Home » Africa » Ninka Qaarada Afrika Ugu Taajirsan Aliko Dangote Oo Doonayo Inuu Kooxda Arsenal Iibsado!

Ninka Qaarada Afrika Ugu Taajirsan Aliko Dangote Oo Doonayo Inuu Kooxda Arsenal Iibsado!


Dangot

Aliko Dangote oo ah ninka qaarad Afrika ugu taajirsan ayaa banaanka soo dhigay riyadiisa u gaarka ah wuxuuna sheegay inuu doonayo sidii uu kooxda Arsenal ku iibsan lahaa.

Bilyaneerkan u dhashay dalka Nigeria wuxuu hanti ahaan u heestaa 15billion US dollars (£10.4billion) ayaa sidoo kale la sheegay in sanadii 2010 uu damcay inuu qayb ka mid ah saamiga Arsenal xiligaas ka iibsado Lady Nina Bracewell-Smith balse uma suura galin.

Haatan Arsenal saamigeeda ugu badan waxaa iska leh ninka reer Ameerika Stan Kroenke diyaarna uma ahan inuu kooxdiisa iska iibiyo sidoo kalena Alisher Usmanov oo ah ninka labaad ee saamiga Arsenal ugu badan iska leh isagana qorshaha ugama jirto inay kooxdan gacantiisaka baxdo.

Balse Aliko Dangote oo ganacsigiisa ka mid yihiin iibinta sokorka, burka iyo saliida ayaa sheegay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin riyadiisa ku aadan sidii u Arsenal ku iibsan lahaa.

Asigoo ka hadlaayo arinkan wuxuu yiri “Weli waxaan qabaa rajada ah inaan maalin un Arsenal iibsan doono weliba qiimo maangal ah ayaan ku iibsan doonaa”

Bilyaneerkan ayaa dhanka kale la taliyay macaln Arsene Wenger wuxuuna ku booriyay inuu kubadiisa wax ka badalo.

“Wenger wuxuu u baahan yahay inuu qaab cayaareedkiisa badalo sidoo kalena kooxdiisa ka dhigo naadi cayaarto kubad natiijo ku dheehan”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>