Markii ugu horeysay muddo ku dhawaad 10 sanadood ah ayaa masuul sare
oo ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ka mid
noqday masuuliyinta maamuli doona cayaaraha koobka aduunka ee FIFA
beach soccer world cup ee bishan 18-keeda ka furmi doona dalka Tahiti,
waxaana tani ay tusaale weyn u noqoneysaa in Soomaaliya ay kusoo
laabatay maamulka sare ee cayaaraha Adduunka kaddib Faarax wehliye
Cadow Sendiko.
Xoghayeha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi
Qani Saciid Carab oo bishii December 2011-kii loo magacaabay in uu
xubin ka noqdo FIFA ayaa markii ugu horeysay hada ka mid noqday
guddiga sare ee loosoo xulay in ay maamulaan tartanka caalamiga ah ee
FIFA beach soccer world cup oo dalka Tahiti ka dhici doona inta u
dhexeysa 18-28 ee bishan September.
“Tani waa talaabo weyn oo horay loo qaaday waxaana ay tusaale cad u
noqoneysaa dib usoo noolaashada sumcadii Soomaaliya ay ku dhex lahayd
maamulka sare ee FIFA wixii ka dambeeyay markii FIFA ay ganaax
saartay guddoomiyihii hore ee xirirka Soomaaliyeed kana mid ahaa
guddiga FIFA Alle ha u naxariistee Faarax Wehliye Cadow Sendiko”ayuu
yiri madaxa xafiiska warfaafinta ahna afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed
ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin Abuukar “Islow”
Cabdi Qani ayaa noqonaya qofkii labaad ee Soomaaliyeed oo darajo
heerkan oo kale ah ka gaara FIFA, waxaana ka horeeyay oo keliya Faarax
Sendiko.
“Dib ayay hada Soomaaliya ugusoo laabatay masraxa maamulka sare ee
cayaaraha FIFA waxaana ay taasi dhiiri gelineysaa dhamaan umada
Soomaaliyeed”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka
ahna xubin ka trisan ururka kubada cagtabariga iyo bartamaha Afrika ee
CECAFA Shaafici Muxuyadiin.
“Mr Cabdi Qani Saciid Carab waa nin aad u fir fircoon waxaana uu horay
saameyn weyn ugu dhex lahaa ururka CECAFA oo uu guddoomiye ka yahay
guddiga qaban qaabada tartamada CECAFA, waxaa uu ka mid yahay
dhalinyarada sida aadka ah u shaqeeya ee uu kalsoonida weyn ku qabo
guddoomiyaha FIFA Jopseph S Blatter” ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri
afhayeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin.
Soomaaliya waxaa ay horay dhowr xubnood ugu lahady guddiyada CAF iyo
CECAFA oo kala maamula kubada cagta Afrika iyo tan bariga iyo
bartamaha Afrika. Mr Cabdi Qani Saciid Carab ayaa loo tix geliyaa in
uu ka mid yahay dadkii kaalinta weyn kasoo qaatay naftoodana u huray
in kubada cagta Soomaaliya ay sii socoto 20-kii sano ee lasoo dhaafay
oo dalkan Soomaaliya ay dagaaladu la dageen kubada cagtana ay ay
kooxaha Islaamiyiintu mamnuuc ka dhigeen markii ay dalka qabsadeen
2006-dii .