Home » Africa » Horyaalka Somalia » Sacad & Shaarkey Oo Elman U Sahlay Iney Si Kumeel Gaar Ah Hogaanka Ula Wareegaan

Sacad & Shaarkey Oo Elman U Sahlay Iney Si Kumeel Gaar Ah Hogaanka Ula Wareegaan


DSC00799

Kooxda Kubada Cagta Elman ayaa hogaanka Horyaalka Nationalink Championship 2013 si kumeel gaar ah u qabatay kadib markii ay guul ciriiri ah ka gaareen kooxda Heegan.

Sacad Saalax Xuseen iyo Maxamed Cabdinuur Shaarkey ayaa dhaliyay labada gool ee kooxda Elman siiyay guushaan.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi dagan iyadoo ay kala cabsanayeen labada naadi waxaana daah furay gool qurux badan oo lugta bidix lagu dhaliyay Maxamed Cabdinuur Shaarkey oo baas lala cajiibo ka helay Maamed Abuukar Dheere Jeeg oo ah kubad qeybiyaha kooxda Elman.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso Elman.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay waxaana kooxda Heegan ay sameeyeen isku dayo badan oo gool loo fishay balse uma noqon waxaase hal mar garoonka hilaaciyay Deeq C/llahi Nuur “Deeq Aaryo” Oo lugta midig ku dhaliyay kubad qatar aheyd.

Ugu dambeyntiina Sacad Saalax Xuseen oo ah kubad sameeyaha kooxda Elman ayaa madax kusoo xiray ciyaarta markii uu laad xor ah soo qaaday Nuune Cabdi Xasan oo ah xidig nasiib u yeeshay inuu 30-maalmood kusoo aalamiiteeyo garoonka weyn ee Bernabue kooxda Real Madrid sanadii 2005.

Natiijada Ciyaarta ayaase noqotay 2-1 ugu dambeyntii waxaana sidaas hogaanka horyaalka ku qabtay Elman oo leh 12-dhibcood waxaana laga warsugi doonaa natiijada kulanka berito ee Banaadir Sports Club iyo Jeenyo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close