Sida ay sheegayaan ilo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay kooxda Chelsea ayaa 20 Malyan Oo Pound kula saxiixatay daafaca bidix ee kooxda Atletico Madrid Filipe Luis isagoo badal u noqon doona halyeeygii hore England Ashley Cole. Sida ay shaacisay The Sun.
28-jirkaan Asal Turkiga ah balse qaatay dhalashada Brazil ayaa heshiis la gaaray Chelsea wuxuuna xili ciyaaredka soo socda dhanka bidix kula xifaaltami doonaa Cesar Azpilicueta.
Xidigaan reer Brazil ayaa qeyb libaax leh ka qaatay guushii ay Atletico ka gaartay La Liga xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, iyo sidoo kale dadaalkii ay ku gaareen Finalka Koobka Horyaalada Yurub inkastoo ay 4-1 ku lumiyeen gacanta Real Madrid.
Filipe Luis ayaa la filayaa inuu noqdo saxiixii afaraad ee Blues xili ciyaareedkaan kadib Cesc Fabregas, Diego Costa & Mario Pasalic.
Profile