Home » Africa » Sadex Xidig Oo Ajnabi Ah Oo Kasoo Muuqan Doona Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyaareedkaan

Sadex Xidig Oo Ajnabi Ah Oo Kasoo Muuqan Doona Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyaareedkaan


Kenyaati

Horyaalka Soomaaliya ayaa bilaaban doona mudo dhaw waxaana lagu wadaa inuu noqdo mid xiiso badan kana xiiso badan horyaaladii hore. Xili Ciyaareedkaan Sadex Xidig oo ajnabi ah ayaa kasoo muuqan doona horyaalka Soomaaliya xiligaan waxeyna kasoo muuqan doonaan naadiga Banadir Sports Club ee ka mid ah kooxaha heerka koowad.

Sadexdaan xidig ayaa ah xirfadlayaal ka xamaalan jiray Horyaalka Dalka Kenya waxaase xiligaan ay door bideen iney ka ciyaaraan horyaalka soomaliya iyagoo ku faraxsan kusoo biiritaanka naadiga Banaadir.

1. Harrison Mburu Wanjiku:

Waa Kubad sameeye ka ciyaara khadka dhexe sidoo kalana ka ciyaari kara daafaca dambe ee dhexe.

29-jirkaan heerka caalami ayaa u dhashay dalka Kenya wuxuuna xili ciyaareedkaan kusoo biiray naadiga Banaadir Sports Club.

Harrison

2. Thomas Mwangi Gichobi:

Waa Goalhaye kaas oo isagana ka tirsan naadiga Banadir Sports Club, kaasoo ah 22-jir da’yar wuxuuna ka doortay horyaalka Kenya inuu kasoo muuqdo horyaalka soomaaliya.

Goalhaye

3. Marcel Odhiambo Oyugi

25-jir heer caalami ah oo Kenya u dhashay kaas oo ka ciyaara dhanka weerarka wuxuna ka tirsan yahay naadiga Banadir Sports Club.

Odhiambo

Sadexdaan xidig ayaa la filayaa iney kasoo dhex muuqdaan kooxda Banadir Sports Club xili ciyaareedkaan.

Ugu dambeyntii In Ajaanib ka ciyaarto horyaalka soomaaliya ma dhicin mudadii 23-ka sano aheyd ee dowlad la’aanta ka jirtay, waxaase la filayaa in kooxaha kale ee horyaalka ay lasoo saxiixdaan ciyaartoy ajnabi si horyaalka uu xiiso gooni ah u yeesho.

Dhanka Kale Garoonka Konis Stadium ayaa xili ciyaaredkaan lagu ciyaari doonaa horyaalka waana markii ugu horeysay oo lagu ciyaaro Cows-ka artificialka ah ee lagu goglo garoomada caalamiga ah aduunyada.

Hadaba Fikirkaaga:

Ma Qabtaa Fikirka Ah In Ajaanibta Ka ciyaareysa Horyaalka Dalkeena Uu Hormar U Yahay Kubada Cagta Soomaalia?

Noosoo Gudbi Fikirkaaga iyo Sida aad u aragto Kubada Cagta Soomaaliya? Kuna soo gudbi qeybta hoose ee fikradaha.

Ogow: In Mar walba Shabakadda Hiilkubad ay ku mashquulsan tahay sidii ay wax walba oo ku saabsan kubada cagta kugu soo gudbin laheed.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


8 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Sadex Xidig Oo Ajnabi Ah Oo Kasoo Muuqan Doona Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyaareedkaan

  1. Abdisalan Reply

    October 18, 2013 at 4:48 PM

    marka hore waxaa salamaya dhaman umada soomaaliyeed meel walba ee ay duniada kaga nool yihin waxaan idin leyahay assalamualaikum warahmatullahi wabarakatuh salanta kadhib waxaan u arka fikrada maanta ka jirto somalia inay tahay fikrad calami ah oo aan hore somalida wax logo qaban wallahi sedexdan ciyariyahan ee kaso jeda wadanka kenya waxaan u arka inay wadankuda madama kenya ay tahay wadanka labad ee somali ay ku badbaado Aniga adinla hadlayo waxaan ku dhashay wadanka kenya somalina ma arkin waligay hadane waxan messageka idinka soo diraya wadanka mareykanka aad ayan ogo faraxsanahay 22 sano kadhib in wadankeyga lago qabto ciyar aad u farxaad galisa umada somaliyed Hiilkubad dhamanten aad ban idin salamay igana rali ahada mada aan afsomaliga sida loqoro anan aqoon u laheyn

  2. Saadaq Reply

    October 18, 2013 at 4:59 PM

    arrintaan waa mid ka mid ah talaabada lagu horumari karo Soomaaliya hanoolaato

  3. kaamil Reply

    October 18, 2013 at 5:01 PM

    waxay ku habooneyd in la keeno kuwo cad cad xeetahay kuwaan aan waxba na dhaamin kkkkkkkkkkkkk

  4. Aadan Reply

    October 18, 2013 at 5:01 PM

    Walaahi aad ayaan ugu faraxsanahay waxaan leeyahay Kuwa kale hala keeno

  5. Xasan Reply

    October 18, 2013 at 5:02 PM

    War Kaamilow waxay ka fiican yihiin wax la’aan ee mucaaradnimada iska dhaaf horumarkaan la gaaray faham

  6. Salaad Reply

    October 18, 2013 at 5:04 PM

    Ani waxaan aaminsanahay in la keeno dad aan wadanka u dhalan si khibradeena sports ay u wanaagsanaato maxaa yeelay faceyn wax waan la qeybsan weynay

  7. Cfitaax Reply

    October 19, 2013 at 6:22 AM

    Asc dhamaaan asxaabta iyo howl wadenada wargeskan hormaray e hiilkubad dhaman waan idin salmayaa adinka iyo asxaabta kuxisaran wabkan salanta islaamka asalamu calekum waraxmatulahi wabarakatuhu salan kadin hadan ugudbo fakarkayga xaqiqdi wa mid lagu farxo waliba aad iyo aad in maanta horyalka somaliya ciyartoy ajnabi ah kaciyarto tasna waxay cadene in hormar balaaran u samenayo xirirka somaliyed balse waxan qaba in inbadan ajanid lagu tirsanaan e nadiwalba xadido ciyartow deda ajanibta si dhalinta mustaqbalka kuleh kuada somaliya xaqna uleh in ay ciyaran janis uhelan ayagana walmahadsan tihiin

  8. abdi kariim {sahal} Reply

    October 19, 2013 at 4:17 PM

    dhamaan waan salamayaa holwadaynada hiilkubad iyo wargeyska horyaal sports.
    waana idinkaga ma,had celinayna howsha iyo sportiga somalia aad kor uqadaysan .

    way fiican tahay sida wayn ay kooxaha isugu diyarinayaan horyaalka heerka kowaad.

    hadii aan ka hadlo su,aasha oo ahayd cayartoyda ajanibta wax makusoo kordhin karaan .
    jawaabtu waa maya .
    maxaa yelay comerad malahan dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close