Home » Africa » Rasmi: Dalka Gabon Oo Loo Doortay Inay Mari Galiyaan Tartamada Qaramada Afrika Ee Sanada 2017 Lagu Balansan Yahay

Rasmi: Dalka Gabon Oo Loo Doortay Inay Mari Galiyaan Tartamada Qaramada Afrika Ee Sanada 2017 Lagu Balansan Yahay


Gabon

Xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ayaa dalka Gabon u doorteen inuu marti galiyo tartanka qaramada Afrika ee sanada 2017 lagu balansan yahay.

Gudiga fulinta sare ee qaarada Afrika ayaa ku kulmeen magaalada Qahira waxayna u codeeyeen dalka Gabon, Algeria iyo Ghana wadanka mudan inuu marti galiyo cayaaraha Afrika ugu qiimaha badan.

Waxaana cod bixinta ku guuleesteen Gabon oo ay xubnaha Afrika u arkeen inay mudan yihiin marti galinta koobka qaramada Afrika ee sanada 2017 la gaban doono.

Waa markii labaad oo ay marti galin doonaan dalkan ku yaalo Galbeedka dhanka xeebta Afrika waxayna horey markii hore hore ula marti galiyeen dalka Equatorial Guinea balse markan kaligood ayay dhamaan qaarada Afrika dalalka ugu awooda badan ay soori doonaan.

Gabon ayaa tartanka Afrika ku martigalin doonaan 4-garoon waxaana tartankan ka qayb qaadan doonaan 16-dal garoomada haatan diyaarka ah waxay ku yaaliin Libreville iyo Franceville.

Port Gentil iyo Oyem iyagana garoomadooda dhismo aya lagu bilaabi doonaan waxayna ku dhamaan doonaan mudo 14-bilood ah .

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>