Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Ashley Cole Oo Ku Biiray Kooxda AS Roma

Rasmi: Ashley Cole Oo Ku Biiray Kooxda AS Roma


Cole

Ashley Cole oo ay dhawaan kooxda Chelsea iska fasaxday sidoo kalena baadi goob ugu jiray inuu koox cusubku biiro ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato Serie A-da dalka Talyaaniga kadib markii uu heshiis rasmi ah la gaaray kooxda AS Roma, Cole aya ku sugnaan doono caasimada dalka Talyaaniga mudo 2-sano ah wuxuuna Roma todobaad walbo ka qaadan doonaa €48,000 oo bilaa canshuur ah oo u dhiganto €2.5 million.

Cole ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Roma waxayna xidigan iyo kooxda Roma si wadajir ah shaaca uga qaadeen inay heshiis wada gaareen kaasi oo u ogolaan doonto inuu boos joogto ah ka helo kooxdan faca weyn sidoo kale Ashley wuxuu kasoo muuqan doonaa xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub waxaana macquul ah inay isku soo beegmaan kooxda Chelsea oo dhawaan iska racadeesay madaama xidigan da’diisa horey u badatay.

View image on Twitter

33-jirkan iyo wakiilkiisa Mr. Jonathan Barnett ayaa ku faraxsan inay ugu dambeyntii heleen koox dalabkooda raali galiso wuxuuna wakiilkiisa sheegay inay iska diideen dalabyo ay usoo direen kooxaha Liverpool, Tottenham iyo AC Milan ugu dambeyntiina AS Roma inay ku biiraan ayay ku qanceen.


Close