Cristiano Ronaldo wuxuu kooxdiisa Real Madrid ka saaciday inay ku guuleesato Super Cup-ka Yurub kadib markii uu laboo naadiga Sevilla xidigan ka dhaliyay Ronaldo ayaa ka sare maray Lionel Messi dhalinta goolasha dhamaan tartamada kala duwan ee qaarada Yurub, Ronaldo farxadiisa kuma koobneyn inuu Super Cup-ka Yurub qaado sidoo kalena waxaa u suura gashay inuu qaarada Yurub ka dhaliyo 70-gool wuxuuna labo gool ka sare maray Lionel Messi.
Cristiano koobka horyaalada Yurub 68-gool ayuu ka dhaliyay halka Super Cup-ka Yurub uu 2-gool ka helay taasi waxay ka dhigan yahay inuu 70-gool taramada Yurub ka dhaliyay, dhanka Messi guud ahaan 68-gool ayuu tartamada Yurub ka dhaliyay waxaana xusid mudan in 67-ka mid ah uu Champion-ka ka dhaliyay halka goolka kalena uu Super Cup-ka Yurub ka dhaliyay.
Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu sameeyay dadaal lala yaabay waayo bishii April 2012 Ronaldo 18-gool ayuu ka hoseeyay Lionel Messi tartamada Yurub balse labadii sano ee ugu dambeesay Ronaldo wuxuu ka dhaliyay koobka horyaalada Yurub 12-gool xili cayaareedkii 2012/13 iyo 16-gool oo uu xili cayaareedkii hore ku qaaday sidaas ayuuna Messi kusoo qabtay dabcan labdii gool ee Super Cup-ka Yurubna waa labada uu haatan Ronaldo ka sareeyo Messi.
Ronaldo haatan 6-gool oo kaliya ayuu ka hooseeyaa halyeegii hore ee kooxda Real Madrid Raul kaasi oo 76-gool dhamaan tartamada kala duwan ee qaarada Yurub ka dhaliyay.
Ugu dambeyntii CR7 guud ahaan wuxuu Real Madrid u dhaliyay 254-gool asigoo u saftay 247-kulan!!
cool guy