Home » Europe » Champions League » Rasmi UEFA Oo Shaaca Ka Qaaday Magaalooyinka Marti Galin Doonaan Champion-ka Iyo Europa League Sanadka 2017

Rasmi UEFA Oo Shaaca Ka Qaaday Magaalooyinka Marti Galin Doonaan Champion-ka Iyo Europa League Sanadka 2017


cardiff

Sidii la wada sugaayay xiriirka kubada cagta Yurub ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaadeen magaalooyinka marti galin doonaan tartamada Champion-ka iyo Europa League sanada 2017.

UEFA ayaa u dooratay magaalada Cardiff ee dalka Wales inay marti galiso kama dambeesta koobka horyaalada Yurub sanada 2017.

Garoonka quruxda badan ee lagu magacaabo Millennium Stadium ayaa nasiib u yeeshay in sanada 2017 uu martigaliyo Champion-ka waxayna noqon doontaa markii ugu horeesay ee garoonka lagu qabto Finalha Champion-ka.

Waxaa naga xasuusin ah in sanadka dambe 2016 kama dambeesta Champion-ka lagu qaban doono magaalada Milan gaar ahaan garoonka San Serio.

Hadii aan usoo laabano marti galinta magaalada Cardiff la siiyay wuxuu garoonkooda Millennium Stadium qaadaa 74,500 oo taageero ah waxaana si rasmi ah garoonkan daaha looga qaaday sanadii 1999.

Dhanka kale magaalada Solna ee dalka Sweden ayaa lagu qaban doonaa Finalaha Europa League sanada 2017.

Garoonka Friends Arena Solna ayaa tiro ahaan qaado 50,000 waxaana garoonkan si rasmi ah daaha looga qaaday November 2012.

Waxaa naga xasuusin ah in Finalaha Europa League sanadka dambe 2016 lagu qaban doono magaalada Basel ee dalka Switzerland.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>