Shaki maba ku jiro in Paul Scholes uu yahay mid ka mid ah xidigaha ugu kabiirsan kubada cagta dhanka khadka dhexe wuxuuna xiligiisa u hadiyeeyay kooxda Manchester United inkastoo uu isaga fariistay garoomada hadana kulan sadaqo lagu aruurinayay oo xalay dhexmaray Bayern Munich iyo Man United ayuu kasoo muuqday isagoo hogaamiye u ah Man United.
Bayern iyo Man United ayaa ku kala baxay 3-3, balse kubad sameeyaha kooxda Bayern Munich iyo Xulka Jarmalka Bastian Schweinsteiger ayaa helay fursad uu ku helo funaanada halyeeygaan reer England.
Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Bastian ayaa si xushmad leh u weydiistay funaanadiisa halyeey Paul Scholes, waxaana xidigii hore Man United uu ku qasbanaaday inuu siiyo isla markaana qeybtii dambe uu ku ciyaaro maaliyad aan magac laheyn.
“Waxaan siiyay Bastian” Ayuu Scholes u sheegay warbaahinta kadib dhamaadkii ciyaarta markii la weydiiyay sababta uu qeybta dambe ee ciyaarta ugu ciyaaray funaanada aan magaca iyo numberka laheyn.
“Wuxuu i weydiistay funaanadeyda dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta, waana siiyay, sidoo kale wuxuu i siiyay funaanadiisa oo aad u qurux badan, sababtoo ah waa ciyaariyahan layaab leh, goor dhaw ayuu ku guuleystay koobka Aduunka si wanaagsan ayuuna iila hadlay” ayuu yiri Scholes mar kale.
“Wey wanaagsan tahay inaad is dhaafsataan funaanada ciyaartoyda waaweyn, waa xidig kula guulesytay Bayern koobab badan sidoo kalana ku guuleystay koobka Aduunka”
Ugu dambeyntii Paul Scholes ayaa dhaliyay goolka labaad ee Halyeeyada Manchester United kulankii ay xalay 3-3 la galeen Halyeeyada Bayern Munich.
Yes schooles waa macalinka macalimada khadka dhaxe waliba waxuu awood uleyahay basaska dhaadher ee ma khaldamayasha ah
fadeexada kala bax suuqa naya