Juventus ayaa xaqiijisay in Andrea Pirlo uu saxiixay heshiis cusub kaas oo kooxda kusii heynaya labada sano ee soo socota xili la filayay inuu kooxda ka hayaamo marka uu dhamaado koobka Aduunka.
Halyeeygaan reer Italy ayaa noqday dhaqaajiyaha xulka iyo Kooxda Juventus tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray sanadii 2011 iyadoo si xor ah ku qaadatay markii Milan ay iska soo nacday.
Si Kastaba 35-jirkaan ayaa wiilasha Antonio Conter u hogaamiyay sadex horyaal oo xiriir ah isla markaana ka mid ah xirfadlayaasha kubada cagta dhanka qadka dhexe ugu caansan ayaa kusii sugnaan doona Torino ilaa 2016.
“Taariikhda Cajiibka Ah ee Andrea Pirlo ayaa kasii socon doonta Juventus” ayey u qorneed warbixin lagu qoray webka gaarka ah ee Juventus.
“Pirlo ayaa saxiixay heshiis laba sano ah wuxuuna Juve lasii joogi doonaa ilaa 30 June 2016″
Ugu dambeyntii hamigii Ancelotti uu ka lahaa inuu mar kale maamulo Pirlo ayaa soo idlaaday iyadoo Juve ay sii heysaneysso halyeeygooda.
amiin
June 11, 2014 at 4:08 PM
waa sax iska joog kooxdada wey ku bahantahay adigane waad u bahantahay ku dhameyso juve viva pirlo and juve….