Home » Europe » Europe League » Portugal vs Sweden: Isku Aadka Play-offka Koobka Aduunka Wadamada Yurub Oo La Sameyay

Portugal vs Sweden: Isku Aadka Play-offka Koobka Aduunka Wadamada Yurub Oo La Sameyay


Cafu

Isku aadka Kulamada Kala baxa [Play-offska] ee Wadamada qaarada yurub ayaa la sameeyay, waxaana isku beegmay xulalka Ukraine iyo France sido kalana Zlatan Ibrahimovic oo Swden ah ayaa ka hor imaan doona C. Ronaldo oo Portugal ah.

Sidoo kale Romania ayaa kulan adag la yeelan doonta Greece taasoo ka dhigan in Iceland ay wajahi doonto Xulka Croatia.

Isku aadka ayaana sidaan U Qornaa:

Kulanka 1-aad: Portugal vs Sweden

Kulanka 2-aad: Ukraine vs France

Kulanka 3-aad: Greece vs Romania

Kulanka 4-aad: Iceland vs Croatia

 

Laba Kulan ayaa la ciyaari doonaa oo ah [Minan & Marti] lugta koowaad waxaa la ciyaari doonaa 15-ka November halka Lugta Labaad la ciyaari doono 19-ka November.

 

Sidoo Kale Isku Aadka Koobka Aduunka ayaa la sameyn Doonaa (December 6 2013, iyadoo lagu sameyn Doono Bahia).

Wadamada Ilaa Haatan soo gudbay: Brazil (Martigaliyaayasha), Argentina, Australia, BelgiumBosnia and Herzegovina, Chile, Colombia, Costa Rica, Ecuador, EnglandGermany, Honduras, Iran, Italy, Japan,NetherlandsRussia, South Korea, Spain (Difaacdayaasha)Switzerland, United States.

 

Kulamada Kala Baxa [Play-offska Qaaradaha]

Jordan v Uruguay
Mexico v New Zealand

Lugta koowaad waxaa la ciyaari doonaa 13-ka November halka lugta labaad la ciyaari doono: 20-ka November.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Portugal vs Sweden: Isku Aadka Play-offka Koobka Aduunka Wadamada Yurub Oo La Sameyay

  1. Zaki Cadde Reply

    October 21, 2013 at 3:52 PM

    Runtii lama sadaalin karo kulanka Portugal Vs Sweden balse taariikh ahaan Sweden ayaa guulo badan sidaa darteed Swedish-ka inay soo bixi doonaan ayaan aaminsanahay dhanka kale France, Greece iyo Croatia ayaa koobka aduunka usoo gudbi donaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close