Sunderand ay kasoo kacdo halka ugu hooseysa horyaalka iyadoo leh 4-dhibcood waxeyna 18-dhibcood ka hooseysaa kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.
Crystal Palace oo guuldaro kala kulantay isbuucaan Arsenal ayaa gashay booska ugu hooseeya horyaalka iyadoo leh 3-dhibcood.
Xaqiiqada Kulanka:
Sunderland: Westwood, Bardsley (Celustka 77), O’Shea, Cuellar, Dossena, Larsson, Cattermole (Ki 70), Colback, Johnson (Borini 69), Altidore, Fletcher
Badalka Aan La Adeegsan: Gardner, Giaccherini, Mannone, Roberge
Goolasha: Fletcher 5, Borini 83
Jaale: Fletcher
Badalka Aan La Adeegsan: Anita, Haidara, Elliot, Obertan
Goolasha: Debuchy 57
Jaale: Cabaye
Garsoore: Lee Probert
Taageereyaal: 46,313
Waxaa Aqrisay: (3363)