Kadib markii ay meel wanaagsan gaareen wadahalada Barcelona iyo Liverpool ee ku aadan iibka Luis Suarez ayey soo baxeen warar hoose oo tilmaamaya Shan xidig oo dhanka weerarka ah kuwaas oo Liverpool ay ku hilmaami karto Luis Suarez.
Luis Suarez ayaa qabtay shaqo wanaagsan xili ciyaareedkii dhamaaday inkastoo kooxdiisa ay ku guuldareysatay ku guuleysiga horyaalka Premier League hadana waxey ka qeyb gali doontaa Champions League xiliga soo aadan.
Habada Shanta weeraryahan ee lasoo calaameeyay ayaa kala ah:
1. Alexis Sanchez
Barcelona ayaa ku warantay iney hesho dalabyo kala duwan oo kaga imaanaya kooxaha ka dhisan ingiriiska inakstoo xidigaan uu iska diiday ku biiritaanka Liverpool isla markaana kooxdiisa weydiistay in laga iibiyo Gunners hadana wuxuu ku jiraa liiska xidigaha ay Reds ku hilmaami karto Suarez.
25-jirkaan reer Chile ayaa wacdaro ka dhigan horyaalka La Liga iyo sidoo kale Koobka Aduunka ee haatan ka socda Brazil inkstoo xulkiisa ay rigoore ku qasaariyeen kulankii Brazil ee 16-ka.
2. Mario Balotelli
Weeraryahanka Milan Mario Balotelli ayaa la filayaa inuu isaga hayaao horyaalka Serie A-da isagoo dib ugu laabanaya horyaalka Premier League oo uu kasoo muuqday xili hore.
Baloteli ayaa 18-bilood kaliya ku sugnaa kooxda Milan inkatoo kooxda Rosanerri ay diyaar u tahay iney iibiso, Arsenal ayaa mudo badan lala xiriiriyay balse waa badal macquul ugu ah Liverpool iney ku badalato Luis Suarez.
3. Divock Origi
Magacaan ma ahan magac laga yaqaan yurub badankeed waa Kenyaati heysta dhalashada Belgiumka kaas oo haatan wacdaro ka dhigaya koobka Aduunka.
Xidigaan Madow waxaa isha ku haya Liverpool oo dooneysa saxiixiisa waana xidiga sadexaad ee badalka u noqon kara Luis Alberto Suarez oo kusii socda wadadii uu ugu biiri lahaa Barcelona.
4. Karim Benzema
Weeraryahanka xulka Faransiiska iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa lagu daray liiska kaas oo ay mar macquul u aheyd iney Liverpool si fudud ku hesho waana markii ay Madrid ku raad joogtay saxiixa Suarez.
27-jirkaan reer France ayaa Real Madrid u suuragaliyay iney ku guuleysato Champions League 10-aad ee taariikhda.
5. Lazar Markovic
Da’yarka reer Serbia iyo kooxda Benfica Lazar Markovic waxaa xiiseynaya kooxaha Chelsea iyo Liverpool wuxuuna dhameystay sanadkiisii ugu horeeyay heshiiska uu ku joogo kooxdiisa.
21-jirkaan heerka caalami ayaa u saftay 49-kulan dhamaan tartamada oo dhan.
Hadab Midkeed is leedahay wuu ku haboon yahay Inuu Badalo Suarez?
Benzema
Hdi la helayo sanches hdi la wayana lzard markovc
haddan Ra,yigeyga ka dhiibto kuligood waxaa Ugu qatarsan oo weerar yahan laga baqo eh sanchez iyo balotteli inta kale ma buuxin karaan b00ska zuares