Home » Maxaa Cusub » Roy Hodgson: “Sturridge Waa Sida Ronaldo & Messi”

Roy Hodgson: “Sturridge Waa Sida Ronaldo & Messi”


Sturridge-Hodgson_2470233b

Tababaraha Xulka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa amaanay weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge kaas oo ka mid ah xidigaha xulka England u matali doona Koobka Aduunka.

Roy Hodgson ayaa ku kalsoon wiilashiisa weerarka ee uu Brazil u wadi doono isagoo si gaar ah u amaanay hogaamiyaha Manchester United Wayne Rooney iyo sidoo kale Weeraryahanka Liverpool Sturridge kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay sida xidigaha aduunka Messi & Ronaldo.

Roy Hodgson oo la hadlayay Jariiradda AS ee Spain kasoo baxda: “Si walba Sturridge waa sida Messi iyo Ronaldo wuxuuna awoodaa inuu dhaliyo goolal badan marka la tago Brazil” Ayuu yiri macalinka reer England.

Xulka England ayaa ku jira Groupka D iyagoo ku saf ah xulalka Italy, Uruguay iyo Costa Rica sidaas oo ay tahay Hodgson ayaa aaminsan in Rooney iyo Sturridge ay England waqti dahabi ah u hogaamin doonaan.

Dhanka kale Macalin Roy ayaa amaanay xidigaha Liverpool Gerrard, Henderson iyo Sterling kuwaas oo xiligaan sameeyay dadaal kii ugu weynaa madama ay Reds u suurogaliyeen iney kaalinta labaad ka galaan Horyaalka Ingiriiska.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Roy Hodgson: “Sturridge Waa Sida Ronaldo & Messi”

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 27, 2014 at 11:09 AM

    Hadiiba misse iyo cr7 lala tartamaayo suarez ayaa la tartami kara waqti xaadirkaan kn sturedge. Magaaryo tayada heerkaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close