Waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday isreeb reebka koobka 2018 ee dalka Russia lagu qaban doono waxaana la sameeyay isku aadka isreeb reebka qayba qaarada Afrika.
FIFA ayaa qaban qaabisay xaflad cajiib badan oo lagu soo bandhigay dhamaan isreeb reebka koobka aduunka 2018 ee qaaradaha ku mideesan FIFA.
Hadaba xulkeena Somalia waxay isku beegmeen xulka Niger kulan ka tirsan isreeb reebka koobka aduunka wajigiisa hore ee qaybta Afrika.
Somalia ayaa ka mid ahayd 26-ka dale e qaarada Afrika u darajada hooseeyaan loona sameeyay isku aad labo kulan oo kala bax ah waxayna Somalia calaf u yeelatay inay ku beegmato xulka Niger.
Isreeb reebka wajiga kowaad ee qaarada Afrika waxaa la cayaari doonaa bisha October ee isla sanadkan gudaheeda waxayna xulalka isugu beegmeen sida hoos ku xusan:
Somalia vs Niger
South Sudan vs Mauritania
Gambia vs Namibia
Sao Tome e Principe vs Ethiopia
Chad vs Sierra Leone
Comoros vs Lesotho
Djibouti vs Swaziland
Eritrea vs Botswana
Seychelles vs Burundi
Liberia vs Guinea-Bissau
CameroonR v Madagascar
Mauritius vs Kenya
Tanzania vs Malawi
F.G: Xulalka labada lug guuleestaan waxay u gudbi doonaan wareega 2-aad ee isreeb reebka ayagoo isku aad qori tuur ah kula midoobi doonaan 27-dal ee Afrika ugu darajada sareeyeen waxaana loo sameyn doonaa isreeb reeb nidaamka Guruubyada ah.