Home » Horyaalada » La liga » Ronaldinho “Hadii aan nahay reer Brazil waan qirnay in sanadkan C. Ronaldo uu muudan yahay Ballon d’Or”

Ronaldinho “Hadii aan nahay reer Brazil waan qirnay in sanadkan C. Ronaldo uu muudan yahay Ballon d’Or”


ronaldinho-23-goals

Halyeegii hore ee xulka Brazil iyo naadiga Barcelona Ronaldinho oo horey ugu guuleestay laacibka aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena kubada xiligan casriga la cayaaro waxyaabo dheeraad ah kusoo kordhiyay ayaa ka hadlay hadal heynta ku aadan in Cristiano Ronaldo aan sanadkan laga xigin abaal marinta FIFA Ballon d’Or sidoo kale Ronaldo ayaa ka dhawaajiyay in dadweynaha reer Brazil ay isku raaceen in sanadkan 2013 uu yahay sanadkii Cristiano sidoo kalena ay aad ula dhacsan yahay tayada xidiga reer Portugal wuxuuna Ronaldinho yiri “Ronaldo haatan waa xidig aan la gaari karin gaar ahaan sedexdii gool ee uu xulka Sweden ka dhaliyay aadban ula dhacay sidaa darteed hadii aan nahay reer Brazil waan isku raacnay in xidigan aan laga xigin abaal marinta Ballon d’Or”

Ronaldinho ayaa sidoo kale sheegay inuu siweyn dhigiisa Cristiano Ronaldo ugu soo dhaweyn doono dalka Brazil madaama uu Cristiano xulkiisa Portugal usoo saaray koobka aduunka wuxuuna Ronaldinho yiri “sharaf weyn ayay ii noqon doontaa inaan Ronaldo dalkeyga hooyo kusoo dhaweeyo waayo xagaaga dambe wuxuu ka mid yahay xidigaha indhaha u ah tartanka aan marti galin doono sidaa darteed reer Brazil oo idil ayaa u hanqal taagayaan inay Cristiano kusoo dhaweeyaan dalkooda hooyo madaama uu yahay wajiga koobka aduunka lagu gadi doono sanadka dambe”


Waxaa Aqrisay: (660)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>