Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Macalin Brenden Rodgers Oo Qalinka Ku Duugey Heshiiskii La Wada Filaayay

Rasmi: Macalin Brenden Rodgers Oo Qalinka Ku Duugey Heshiiskii La Wada Filaayay


brendan_2902948b

Tababaraha kooxda Liverpool Brenden Rodgers ayaa sidii la wada sugaayay qalinka ku duugey heshiis waqtigiisa dheer yahay wuxuuna macalinkan haatan isku dayaarin doonaa inuu xagaagan suuqa Yurub kasoo dukaameesto madaama awood buuxdo uu maamulka Reds ka helay iyo taageerayaasa kooxdan faca weyn, ninka u dhashay Waqooyiga Ireland ayaa qalinka ku duugay heshiis u ogolaanayo inuu Anfield baaqi kusii ahaado ilaa sanada 2018, hadaba milkiilaha Liverpool John Henry gudoomiyaha kooxdan Tom Werner ayaa si wadajir ah uga hadleen heshiiskan waxayna dhaheen “aadban u nasiib badanahay hadii aan heesano shaqsi aragti wanaagsan sidoo kalena hamigiisa aad u sareeyo waxaana ku faraxsanahay ilaa haatan Rodgers hawsha quruxda badan ee uu Anfield ka qabtay mana jirto qof kaga haboon hogaaminta Liverpool”

Macalinkan dhalinta yar ayaa dhankiisa heshiiskan ka hadlay wuxuuna yiri “sharaf weyn ayay ii tahay in la iisiyo fursad aan waqti dheer Liverpool kusii hogaamin doono, waaa ku faraxsanahay inaan aas aaska Reds dhisay sidoo kalena aan kalsoonida maamulka, taageerayaasha iyo cayaartooyda kasbaday haatana si wadajir ah ayaan horey ugu sii dhaqaaqi doonaa” Brenden Rodgers ayaa hogaanka Liverpool haayo labo xili cayaareed oo kala duwan wuxuuna sanadkiisii kowaad ku dhameestay kaalinta 7-aad halka xili cayaareedkii dhawaan dhamaaday uu ku sigtay inuu Liverpool horyaalka u qaado balse ugu dambeyntii kaalinta 2-aad ayuu galay sidoo kalena 5-sano kadib ayuu Liverpool usoo saaray Champion-ka waxaana naga xasuusin ah guud ahaan macalinkan inuu Reds leyliyay 97-kulan wuxuuna guuleestay 54-kulan halka laga badiyay 22-kulan wiilashiisa waxay dhaliyeen 206-gool halka laga dhaliyay 118-gol sidoo kalena 56% kulamadii uu cayaaray wuu guuleestay!

2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Rasmi: Macalin Brenden Rodgers Oo Qalinka Ku Duugey Heshiiskii La Wada Filaayay

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 27, 2014 at 7:46 AM

    Waaaw howsha halkeeda kawad Brendan ywnwa@ hiilkubad.com thankes..

  2. XUDEYFa SYL Reply

    May 27, 2014 at 10:38 AM

    Ww thnks bahda hiil kubad@ make us dream next season brnad vivaaaaa famly of YNWA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close