Tababaraha Xulka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa amaanay weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge kaas oo ka mid ah xidigaha xulka England u matali doona Koobka Aduunka.
Roy Hodgson ayaa ku kalsoon wiilashiisa weerarka ee uu Brazil u wadi doono isagoo si gaar ah u amaanay hogaamiyaha Manchester United Wayne Rooney iyo sidoo kale Weeraryahanka Liverpool Sturridge kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay sida xidigaha aduunka Messi & Ronaldo.
Roy Hodgson oo la hadlayay Jariiradda AS ee Spain kasoo baxda: “Si walba Sturridge waa sida Messi iyo Ronaldo wuxuuna awoodaa inuu dhaliyo goolal badan marka la tago Brazil” Ayuu yiri macalinka reer England.
Xulka England ayaa ku jira Groupka D iyagoo ku saf ah xulalka Italy, Uruguay iyo Costa Rica sidaas oo ay tahay Hodgson ayaa aaminsan in Rooney iyo Sturridge ay England waqti dahabi ah u hogaamin doonaan.
Dhanka kale Macalin Roy ayaa amaanay xidigaha Liverpool Gerrard, Henderson iyo Sterling kuwaas oo xiligaan sameeyay dadaal kii ugu weynaa madama ay Reds u suurogaliyeen iney kaalinta labaad ka galaan Horyaalka Ingiriiska.
c kariim Qalinle
May 27, 2014 at 11:09 AM
Hadiiba misse iyo cr7 lala tartamaayo suarez ayaa la tartami kara waqti xaadirkaan kn sturedge. Magaaryo tayada heerkaas